Hadii Aad I Jeclaato Waad Dhiman ! WQ: Xamse Cumar Kujoog

0
601

Marwaan waa wiil yar oo da’ ahaan jira 10 gu’. Waxa uu ka mid yahay ubadka ku xaraysan mid ka mid ah xarumaha agoomaha ee magaalada Hargaysa.

Marwaan waa wiil aamusan oo aan jeclayn in uu la sheekaysto ubadka kale, macallimiinta ama maamulka xarunta uu ku sugan yahay, ma jecla in uu qofna ka helo ama dareensiiyo kalgacal, naxariis ama dareen waalidnimo iyo walaalnimo ku dheehan tahay. Waa keli-socod inta badan cadhaysan, cid kasta oo ka soo ag dhawaatana waxa uu maqashiiya kelmado laga naxo sida: “Waan ku necbahay, Waan ku dili”, iyo kuwo la mid ah.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa si dhibirsan oo naxariisi ku jirto ula hadashay macalimad ka hawl gasha xarunta uu Marwaan ku sugan yahay, waxa ay ugu yeedhay eray aanu maqlin muddo sannaddo ah, waxa ay dhagihiisa maqashiisay eray uu ifka ugu jeclaa haddana uu ugu neceb yahay, waxa ay ku tidhi “HOOYO waan ku jecelahay’e ila hadal.” Waxa uu ugu jawaabay ilmo (oohin) kulul oo dhabannadiisa yaryar ee waayuhu ka muuqdaan buuxisay, waxa uu ku yidhi: “Ma tihid hooyaday, ma noqon kartid hooyaday, mana rabo in aad noqoto hooyaday.”

Waxa ay dedaal dheer u gashay in ay ogaato wiilkan iyo sheekadiisa, muddo ka dib ayuu afka furtay una sheegay wixii soo maray.

Waxa uu yidhi: “Waxaan ahaa ilmaha keli ah ee ay dhaleen hooyaday iyo aabbahay, waxa aan ahaa calaamadda keli ah ee ay ka haystaan jacaylkooda, waxa aan ahaa dunidooda oo dhan. Aad ayaan u jeclaa waalidkay balse inta ay iyagu i jeclaayeen ayaa ka badnayd. Waxa aan maqli jiray wax kasta oo wanaagsani ama qaali ahi ma waaraan’e, aniga oo arkaya ayay iga tageen. Indhahayga oo shan ah ayay hortayda ku geeriyoodeen.” Marwaan ma rabo in uu sii dul istaago sidii ay u dhinteen. Isaga oo xanuunka dhacdadaas is dhaafinaya, ayuu hadalkiisii sii watay, waxana uu yidhi: “Safar dheer oo xanuun badan ayaan galay, qoysaskii ii dhawaa oo dhan ayaa diiday in ay nolashayda kafaalo qaadaan, ka dibna halkan aan maanta joogo ayaan ku dambeeyey.

Maalmo kooban kolkii aan xaruntan dhex joogay ayaan la kulmay laba wiil oo naftaydu aad uga heshay, waxa aan ka dhex arkay in ay ila dareemayaan waxa aan dareemayo, waan jeclaaday, iyaguna sidaas si ka daran ayay ii jeclaadeen. Waxa ay ahaayeen aniga oo kale, waxa ay waayeen waalidkood, si kooban waxa ay ahaayeen naftayda oo laba jidh oo kale ku jirta. Ubadka iyo ciyaarta waxa ka dhexeeya xidhiidh aad u fiican’e, waxa ay maalin maalmaha ka mid ah u dabbaal tageen ceel ku yaal dooxa Hargaysa, waxa ay kusoo raaxaysanayeen jawiga deggan ee magaalada, waxa ay naftooda kaga soo biinayeen daalka biyaha darayga ah ee roobka xalay da’ay uu ceelkaas ku ammaanaystay. Waxa la gaadhay waqtigii ay carruurtu ku soo noqonayeen xarunta. Dhammaan ubadkii way soo noqdeen, balse labadaydii saaxiib iyaga waxa la keenay goobta iyaga oo la leeyahay waa “mayd.”

Hadalkiisii waxa uu Marwaan ku soo gunaanaday: “Macalin fadlan ha i jeclaan, haddii aad i jeclaato waad dhimanaysaa.”

Xamse Cumar Kujoog

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here