Puntland: Halkee ayuu salka ku haya khilaafka madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa

0
31

Khilaafka ka dhex qarxay madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali iyo ku xigeenkiisa Eng.Cabdixakiin Xaaji Cumar mahan mid ku cusub xukuumada ay soo hogaaminayeen mudadii 5-ta sano ee lasoo dhaafay balse khilaafka maanta ka dhex curtay ee ku saleysan magacaabista gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada dadka odorosa siyaasada waxa ay aaminsan yihiin in uu yahay kii uGu cuslaa taariikhda ee dhexmara labada masuul.

Siyaasiyiinta iyo dadka falanqeeya siyaasada ayaa u arkaan khilaafkan madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa in uu dhaawac u geysan karo howlihii doorashooyinka ee la filayay in ay si habsami leh uga qabsoomaan Puntland markii 5-aad sida uu qabo Siyaasi Muuse Cali Jaamac

Siyaasigan ayaa qaba in khilaafka soo kala dhex galay madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa kuna aadan isqab qabsiga la xiriira kala magacaabidda gudiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada ee uu mid waliba magacaabay uu soo dadajin karo qalalaase siyaasadeed iyo dib u dhac ku yimaada doorashada loo balansan yahay in ay dhacdo 8-january sanadka cusub ee 2019-ka.

Hase ahaatee siyaasi Muuse Cali ayaa qiraya in sharciyan magacaabis kasta oo lasoo magacaabayo gudiga ama xubin kamid noqonaysa xukuumada uu leeyahay madaxweynaha hadii aanay wax kale dhicin balse suluugmada madaxweyne ku xigeen Camey iyo soo magacaabistiisa gudiga uu ku sifeeynayo in ay salka ku hayso talo isku koobid madaxweynaha dhankiisa ah,waxaase uu xaalka in sidan laga badalo u arkaa wada tashi ay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu ka yeeshaan khilaafaadka jira.

Khilaafka madaxweyne Cabdiweli iyo ku xigeenkiisa Camey ayuu si hubanti ah u aaminsan yahay Siyaasi Muuse Cali in aysan ka marnayn arimo siyaasadeed sida khilaafka dowlada federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah kadhex aloosan oo meel cad uu ka taagan yahay Eng Camey iyo arimo la xiriira doorashada Puntland oo uu siyaasigan sheegayo in midba midka kale isku dayayo in uu saameyn ku yeesho sida soo xulidda xildhibaanada golaha wakiilada.

Sidoo kale siyaasi Muuse Cali Jaamac ayaa qaba in hadii xal laga waayo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay lama huraan noqonayso ku laabashada talada isimada Puntland oo ah marjac udub dhexaad u ah jiritaanka dowlada markasta oo ay timaado xaalad ceynkan oo kale ah maadama waxa burbur ama dhaawac soo gaaraya uu yahay nidaam dowladnimo oo lagu soo caano maalay mudo 20-sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here