Hooyaan Noolayn! WQ: Ismacil C. Ubax 

0
60

Maxaan sameeyaa? Waa run, aniga ayaa ka guursaday. Nin ayaan ka raacay.

Ilaahay ayaan ku dhaartaye, sheekadan muddo badan ayaan doonayey in aan kuu soo diro. Maalintii aan qoraalkeeda bilaabay, aniga uun baa isugu talo galay. Marnaba is maan lahayn waad u diri doontaa. Iska daa in aan kuu soo diree, marka aan ka fikiro in cid kale akhriyi doonto ayuu wadnuhu i garaaci jirey, calooshuna i xanuuni jirtay. Maanta waanigaa kuu soo diray, fadlan magaca iyo meesha aan joogaba beddel. Waan ku aaminay. Ilaahay ha i na asturo.

Sheekadiisa ayaan halkan ka akhriyey. Taxanahan ayay ku jirtay. Waana sababta aan tayda u soo qoray. Maalintii aan sheekadiisa akhriyey ilaa maanta, si baan ahay. Waan ogaa in aan dhaawacay, laakiin ilaa aan akhriyey sida uu noqday, maan ogaan dhibta dhabta ah ee aan qalbigiisa gaadhsiiyey. Iga may ahayn caqliyaraan, haddana marka u horreysa ee aad ereyada qofka aragto ayuun baad dareemi kartaa xanuunkiisa.

Wuu i jeclaa, anna waan jeclaa. Waa run, waan jeclaa. Laakiin waxa aan ogaaday in si kasta oo aad qofka u jeceshahay, haddana aanay celin karin duufaannada nolosha ee dadka kala dira. Weligey is maan lahayn nin kale ayaad ka raaci doontaa. Ma doonayo in aan ka warramo sababaha igu kellifay, waayo aniguba ku ma qanacsani. Wax i helayna ma garanayo.

Maxamed arday jaamacadeed ayuu ahaa, wuu dedaal badnaa, anigana wuxuu ii ballan qaaday in 2 sanno oo keli ah aan u samro. Laba iyo ka badanba diyaar ayaan u ahaa in aan sugo. Nin ragannimo leh ayuu ahaa, waanan hubay in uu aniga ii dedaalayo. Waa waxa ay gabadh waliba ugu jeceshahay, in ay og tahay in ninku qaddarin u hayo, dedaalna iyada ugu jiro.

Sidaas oo ay tahay, taas oo dhan waxa beddelay nin dhawr wax koobsaday. Debedda ayuu ka yimid, diyaar ayuu ahaa, joog iyo dhaqaalaba wuu lahaa, reerkayagana aqoon dheer ayuu u lahaa. Toddobaad gudihiiba, ooridiisa ayaan noqday.

Saddex cisho ayaan xidhiidhka ka goostay jacaylkaygii, waa markii meherka la isku ballansaday. Maalintii afraad ayaan la hadlay. Qof werwer u dhimanayey oo ku raadinayey, sidee loogu sheegaa waxa dhici raba maalmo gudahood? Meeshii maalintaas aan codkiisa iyo oohintiisa maqlay i go’day, ayaa weli i go’an.

Labada reer ee isu soo geed fadhiistay, marnaba ka ma ay fikirin quluubta labada ay isu geynayaan. Haddii qof uuni is weydiin lahaa sababta aanan u faraxsanayn, habaar iyo duco la i ma weydiiyeen. Haddii hooyaday noolaan lahayd, aabbahay iyada ayaa iga celin lahayd.

Marka aan akhriyey sheekadiisa, waxa aan xasuustay odhaah uu i odhan jirey. “Qof aan jeclahay haddii aan naco, waxaan nacaa intii aan jeclaa in le’eg.”

Ma dafirsani, waan qirsanahay khaladka aan sameeyey. Sidaas oo ay tahay ma garanayo jid kale oo ii bannaanaa. Cafis ma dalbanayo oo waan ogahay in aanan joogin meesheedii, mana filayo in uu i cafinayo, laakiin waxaan jeclaan lahaa uun in sida aan yeelay ay hurdada ii diidday, weligeyna aan ka qoomamoon doono. Maxamedow walaal, ha i nicin ee ii soo ducee.

#WaaLaygaGuursaday

WQ: Ismacil C. Ubax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here