Maalmihii Addoonsiga: 6 Qof Oo Ka Ka Mid Ahaa Boqortooyooyinka Afrika Oo La Addoonsaday

0
276

Hargeysa (Hawraar)- Addoonsigu waxa uu ka mid yahay qaybaha loogu daraasayn, wax ka qoris iyo doodis badan yahay, guud ahaan taariikhda madow ee dunida soo martay. Waana sababta keentay in iyada oo 400 oo sano laga joogo, haddana ay weli dhacdo in maalin kasta la soo helo qiso cusub iyo dhacdooyin ku aroora waayihii addoonsiga. Gaar ahaan addoonsigii ninka uu dadka Afrikaanka ah dalalkooda kaga guran jiray, oo inta sida xoolaha maraakiib lagu raro loo iib geyn jiray sayladaha addoonta ee dunida, si uu nin kale oo cadi u iibsado oo uu ugu shaqaysto. Malaayiin Afrikaan ah oo addoon ahaan loo iibsaday ayaa dalalka reer galbeedka ka noqday beer qodayaal ama adeegeyaal guryaha ka shaqeeya. Laakiin tiro aad u yar oo ka mid ah ayuun baa ahayd dad ka soo jeeda qoysaska dhaqan ahaan magaca ku lahaa Afrika, oo ay ugu horreeyaan boqortooyooyinka qabiilada Afrika. Inta badan ganacsatadii addoonta dhoofin jirtay ee caddaanka ahayd, waa ay tixgelin jireen boqorrrada Afrikaanka ah iyo qoysaskooda, inta badanna waxa ay ku dadaali jireen in aanay iibin cid qoys boqortooyo ka soo jeedda. Si kastaba ha ahaato ee marar tirsan waa ay dhacday in qofaf ka tirsan boqortooyooyinka Afrika loo qabsaday addoon ahaan oo laga iibiyey reer Yurub si loogu shaqaysto. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa 6 ka mid ah dadka Afrikaanka ah ee iyaga oo ka mid ah dadka dabaqadda ugu sarraysa kaga jira noloshii xilligaas ee bulshada Afrikaanka, kana tirsanaa qoysaska taliyaa, inta si kedis ah loo qabsaday addoon ahaan ugu shaqeeyey beeraleydii reer galbeedka ee caddaanka ahaa:

Amiir William Ansah Sessarakoo – Dalka Gaana

Sessarakoo sannadkii 1736 kii ayaa uu ku dhashay Anomabu oo ah magaalo yar oo ku taalla xeebta, dalka Ghana ee galbeedka Afrika. Waxa uu ka dhashay, isla markaana dhaxal suge ka ahaa boqortooyo dhaqameed ka jirtay deegaanka uu u dhashay ee badhtamaha dalka Gaana. Aabihii, Jiif Baise Kurentsi oo markii damebe loo bartay magaca John Corrente, waxa uu ka mid ahaa dadka madowga ah ee iibka addoonka ka ganacsada, waxa aanay xulafo ahaayeen dhammaan ganacsatada Afrikaanka dalkiisa ah dadka cad ka iibiya addoonta. Markii Amiir William Ansah Sessarakoo uu qaangaadhay , ayaa uu aabihii u diray England, si uu u helo waxbarasho tayo leh, iyo in isaga oo ka faa’iidaysanaya magaca aabihii, uu xidhiidh fiican la samaysto Ingiriiska, si uu xogogaal ugu noqdo wararka hadba waxa ka socda Yurub iyo xaaladaha jira ee khusayn kara addoonta iyo boqortooyadooda. Sessarakoo waxa uu aabihii saaray Markab, waxa aanu ku aaminay kabtankii markabka oo u uaad ugu ballamiyey, lacagta kiradana siiyey. Laakiin ninkii kabtanka ahaa markii uu tegey Ingiriiska waxa uu arkay in wiilkan madowga ah ee la socdaa uu lacag fiican u goynayo haddii uu iibiyo, sidaa awgeed waxa uu ka iibiyey saylad ku taallay Barbados. Waa jasiirad imika dal ah oo ku taalla galbeedka Indies ee gobalka Karebiyaanka loo yaqaann, oo ah woqooyiga Ameerika. Muddo sannado ah oo war laga la’aa kaddib, boqor Baise Kurentsi waxa uu ogaaday in inankiisii uu addoon u yahay caddaan laga iibiyey. Ganacsade ka soo jeeda qabiilka Fante ayaa u Jiifka u sheegay in wiilkiisii uu addoonnimo ku dambeeyey.  Fante waa qabiil ballaadhan oo dega badhtamaha Gaana, waa qabiilka uu ka dhashay jiifka inankiisa addoonka laga dhigay, dadka caanka ah ee qabiilkan ka dhashayna waxaa ka mid ah xoghayihii guud ee hore ee qaramada Midoobey, Koofi Anan.

