Hadda waxaan yeeshay San iyo Af aan ku dhoola caddeeyo. Qiso Cajiiba Akhri !

0
23

Cameron Underwood wuxuu sheegay in uusan fiirin karin ama wax su’aal ah uusan weydin karin dadka tan iyo intii uu maray qalliin dhanka wajiga ah.

Wuxuu sheegay in hadda uu leeyahay San iyo Af uu ku muusoon karo marka loo barbardhigo sidii uu horaan ahaa.

“Hadda waxaan leeyahay San iyo Af, marka waan muusoon karaa, waaana ku hadli karaa, cuntana waan ku cuni karaa” ayuu yiri Cameron Underwood.

Cameron Underwood ayaa labo sano ka hor xaaladdiisa caafimaad wanaagsaneyd kaddib markii sanadkii 2016-kii uu qudhiisa is toogtay markii uu isku dayay inuu is dilo.

Wuxuu waayay sankiisa, gaar ahaan qalka hoose ee Afka iyo qaar kamid ah ilkihiisa.

“Waan ku faraxsanahay in aan maro qaliin dhanka wajiga ah sababtoo ah nolosheyda ayaan dib u helay” waxaa sidaasi yiri nika 26 jirka ah , xilli uu shir jaraa’id ku qabanayay magaalada Newyork.

“Waxaan ku rajo weyn yahay in aan shaqada ku laabto iyo in aan helo qof aan nolosha la qeybsado”

Cameron, (midig) oo la joogo qoyskiisa sannadkii 2016-kii

Bishii Januray ee sanadkan, in ka badan 100 dhaqaatir ah ayaa muddo 25 saacadood ah ku sameeyay Cameron qalliin xilli la seexiyay isbitaalka NYU Langone ee ku yaalla Manhattan, ee magaalada Newyork. waxaana shaaca laga qaaday toddobaadkani inuu boogsaday.

Qalliinka ayaa lagu sameeyay muddo 18 bilood ah markii uu doonayay Cameron inuu naftiisa khaarijiyo, xarunta caafimaadka ee qalliinka ku sameysay ninkan ayaa sheegtay inay aheyd muddada ugu gaaban ee qof loo sameeyo beeritaan taarikhda Mareykanka.

Sannadkii 2005-tii ayaa markii u horraysay la fuliyay qalliin waji lagu beerayo, tan iyo muddadaasna 40 ruux ayaa nasiib u yeeshay qalliin noocaas ah.

Howsha qalliinka waxaa hoggaaminayay dhakhtar lagu magacaabo Eduardo D. Rodriguez, wuxuu sheegay in guusha ay ka gaareen qalliinka ay u horseeday geesinimada iyo go’aanka uu gaaray Cameron oo ah in xubnaha ka maqnaa wajigiisa dib loogu sameeyo.

Qalliinka noocan ee lagu sameeyay Cameron ayaa noqonaya kii saddexaad oo uu wakhti gaaban ku fuliyo Dr Rodriguez.

“Muddo yar ayuu dhaawaciisa ku boogsaday Cameron marka loo barbardhigo bukaanadii hore ee qalliinka noocan ah maray” ayuu yiri dhakhtarka Eduardo D. Rodriguez.

Markii la sameynayay ninkan, dhakhtarka wuxuu qalliin ku sameeyay qalka kore iyo midka hoose ee wajigiisa iyo dhammaan ilkahiisa.

Waxaa loo baddalay qalka hoose iyo midka kore, isha qeybta hoose iyo sanka, carabkiisa ayaa qalliin lagu sameeyay.

Xarunta caafimaadka ee qalliinka ku fulisay Cameron ayaa sheegaty inuu ahaa midkii ugu casri-sanaa oo lagu sameeyo wajiga ee loo adeegsado habka loo yaqaano 3D-printed. waxaana ninkan wajiga loogu beeray xubno loogu deeqay.

Sally Fisher, oo ah hooyada wiilka dhintay ee xubnihiisa loogu deeqay Cameron

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here