XADHIGGA ABWAAN Cabdiraxmaan Abees WAA KHAATUMO-SEEGGA HOGGAANKA BOOLISKA IYO XUJIDA GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE WQ: C/NAASIR AXMED

0
341

Xadhigga hal-abuurka abwaan Cabdiraxmaan Abees ka midka yahay wuxuu iila muuqdaa khaatumo-seeggii hoggaanka ciidanka Booliska Somaliland. Sida oo kale wuxuu hal-xidhaale ku yahay guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ah madaxa ugu sarreeya ee isha caddaaladda oo qof ahaan aan aad iyo aad u saluugsanahay shaqadiisa garsoor. Haddii qaranku heli lahaa hay’ad garsoor oo caddaalad ummadda deeqsiisa iskama dhici karteen in qofna lagu xad-gudbo xuquuqihiiisa aasaasiga ah.

Halista ugu weyn ee ammaanka lidka ku ahi waa garsoor leexsan haddii caddaalad la waayana ammaan sugnaan karaa ma jiro. Sidaa darteed, ayay aad muhiim ugu tahay dawladnimada helista Garsoor madax bannaan oo ciddii gardaranna dabarta ciddii gar lehna daryeesha.
Qarannimada ayay cambaar ku tahay in tacadiyo noocan ah lagu arko dhaqanka xukuumadda waxa aanay farta ku fiiqaysaa in hoggaanka dalku kaligii talis yahay, waxaana taasi maraggeeda furaya marka xukuumaddu dadka ay ku xidhxidho aragtiyahooda.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo si waddaniyad, tudhaale iyo lexejeclo badan ku dheehan tahay fekerkiisa u cabbiray oo innala wadaagay dhacdooyin argagax leh oo uu indhihiisa ku soo arkay xilli uu ku xidhnaa midka mid ah xabsiyada Hargeysa ayaa xadhig ku mutaystay in uu suugaan ku cabbiro dhacdooyinkii uu soo arkay. Hadda ba caddaynta ugu wanaagsan ee aan hadda arki karno in wixii Abees uu suugaanta ku cabbiray ay ahaayeen wax jira oo dhan ah iyo in kale waxa ay noqonaysaa xadhiggiisa. Soomaali waxa ay tidhaa, Qaydhiin cune calooshiisuu ka shaki qabaa. Sida oo kale, balaayo nin og bay og tahay ayay odhan jireen. Sidaa awgeed, ayaan u odhan karnaa taliyaha Ciidanka Boolisku wuxuu ku damqaday soo bandhigga xaqiiqooyinka gudaha saldhigyada.

Arrimaha yaabka badan ee aan ku arkay xadhigga Cabdiraxmaan Abees waxa ka mid ah in la xidhay iyada oo aan eed loo hayn dambina aanu gacanta kula jirin, illaa hadda na ciidanku waxa ay ka fekerayaan nooca dambigii qoorta loo gelin lahaa, bal aan is-weydiino xadhigga iyo eedda keebaa horreeya? Ma marka qofku eed leeyahay ee dambi ku eedoobo ayaa xadhiggiisa loo dhaqaaqaa mise xadhigga ayaa horreeya oo eedda ayaa dambaysa?!

Xajiimaha abwaanka loo raadinayo waxa ka mid ah in cid kale ka dambayso taasina waa waxba kama jiraan nin cid kale ka dhex hadlayso ma aha Cabdiraxmaan Abees fekerkiisa oo badhax-tiran ayuu hadlay anigu waxa aan ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee uu la wadaagay, hadafka gabayadiisu sixitaan iyo wanaag ayay salka ku hayeen.

Xadhigga batay wuxuu ahaa mid ahaan filayay waxa aan se ka xumahay in xukuumadda M. Biixi ka xadhig badan tahay xukuumadda Farmaajo. Waxa aan doonayaa in aan xasuusiyo madaxweyne Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin in uu Cabdiraxmaan Abees u xidhan yahay wax ka yar wixii iyagu ku yidhaahdeen Daahir Riyaale Kaahin

WQ: QORAA C/NAASIR AXMED IBRAAHIM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here