Jiif Baies Kurentsi markii uu helay warkan waxa uu Ingiriiska u gudbiyey codsi uu ku dalbanayo in wiilkiisa loo sii daayo. Ingiriiska, oo dhaqan ahaan fahamsan boqortooyada iyo xurmada ay bulshooyinka ku dhex leedahay, isla markaana dhaqan u leh in la shaqeeyo nidaamka dhaqanka ee dalalka uu gumaystay ayaa bilaabay dadaal lagu raadinayo amiirka addoonka laga dhigtay si loo sii daayo. Waxa kale oo adaalkaas oo kale galay shirkadda ‘Royal African Company’ oo ahayd shirkadda Ingiriiska ee ka shaqaynaysay ganacsiga addoonta.

Dadaalladaas ayaa ugu dambayntii sababay in la soo daayo amiir Sessarakoo. Waxaa la geeyey England, kaddibna waxa dib loogu soo dhoofiyey dalkiisa Gaana.

Amiir Anta Madjiguene Ndiaye – Dalka Senegal

Amiir Anta Madjiguene Ndiaye oo dhalatay sannadkii 1793 waxa uu ka soo jeedaa boqortooyadii awoodda badnayd ee Wolof oo ka jiri jirtay dhulka hadda uu dhaco dalka Senegal ee galbeedka Afrika.

Waxa ay noolayd nolol bqortooyo oo aad u heersarraysa. Waxa aanay lahayd ilaalo iyo adeegeyaal gaar ah oo tiro badan, oo raaci jiray mar kasta oo ay bannaanka uga baxayso qasriga. Ilaaladani waxa ay ku guulaysteen in ay amiiradda marar badan ka difaacdo cadow kala duwan oo ay ka mid ahaayeen dagaalyahannada qabiilka Tyeddo, oo ka soo jeeday boqortooyada Foula Tooro oo deris la ahayd boqortooyada ay amiiraddu ka tirsanayd.

Nasiibdarro, sannadkii 1806, ayaa ay dagaalyahannadaas sida joogtada ah u soo weerari jiray, ku guulaysteen in ay ka awood bataan ilaaladi iamiiradda, oo ay iyadadna gacanta ku dhigaan. Amiiradda waxa kale oo lala qabtay hablo yaryar oo ahaa adeegtooyin u shaqeeya iyada oo ka soo jeeda boqortooyada Wolof, oo caan ku ah magaca, Boqortooyada Jolof ee Senegaalkii hore. Amiirad Anta markaas la qabtay, da’deedu waxa ay ahayd 13 sano jir. Iyada iyo maxaabiistii kale waxaa lagu daray dad addoon ahaa oo loo qaadayey jasiiradda Goree. Halkaas ayaana muddo dheer lagu hayey, illaa ugu dambayntii laga iibiyey ganacsatadii addoonta.

Lama hubo in dagaalyahannada qabsaday amiiraddu ay ogaayeen in gabadhan yari ay amiiraddii tahay, waxa aana jira dad ku dooda in aanay ogeyn, maadaama oo ay sidaa fudud ugu ogolaadeen in ay gacantooda ka baxdo, laakiin waxaa la is weydiin karaa, haddii aanay garanayn, sababta ku kalliftay in ay dagaal adag u galaan sidii ay u qafaalan lahaayeen. Amiirad Anta waxaa laga iibiyey nin lagu magacaabi jiray Zephaniah Kingsley, oo ahaa maalqabeen beer weyn leh, isla markaana ahaa ganacsade ku dhex jira ganacsiga addoonta oo ka soo jeeda gobalka Florida ee dalka Maraykanka.

 

Amiirad Anta waxaa laga iibiyey nin lagu magacaabi jiray Zephaniah Kingsley, oo ahaa maalqabeen beer weyn leh, isla markaana ahaa ganacsade ku dhex jira ganacsiga addoonta oo ka soo jeeda gobalka Florida ee dalka Maraykanka.

