Magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil ayaa caawa qeyba ka mid lagu soo rogay bandoo, waxaana la hakiyay dhaqdhaqaaqii gaadiidka iyo dadweynaha ee magaalada berbera. Arintaasi ayaa ku timid kadib markii goor dhawayd oo caawa ah magaalada berbera uu ka dhacay dagaal laysku adeegsaday rasaas nool. Dhawaaqa rasaasta oo laga maqlayo xaafadaha magaalada ayaa la sheegay inay dad shacab ahi isku fureen. Waxaana la sheegay in dadkan shacabka ahi ay ku haystaan dhul in muddo ah lagu muransanaa oo saaka dowlada hoose ee berbera dhinac ka mida labada dhinac ee isku haystay ay u fasaxday dhismaha dhulkaasi. Weerarka ayaa la sheegay inay soo qaadeen dhinacii kale ee  dhulka laga xukumay

Guud ahaan isku socodka gaadiidka yaryar iyo kuwa waaweyn ayaa ay ciidamada amnigu ku hakiyeen kantaroolka galbeed ee dhinaca hargeysa ka imanaya. Sidoo kale ciidamada booliska ee gobolka saaxil ayaa joojiyay wixii gaadiid iyo dadweyne u gudbaayay dhinaca hargeysa amase goobaha ganacsi ee ku yaala aagaasi.

Ilaa imika warbaahintu si toos ah ugama war hayso khasaaraha dhabta ee ka dhashay weeraarkaasi laakiin wixii warar ee danbe dib Ayaan idinku soo gudbin doonaa amase kala soco raad news

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here