Luis Suarez Oo Banaanka Soo Dhigay Walwalkii Uu Ka Qabay Neymar Iyo Lionel Messi

0
15

Weeraryahanka Barcelona Luis Suarez ayaa banaanka soo dhigay waxa uu ka walwalaayay markii uu kusoo biiray Barcelona, xiddiga reer Uruguay wuxuu qalbigiisa is weydiiyay sida uu wax badan ugu ciyaari karo kooxda iyadoo ay joogaan Lionel Messi & Neymar Junior.

Xiddigii hore Liverpool ayaa ku yimid garoonka Camp Nou adduun dhan 73 Malyan oo Pound, kadib koobkii Adduunka 2014 lagu qabtay Brazil ayuuna soo gaaray kooxda isagoo ganaax kala kulmay FIFA kadib qaniinyadiisii Chiellini.

Kadib fasal ciyaareed uu ku najaxay uu lasoo qaatay Liverpool markii uu dhaliyay 31-gool, 37-kulan uu la qaatay kooxdiisa ayuu soo gaaray gobolka Catalonia, wuxuuna saxaafadda la wadaagay inuu waxyar walwal ah qabay.

“Marka aan imaaday Barcelona, waxaan dhinaca ku heystay Neymar halka dhinaca kalana uu joogay Lionel Messi” ayuu yiri Luis Suarez oo la hadlayay Otro, “Waxaana ku fakaray, halkee ayaan ka dheeli doonaa?”

“Halkaan shaqadeyda orodka, dagaalka iyo difaaca ka qabsan doonaa anigoo eegaya boos banaan, sidaas darteed labada xiddig ee ugu fiican adduunka ma ii ogolaan doonaan inaan isticmaalo booskooda?”
“Balse wax walba waxaan u qaabeynay si fiican”

Luis Suarez wuxuu dhaliyay fasalkiisii ugu horreeyay isagoo wax badan ganaax ku maqnaa 25-gool isagoo saftay 43-kulan, wuxuuna noqday mid loo riyaaqo laguna amaano ka dhinac ciyaarkiisa labada xiddig ee markaas ugu sarreeyay kooxda.

Fasalkii labaad ayuu soo bandhigay awoodiisa 59-gool ayuuna dhaliyay 53-ciyaarood uu kooxda u ciyaaray, wuxuuna kooxda kula guuleystay La Liga iyo Copa del Rey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here