Immisa Xiddig Oo Hantay Abaalmarinta Ballon d’Or Qarnigaan 21-aad

0
26

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa la wareegay talada kooxdaan sanadkii 2000, wuxuu xagaagaas lasoo saxiixday Luis Figo oo hantay abaalmaritna Ballon d’Or bilooyin kadib wakhtigiisa kooxda Los Blancos.

Guud ahaan, sideed ciyaartoy oo xirtay maaliyadda Real Madrid ayaa hantay abaalmarinta Ballon d’Or marka kaliya la calaameeyo qarnigaan 21-aad, midkii ugu dambeeyayna wuxuu ahaa Luka Modric oo xalay loo caleema saaray inuu yahay kan ugu wanaagsan dunida.

Cristiano Ronaldo ayaa ku jira liiskaan kaas oo ah xiddigii ugu dambeeyay ee abaalmarintaan ku hantay Real Madrid kana mid ah liiskaan, sidoo kalana liiskaan ma ahan mid khuseeya kaliya inuu xiddiga ku qaaday kooxda.

Ronaldo Nazario iyo Fabio Cannavaro ayaa xirtay maaliyadda kooxdaan kuwaas oo Ballon d’Or hantay 20002 iyo 2006, sidoo kale liiska waxaa ku jira Zinedine Zidane, Michael Owen iyo Kaka oo mar ku biiray kooxda iyago heysta abaalmarinta.

Zinedine Zidane wuxuu ku guuleystay abaalmarintaan isagoo jooga Juventus halka Owen uu ku hantay Liverpool sanadkii 2001 balse uu ku biiray kooxda caasimadda ka dhisan sanadkii 2004, walow uusan ku najaxin.

Kaliya afartaan xiddig Pavel NedvedAndriy ShevchenkoRonaldinho iyo Lionel Messiayaan xiran maaliyada Real Madrid kuwaas oo ka mid ah xiddigahii hantay abaalmarintaan kadib qarniga 21-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here