GABAYGA MAYAL:

Mar haddii murtida loo kacoo, maagto tirinteeda
Midh-qiyaaska waayaha markaad, maanso ku abaarto
Mayal Iyo hanbaa laggu unkaa, laggu majeertaaye
Runbaa laggu milaalaa naxwaha, miida gabaygaaga
Waa maqaal u gaaroo bandhiga, dood miskiin qabo
Manfac lagguma raadsado tixaha, mooshin laggu qaado..

Weligeedba Maandeeq Rag baa, maala kelligood
Muraadkoogu waxa uu fulaa, dhawr mataano ah
Mashaariicda waxa loo xidhaa, tuugo maal badan
Af-miishaarka mooyee nin kale, maydhax kama diiran
Macaluule shacabkii badnaa, hayna lagga meeri
Danyaruhu masruufkii ma helo, maalin qudha wiige
Ma macdaar nin qudhi leeyahaa, Maandhow Qarankeenu
Miyaan xeer shaqeeyiyo dastuur, meesha loo dhiganin
Malahiisa siduu maagan yahay, moodistiyo tiisa
Ikhtiyaar ku maamulid dalkani, maanu ka xoroobin.

Saldhigyada Miyaad soo martood, aragtay muuqooda
Miyaad maqashay ceebaha dhex yaal, miiska taliskeena
Muraniyo jikaar kugu dhiciyo, maaha Iyo way tay
Wanjal laggu muraadsado xabsiga, dhiiga lagu miirto
Xadhig loo maleegiyo danbiga, loo macmalay Aadme
Mu’amarada inuu caawadaa, kiis u magac raadsho
Marmarsiiyo beeniyo xujada, muumin lagu oogay
Hadaad noqoto dhawr saac maxbuus, jeelka ku madluuna
Mara waaxid xiisihii dalku, kaa masaxayaa

Afartaa milgaha loo mariyo, muunad gabaygii dheh
Mugdi raagay habeenkoo madow, Kaaha miliceed dheh
Dulmi muusha mawjada hirdiya, maayad iyo xoog dheh
Cadli mudha wanaag midho baxshiyo, Guulle Mahadii dheh.

Mahadhada midhbaan iga baxayn, maanka ku talaalan
Sida wagan la miray waxa aan xalay, muunida ku gaadhay
Magli lala dul joogsaday haween, miirka laga qaaday
Madaxuu ku jiidiyo ushuu, ugu miciinaayay
Margiyada budkuu kala dhacee, kaga maqiiqaayay
Dable micidu dheertiyo manaxe, laaya maatida
Is maroori ciyaariyo marwaad, farax ku muunsoodka
Aragtida maqluubka ah siduu, ugu mushaaxaayay
Muusanowga gabadhaa ka dhacay, maare kale waaga
Miir Beelka markay maahsanayd, maada dhinaciisa
Labadaa marxaladood sawiro, muuqay bixinayso
Bal miliilic adigoo arkoo, taagan madashaasi
Oo u madiya xaajada markaa, loona muruq sheegtay

Dibintayda fool kaan ku muday, midab gadoonkayga
Mas sidaan ku joogsaday cagtii, meelna qaban weyday
Waxay meehanowgii ilmadu, qoysay maradayda
Mar danbaan sidii ruux la maray, maax ku soo kacay
Alle magane gaalkaan martiyey, taa imuu marin
Mase xataa ma nihin Liibiyada, laysa maxasteena
Wadaniga ma mijo xaabiyaan, jooga minankiisa
Midi soodha miishaar af badan, mudacyo fiiq fiiqan
Ma muwaadin laggu riixayaa , mooral kugu raaca.

 

Mar baan idhi dalkii maaha kani, aad ku madhateene
Ma Malaawiyaan baa ku helay, murugo ciilkeeda
Milgo darida musuqoo cadaan, loo mushahar qaato
Magafaa askari looga dhigay, moogan shaqadiisa
Madhuudhyooday goortaan arkoo, eeday maragaasi.

Mulki maaha laba ruux hantaan, Dawlad midhaheedu
Waa masiir ummadi leedahiyo, maal-gashi dad-weyne
Hoo mugaabi qabo oo miskeed, meerinta hadhuubka
Manfaceedu waa wada jirkoo, laggu midoobaaye
Mansab ruuxa loo dhiibayow, maare danaheena
Ha is mahadin Aadmiga badhbaa, kaa martabad roone
Masaafada lugtoo taagan bay, maylal durugtaaye
Maskaxaha dadkaa lagga helaa, xeesha kaa maqane
Darajada midkii laggu tolow, muuji sharafteena
Muwaafiqo lahaadoo dadyahow, meel u wada guura.

RAAD NEWS 2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here