Doon sidda dad Rohinga ah oo gaadhay wadanka Indonesia

0
24

Doon sidda 20 nin oo la rumeysan yahay inay yihiin muslimiinta Rohingya ayaa kusoo xiratay jasiiradda Sumatra ee dalka Indonesia, taasi oo ah qeybtii ugu dambeysay mowjado dad ah oo ka baxsanaya xadgudubyada loogu gaysanayo Myanmar.

Mas’uuliyiinta dalka Myanmar ayaa dhowaanahan joojinayey tobaneyeo doomo ah oo sida Rohingya, kuwaas oo ay isku dayaya inay u shareecdaan dalka Malaysia.

Dadka Rohingya ah ee la xiray ayaa ka cararaya xerooyin qaxooti oo ciriir badan oo ku yaalla dalka deriska la ah ee Bangladesh, halkaasi oo 700,000 oo ayaga ka mid ah lagu ururiyey kadib markii ay sanadii tagtay kasoo baxsadeen milatariga Myanmar oo ku beegsanaya gobolka Rakhine.

Myanmar ayaa dadka Rohingya u aragtay muhaajiriin sharci-darro ah oo ka yimid dalka Bangladesh, waxayna u diiday muwaadannimo iyo xuquuqda aas-aasiga ah.

QM ayaa milatariga Myanmar ku eedeysay inay fulinayaan howlgalkooda ayaga oo ujeedkoodu yahay inay xasuuq gaystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here