Dardaaranka macallinka imtixaanka qaadaya waxa ugu horreeya ”dhinacyadaada ha eegin, hortaada uun eeg.” Anna xagga dambe ayaan eegayaa. Waa dhanka ay Amaal iga xigto. Waan ku maqanahay oo waan ka jeedsan garan la’ ahay. In aan khiyaamo imtixaanka ah ku jeedo ayaa loo qaatay, waxba se iga ma gelin, iyada ayaan dhawrayaa. Dhawr jeer oo la ii digay ka dib, waan iska iimaansaday. Markii bannaanka loo soo baxay ayaan warqad ku qoray lambarkayga. Mid ma aha, saddex lambar oo aan haystay ayaan ku qoray, si aanan fursad keli ah u lumin. Waa u tuuray.

Taasi waxay ahayd bilowgii xidhiidhkayaga iyo aasaaskii aqal baaxad weyn oo goor dhow duufaani qaadi doonto.

Dhadhanka caashaqa bilowgiisa wax ka macaan anigu ma arkin. Waa marka la kala baqayo, la isku cusub yahay ee wax kasta oo uu qofku kaa dalbadana aad hortiisa dhigaysid, waaba haddii uu kaa dalbadee. Waa marka aad kala baranayso waxyaabaha ka qosliya iyo kuwa aadka uga qosliya si aad ugu celceliso. Waa marka aad warqad ka fudud dahay. Aad is weydiinayso qofkani halkuu kaaga maqnaa intaas oo dhan.

Halkaas aniga oo ku jira ayuu dugsigii sare noo dhammaaday. Nasiibwanaag iyo nasiibdarro mid ay tahay ayaan u kala saari waayey. Tan dambe ayay u badan tahay. Araggayagii oo yaraaday, waxa xigey aniga oo jaamacad debedda ahi ii soo baxday. Waa nimco kale oo mushkilad ku ah aniga iyo Amaal iyo waxa naga dhexeeya oo dhan. Waa marka aan ogaaday in ay noloshu laynkeeda haysato, ama wax jeclow ama wax ku dul dhareeri. Dariiqa u jeexan ayuun bay haysataa. Nasiib haddaad leedahay waa haddii qorshayaashaadu la dariiq noqdaan iyada. Aniga laba jiho ayay kala qabsadeen.

Habeenkii aan berri oo kale baxayo oo dabcan aannu wada joogno Amaal, wax badan is maannu odhan saacadihii aannu wada qaadannay; aan ka ahayn oohin iyo baroor. Nin is leh inanta u calool adayg oo isagii ilmada laga masaxayo. Subixiina telefoonka ayay ka soo dhex ooyaysay markii reerkaygu madaarka ii raaceen. Sidaas ayaan ku dhoofay.

Kun dardaaran iyo kun ballanqaad iyo intaa in le’eg oo qorshayaal ah ayaan faraqa ku haystay oo aan maalinba in isticmaalayey. Daqiiqad kasta oo aan helo waan wici jirey, iyaduna sidoo kale. Ma aha jacaylkayagu mid liicaya, haddii aan balaayo kale sammada uga iman — waanay uga timid.

Aniga oo daallan, markaasna jaamacadda ka imid ayaan farriintan u imid:

”Maxamed aad baan uga xumay inaan kuu soo qoro qormadan, gacmaha aan ku qorayo ma lihi anigu, igumana yaallaan, haddana anoo ooyaya ayaan kuu soo qorayaa. Waxa i soo doonay nin ay aabbo isku dheer yihiin oo dhankiisa iga soo maray. Aabbo iyo hooyo duco iyo habaar qaado ayay i kala dooradsiiyeen, waxaan sameeyo garan maayo ee miyaan is dilaa? miyaan baxsadaa? miyaan tahriiba?”

Waan qaboobay. Waa mid wax jacayl u egi hayo kaasi, jacayl-ku-xigeen. Haddii duni gaar ah aan lahaan lahaana, markaas ayay iga kala jabtay. ”Mayee ha is dilin”, ayaan ka mid ahayd farriin dheer oo aan maalintii xigtay u qoray. Waxa kale oo ka mid ahayd ”aqbal oo ha ku guursado ninka lagu la rabaa.” Waan hubay haddii aan u diido in ay tayda raacayso, taasina ay dhalinayso in ay tahtiibto ama nafteeda wax yeesho. Sidaas darteed ayaan u siiyey nin kale. Waa sida aan nafta ku samirsiiyo.

Dhowaan ayaa la ii sheegay in ay dhashay wiil, wiilkiina ay iigu magac dartay.

#WaaLaygaGuursaday
WQ: Ismacil C. Ubax

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here