Amiirad Anta waxaa laga iibiyey nin lagu magacaabi jiray Zephaniah Kingsley, oo ahaa maalqabeen beer weyn leh, isla markaana ahaa ganacsade ku dhex jira ganacsiga addoonta oo ka soo jeeda gobalka Florida ee dalka Maraykanka. In kasta oo uu ninkani markii hore amiiradda u iibsaday in ay addoon u adeegta noqoto, haddana markii dambe waa uu guursaday, waxa aanay noqotay beeraley maalqabeen ah oo Florida deggen.

In ka badan laba qarni ayaa ay qaadatay in ay amiiradda tafiirteedii ay dib u soo toydaan dhulkii ayeeydood ka soo jeedday. Sannadkan 2018 ka ayaana dalka Gaana lagu qabtay munaasabad aad u ballaadan oo lagu soo dhoweynayey dad aad u badan oo ah amiirad Anta tafiirteeda. Kuwaas oo doonayey in ay muujiyaan jacaylka ay u qabaan halkii ayeydood ka soo jeedday.

Amiir Cabdiraxmaan Ibraahim Ibn Sori – Gini

Cabdiraxmaan Ibraahim Ibn Sori, sannadkii 1762 kii ayaa uu ku dhashay deegaanka Timbo oo imika ka mid ah dalka Gini. Cabdiraxmaan waxa uu ka soo jeeday qoys xurmo ku dhex lahaan jiray bulshadooda. Waxa ay ka soo jeedeen qabiilka Torodbe Fulani oo ahaa qabiil muslim ah oo talin jiray.

Sannadkii 1788 kii ayaa uu Amiir Cabdiraxmaan aabihii u hibeeyey xilka ah Amiirnimada. Waxa kale oo uu ka dhigay taliye ka tirsan hogaannada sare ee ciidamada qalabka sida. Amiir Cabdiraxmaan waxa uu ka masuul ahaa guuto ciidan ah oo lagu qiyaaso 2 kun oo nin. Xilliyadaas oo ay colaado sokeeye oo badani socdeen ayaa ciidankan lagu jebiyey mid ka mid ah dagaalladii. Amiirka oo hoggaaminayey ciidankana maxbuus ahaan loo qabtay. Isla markiiba ciidankii amiirka qabtay waxa ay addoon ahaan uga iibiyeen shirkadihii addoonta ka ganacsanayey ee Ingiriiska.

Shirkaddaas ayaa ka sii iibisay Thomas Foster, oo ahaa nin addoon aad u badan urursada oo deggenaa magaalada Natchez ee gobalka Mississippi.

Amiir Cabdiraxmaan waxa uu noqday addoon uu muddo 40 sano ah lahaa Foster. Sannadkii 1826 kii, ayaa Amiir Cabdiraxmaan ay u suurtagashay in uu warqad u soo diro xubno qoyskiisa ka mid ahaa oo deggenaa dhulkii uu ka yimi ee Afrika. Laakiin warqaddii uu diray intii aanay gaadhin ciddii uu ku waday, waxaa helay, oo dhexda ka leexsaday warifidyeen lagu magacaabi jiray Andrew Marschalk oo qori jiray wargeys afka Dutch ka ku soo bixi jiray. Warqaddii amiir Cabdiraxmaan ayaanu ku daabacay wargeyskii.

Nasiibwanaag waxaa wargeyskii warqadda amiirku ku qornayd helay Suldaankii xilligaas ka talinayey dhulka imika ay ku taallo dawladda Marooko, oo isagana lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan. Kaddib Suldaankaas oo aad uga xumaaday dhibaatada uu addooonkaas ay isku magaca yihiin tirsanayey iyo amiirnimadiisa ku dambaysay adoonnimada, waxa uu warqad u qoray madaxweynihii xilligaas ee Maraykanka John Adam iyo wasiirkii arrimahadibadda Henry Clay oo uu ka codsaday in ay ka shaqeeyaan soo deynta Amiir Cabdiraxmaan.

Warqaddii Suldaanka Marooko waa ay shaqaysay oo amiir Cabdiraxmaan waa laga soo furdaamiyey addoonsadihii, laakiin waxaa qasab ahayd in uu sida ugu dhaqsaha badan uga baxo Maraykanka, dibna ugu noqdo Afrika. Markab la soo saaray ayaa keenay xeebta magaalada Monrovia ee dalka Laybeeriya. Muddo afar bilood ah markii uu amiir Cabdiraxmaan sii joogay magaalada, waxaa ku dhacay xanuun xummad badan lahaa, waana uu geeriyooday isaga oo markaas 67 sano jir ahaa.

