Saadaasha Khabiir Paul Merson Ee Kulamada Caawa Iyo Habeen Dambe Ee Premier League

0
32

Khabiirka kubadda cagta England gaar ahaan kanaalka Sky Sports ee Paul Merson ayaa sidii looga bartay bixiyay saadaashiisa horyaalka ee toddobaadlaha ah, Toddobaadkan oo ah midkii 15-aad ayay ku jiraan kulamo badan oo xiiso leh haba ugu cuslaado kulanka Man United iyo Arsenal e’.

Chelsea ayaa booqanaysa kooxda Wolverhamton Wanderers, Manchester City ayaa sidoo kale marti u noqon doonta Watford, Halka Tottenham oo wali xasuusan guuldaradii kulankii London Derby ay qaabili doonto Southampton oo shalay caydhisay tababare Mark Hughes.

Paul Merson's Premier League predictions

Aan ku bilawnee Merson ayaa guul u saadaaliyay kooxda Pep Guardiola ee Manchester City oo aadi doonta gegida Vicarage Stadium, Merson ayaa qaba in Citizens ay guul kasoo heli doonaan Watford isla markaana ay sii haysan doonaan hogaanka horyaalka.

Si lamid ah City, Khabiirka Sky waxa uu guul u rajeeyay kooxda Maurizio Sarri ee Chelsea isaga oo aaminsan inay natiijo quman kasoo heli doonaan kooxda Wolves oo aan qudheedu hawl yarayn.

Dhinaca kale, Merson waxa uu Liverpool u saadaaliyay inay culayska kusii hayn doonto Man City isla markaana ay guul kasoo gaadhi doonto kooxda tababare Sean Dyche ee Burnley.

Ugu dambayn, Paul Merson ayaa todobaadkan ka farxiyay kooxdiisii hore ee Arsenal oo booqanaysa Old Trafford isla markaana u rajeeyay inay sii wadaan bandhigyada wanaagsan guulna kasoo gaadhaan kooxda rafaadsan ee Jose Mourinho.

Halkan kaga boggo saadaasha Merson oo dhammaystiran:

Watford 1-3 Manchester City

Bournemouth 3-0 Hudderfield.

Brighton 1-1 Crystal Palace

Burnley 0-2 Liverpool

West Ham United 3-0 Cardiff

Tottenham 3-0 Southampton

Everton 2-0 Newcastle United

Fulham 1-2 Leicester City

Wolves 1-3 Chelsea

Manchester United 1-2 Arsenal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here