Kenya: Xildhibaannada Ugu Mushahar Badan Afrika Oo Dalbaday Gunooyin Dheeraada ?

0
21
Kenya's Supreme Court judges file into the chamber during the opening of the 11th Parliament in the capital Nairobi April 16, 2013. REUTERS/Noor Khamis (KENYA - Tags: POLITICS)

Waxaa aqalka barlamaanka ee dalka Kenya horyaalo hindise sharciyeed qabyo ah oo ay soo jeediyeen guddiga baralaamanaka u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo sharciga.

Hindisahan oo aan wali la meel marin ayaa  buuq badan ka dhaliyay guud ahaa dalka Kenya waxaana  haddii la ansixiyo uu xildhibanaada iyo guddoonka barlamaanka Kenya uu u oggolaanayaa inay helaan lacago gunnooyin ah oo dheeraada

Marka la ansixiyo sharcigani waxa ay Xildhibanaadu  heli doona baabuur, guri, shidaalka, caymiis dhanka caafimmaadka iyo lacago gunnooyin ah xataa hadii ay u baxaan safaro dalka dibadiisa ah , waxaana kharashaadka iminka ay doonayaan uu gaadhayaa boqolaal kun oo doolar.

Qorshahan ayaa wxaa dabada ka riixaya xildhibanaad barlamaanak ee Kenya, waxaana ay doonayaan in ay helaan adeegyadaasi oo dhan, madaama qaarkood ay ku andacoodaan in aysan ”mushaar fiican aysan helin”.

Xildhibanaada ayaa haatan mushaar ahaan u qaata lacag ku dhaw toban kun oo doolar.

Dalabkani kasoo baxay  xildhibanaada wadanka kenya ayaa badiga shacabku  u arkaan in aanay munaasab aheyn xiligan iyadoo uu hore uga hadlay arintani  madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo sheegay in mudanayaasha ay dib uga fikaraan, kana eegaana danta shacabka.

“Qof walbo wuxuu jecelyahay in uu ku noolaado noolal aad u wanaagsan, balse waxaa wanaagsan in aan ka fikirno sidii aan u horumarin laheyn noolasha iyo danta dadka xilka inoo” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Arrinkan ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay afhayeenka barlamaanka Kenya, Justin Muturi oo isna sheegay in haddii xitaa la meel mariyo hindisahan uusan qaadan doonin lacagahaasi gunnooyinka.

Muturi ayaa intaa raaciyay in tallaabadan ay tahay mid ka dhan sharciga dalka.

Masuuliyiinta xisbiyadda ee labada aqal ayaa arrintan qayb ka noqon doonta taas oo maamulkeeda ay gacanta ku hayn doonan gudiga qaabilsan aadeegyada barlamaanka oo uu hogaamiyo afhayeenka barlamaanka Justin Muturi.

Xilibhaanada dalka Kenya oo lagu tiriyo in ay kamid yihiin xildhibanaada ugu mushaarka badan caalamaka ayaa haddana waxay ku anadcoonayaan in aan loola macaamilin sida golaha wasiirada dowladda iyo garsooraysaha maxkammadda.

Hasa yeeshee arrinkan ayaa waxaa ka soo horjeestay qaar badan oo kamid ah shacabka reer Kenya iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, kuwaasi oo xildhibanada ku tilmaamay kuwa ”calooshood u shaqeystayaal ah” oo aan ka fikirineynin dadka ay matalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here