Amiirad Aqualtune Ezgondidu Maxamud – Dalka Badhtamaha Afrika:

Amiir Aqualtune Maxamuud waa gabadh uu dhalay boqor aanay taariikhdu wax ka qorin oo lagu magacaabi jiray boqorka Kongo. Kongo waxa ay ku taallay dhull bllaadhan oo imika u qaybsan, woqooyiga Angola, dhulka ay hadda dhacdo Jamhuuriyadda Koongo, qaybta galbeed ee dhulka ay imika ka jirto dawladda Dimuqraaddiga ah ee Koongo iyo koonfurta dalka Gaaboon.

Intii u dhexeysay sanadkii 1891 kii illaa 1914 kii, dhulkan waxaa ka dhisnaa dawlad maqaarsaar ah oo raacsanayd Bortuqiiska. Sannadkii 1665 kii ayaa amiiradda aynu ka warramayno ee Aqualtune Maxamud da silva ayaa urursatay dagaalyahanno 10 kun oo nin oo ay hoggaaminayso. Amiiraddu waxa ay ciidankeedan ku gashay dagaalkii la baxay ‘Mbwila’; oo u dhexeeyey boqortooyadii Koongo iyo boqortooyada Burtuqiiska. Dagaalkan waxaa ku gacan sarreeyey Boqrtuqiiska oo ciidankii amiiradda ka dhigay wax dhinta, wax firxaday iyo inta la qabtay. Amiiraddii ciidamada wadatay ayaa ka mid noqotay maxaabiistii ay qabatay dawladdii Bortuqiiska.

Amiirad Ezgondidu Maxamud waxa loo qaaday dekedda Recife, waxa aana lagu xidhay deked ay ku yaalleen bakhaar keyd oo weyn iyo warshad sonkorta lagu ssameeyo. Qoraallada laga helay taariikhda amiiraddani waxa ay sheegay in la iibiyey, oo weliba sababta loo iibiyey aanay ahayn in ay adeegto, balse in ay taranto iyada oo la adeegsanayo ragga kale ee addoonta ah, si ay u dhasho addoon kale.

Waxaa la sheegay in markii ugu horreysay ee ay amiiraddu uuraysatay in laga iibiyey shirkad lahayd warshad sonkorta samaysa oo ku taallay dekedda Porto Calvo, ee dalka Baraasiil.

Ugu dambayntii amiirad Ezgondidu Maxamuud muddo markii ay addoon u ahayd shirkaddan waxa ay ku guulaysatay in ay hoos u abaabusho addoontii kale, waxa aanay aasaastay kooxdii la magac baxday Palmares oo ay isku urursadeen dadkii addoonta ah ee ka baxsada dadka ay addoomaha u yihiin. Addoontan Palmares waxa ay isku urursadeen deegaanka hadda loo yaqaanno Alagoas ee dalka Baraasiil. Halkaas ayaa ay degeen oo ay ku tarmeen aakhirkiina noqdeen dad dhulkaas leh oo deegaan rasmiya noqday.

Amiirada Ezondidu Maxamuud waxaa loo aqoonsanyahay in ay iyadu sabab u ahayd in dadkani ay xor noqdaan oo ay dhul u gaar ah ku yeeshaan gobalkaas.

Boqor Takyi – Gaana

Boqor Takyi waxa uu ahaa boqor ka soo jeeday qabiilka Fanti ee degi jiray xeebta dahabka oo ah dhulka hadda loo yaqaanno Gaana. Taariikhdu ma’ay xusin qabiilka Fantis ka qaybtiisa uu boqorka u sii ahaa, laakiin waxa ay sheegtay in intii aanu addoonka noqon ka hor uu muddo dheer boqor ahaa.

Takyi waxa uu ahaa maalqabeen, ganacsade ah, waxyaabaha uu ka ganacsadana waxaa ka mid ahaa ddoonta, oo uu ka iibin jiray shirkadihii reer Yurub ee dhoofin jiray. Nasiibdarradiisa ugu dambayntii isaga ayaa ay ku dhacday dhibtii uu geysanayey. Mid ka mid ah dagaalladii la baxay Kommendar ayaa boqor Takyi cadawgiisii qabtay, kaddibna dhulkii uu maamulayey oo dhanna lagala wareegay, boqorkana lama sii haynin ee markiiba addoonnimo ayaa loo iibiyey.

