Lubnaan: Hariri oo sheegay inuu xilka siiheyn doono

0
251

Raysalwasaaraha dalka Lubnaan Saad Hariri ayaa sheegay inuu aqbalay codsiga Madaxweynaha Lubnaan oo ah inuu sii hayo xilkiisa si loo xoojiyo midnimada wadankaasi.

Saad Hariri ayaa 4tii bishan November dalka Sacuudiga uga dhawaaqay inuu xilka iska casilay, walow la sheegay in arrintaasi ay ku cadaadisay Boqortooyada Sacuudiga oo ka careysan xiriirka wanaagsan oo uu Hariri la sameystay Kooxda Shiicada ah ee Xisbullah oo xubno kuleh Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Lubnaan.

Hariri ayaa Salaasadii dib ugu noqday wadankiisa kadib in ka badan labo todobaad oo uu ku sugnaa Sacuudiga, waxayna dad badan aaminsan yihiin inay halkaasi ku xanibtay dowlada Sacuudiga. Saad Hariri ayaa kahor intuusan Lubnaan ku noqon Sabtidii booqasho ku tagay dalka France oo uu casumaad ka helay, Madaxweynaha France ayaa waday dadaal lagu xalinayo xiisada Lubnaan.

Saad Hariri ayaa dib ugu noqoshadiisa Lubnaan uga faa’iideystay Maalinta Xuska Xoriyada ee 74aad ee wadankaasi oo ku beegnayd Arbacadii 22ka Oktoober
Mar uu Arbacadii shalay shir jaraa’iid ku qabtay Qasriga Madaxtooyada Beyruut Saad Hariri ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xiriir wanaagsan la yeesho dhamaan dhinacyada kala duwan ee xisbiyada iyo ururada dalkaasi ka jira, arrintan oo waji gabax ku noqon doonta Sacuudiga oo doonayey Hariri inuu xiriirka u jaro Xisbullah oo ah xisbiga ugu awood badan Shiicada dalkaasi.

Dowlada Lubnaan oo ku dhisan awood qeybsiga sadexda awoodood ee Sunnida, Shiicada iyo Kirishtaanka dalkaasi ayaa khal khal ku timid kadib iscasilaadii uu ku dhawaaqay Hariri, waxaana diiday inuu iscasilaadaasi aqbalo Madaxweynaha dalkaasi Michel Aoun oo isagu metala Kirishtaanka dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here