Bishii Shanaad ee 1760 kii, ayaa Takyi oo addoon ah iyo kooxo tiro badan oo ka mid ah addoontii ay wada joogeen oo isaga aad u taageersanaa waxa ay waxa ay bilaabeen kacdoon xornimo doon ah. gadood ay arooryo hore ka bilaabeen beertii ay ka shaqaynayeen, ayaa ay ku guulaysteen in ay dilaan raggii caddaanka ahaa ee beerta lahaa, kaddibna ay xoreeyaan dhammaan addoontii kale ee dhulkaas joogtay oo dhan.

Addoontii meel gaar ah ayaa ay isku urursadeen waxa aanay bilaabeen in ay dagaal adag kala hortagaan ciddii kasta ee isku dayda in ay dib ugu celiso addoonnimadii. Laakiin kacdoonkaasi waxa uu soo afmeermay laba bilood kaddib oo ahayd bishii toddobaad ee 1760 kii, markii caddaankii wax addoonsan jiray inta ay is hubeeyeen ay dagaal rasmi ah ku qaadeen addoonta gadoodsan, dagaalkaasna ku dileen boqor Takyi.

Markii boqorka la dilay, inta madaxiisa la jaray ayaa la dhex dhigay badhtamaha magaalada si ay addoontii kale oo dhami isugu sheegto, una arkaan. Waxa ay ahayd cabsi gelin iyo farriin ay caddaanku u dirayeen addoonta aan iyagu gadoodkan ka qaybgelin, oo ay sheegayeen in gadoodkii addoontu dhammaaday, addoontii baxsatay iyo ciidamadii u uabaabulay Takyina ay hadda khatar ku sugan yihiin.

Amiir Ayuuba Suleymaan Diallo – Senegal

Amiir Ayuuba Sulaymaan oo sida oo kale loo yaqaannay Job Ben Solomon, Diallo, sannadkii 1701 ayaa uu ku dhashay Bundi oo ah maamul ka dhisnaan jiray dhulka imika loo yaqaanno Senegal.

Waxa uu ka soo jeeday bulsho muslim ah oo lo’da dhaqan jirtay, gaar ahaan qolyo hoggaamin jiray bulshadaas oo Fulbe loo yaqaannay.

Ayuba awoowgii ayaa ahaa ninkii aasaasay maamulka Bundu. Waxa kale oo uu ahaan jiray ganacsade iyo nin aqoonyahan ah oo waxbartay. Sannadkii 1730 kii, ayaa oday Dilallo iyo nin turjumaan u ahaa oo la odhan jiray Loumein Yoas. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa oday Diallo iyo ninkan u shaqaynayey waxa ay u gacan galeen dagaalyahanno ka soo jeeday qabiilka Mandinka oo ay colaado badani ka dhexeysay.

Qabashada Amiirku waxa ay ka dhacday webiga Gabmia. Isla markiiba kooxihii qabsaday waxa ay ka dhigeen addoon, waxa aaay ka iibiyeen shirkaddii Royan African Company ee caanka ku ahayd iibka iyo dhoofinta addoonta.

Diallo waxaa la geeyey magaalada Annapolis ee xarunta gobalka Maryland ee dalka Maraykanka.

Sannadkii 1733 kii, ayaa Diallo loo soo qaaday dhinaca England. Halkaas oo uu muddo joogay kuna bartay afka Ingiriisiga. Dialo waxa uu dhexgalay oo uu xidhiidho qaarkodo fiican yihiin la yeeshay dad haldoor ahaa oo Ingiriiskii London ah.

Bishii toddobaad ee 1734 kii, Diallo waxa uu ugu dambayntii awooday in uu dib ugu soo noqdo Gambia.

Waxa uu yimi dhulkii uu ka yimi oo markan noqday dal Gambia la yidhaahdo, laakiin nasiibdarro ay dagaalo ba’ani burburiyeen. Ayaan darrada ugu weyn ee uu la kulmay Ayuba waxa ay ahayd in uu yimi aabihii oo muddo ka hor geeriyooday, iyo xaasaskiisii oo dhammaantood ay rag kale guursadeen. Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here