Sabti, 18.08. 2018 (Raadnews)–Maayarka Degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin Oo Mudodii Uu Xilka Hayey Ku Caanbaxay Tacadiga Masaakiinta Iyo Dadka Jilicsan, Ayaa Todobaadyadii Ugu Danbeeyey Waxa Soo Shaac Baxday Dulmi Baahsan Oo Uu In Muddo Ah Kasoo Shaqaynaayey Kaasi Oo Uu U Maleegay 82 Qoys Oo Masaakiin Ah,  Oo Si Sharci Ah Dhulkooda Ku Deganaa Taasi Oo Uu Soo Qorsheeyay Khiyaamo Badheedha, Kuna Sheegay In Dhulkan Uu Lahaa Madaxweynihii Hore Ee Somaliland Md. Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Isagoo Isla Markaasina Soo Dhaqdhaqaajiyey Mid Kamida Ubadkii Marxuum Cigaal Kulana Soo Heshiiyey Inuu Hadhaw Markuu Dhulkan Ka Dhaxal Wareejiyo Dadka Leh Inuu Qayb Kasiindoono, Waxaana Arintaasi Kasoo Horjeestay Dhamaan Xubnihii Kale Ee Qoyska Reer Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal . Iskana Fogeeyay Dulmi Iyo Magac Xumo Ay Ka Qaadaan Dhulkaasi

Warqada Been Abuurka Ah Ee Maayarka Berbera Uu Ku Qoray Codsiga Uu Dhulka Kaga Qaadayo Dadkii Lahaa

Dhacdadan Cajiibka Ah Ayaa Waxa Fashilkeedu Dibada Yimid Kadib Markii Aanu Si Qarsoodi Ah U Helnay Warqadan Codsiga Ahee  Lagu Xusay In Madaxweyne Maxamed Cigaal Laftiisu  29/03/2015 Kaga Codsaday Maayar Cabdishakuur Cidin Iyo Gudidiisa Fulinta In Lasiiyo Dhulkan Oo Cabirkiisu Yahay 420x426m Oo Kuyaala Wadada Berbera Uga Baxda Dhinaca Magaalada Hargeysa.

 

War Cusub Iyo Lama Aragba Iyadoo Ay Tahay  Hadaba Waxaa Isweydiin Mudan Madaxweyne Cigaal Oo Aynu Ogayn Inuu Geeriyooday May 2002 Ma Isagoo Qabriga Ku Jira Ayuu Aakhiro Codsiga Uga Soo Qortay Maayar Cidin Iyo Gudidiisa Fulinta, Sideebayse Caqliga Ugalaysaa Dadkii Sharciga Lagu Siiyey 1991 Iyo Wixi Ka Danbeeyey Ayaa Lagaga Duudsiyayaa Codsi Been Abuura Oo La Leeyahay Madaxweyne Cigaal Ayaa Maayar Cidin Iyo Gudidiisa Fulinta Usoo Qoray 29/3/2015

Dhulkana Waxaa Si Shaci Ah U Mulkiyadiisa U Leh Dad Shacaba Oo Ay Hore Maxkamadu Ugu Xukuntay Lahaanshaheeda Kadib Markii Ay Soo Bandhigeen Waraaqahooda Lahaanshaha Ee Xukumadii Kala Danbeeyay Somaliland Soo Maraa Ugu Saxeexaan, Dib Ayaan Dhawaan Ugu Soo Bandhigi Doonaa Bulshada Somaliland.

 

Si Kasta Ha Ahaatee Dulmigan Badheedhka Ah Ee Maayar Cidin U Maleegaayo 82 Ka Qoys Ee Dhulkan Degan Ayaa Waxa Uu Gobolka Saaxil Ka Abuurayaa Khalkhal Nabadgalyo Daro Oo Saameeya Amaanka Iyo Wada Noolaanshaha Bulshada Saaxil,Taasi Oo Masuulka Yahay Maayar Cidin Dhibka Iyo Khasaaraha Ka Yimadaada Dulmigan Uu Ku Wado Bulshadaas Muwaadiniinta Ah Oo Marar Kala Duwan Warbaahinta Ka Sheegay Hadii Maayar Cidin Dulmiga Ka Joojin Waayo Inay Jawaaba Siin Doonaan, Hadii Arintaasi La Dhalaysanada Waxaa Xusid Mudan Inay Somaliland Amnigeega Caqabad Ku Noqon Karaan

Hadaba Waxaanu  Baaq Dheer Ugu Dirayaa Madaxweynaha Somaliland , Golayaasha Sharci Dejinta Iyo Guud Ahaan Ummadda Reer Somaliland Gaar Ahaan Qoyska Reer Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Ee Uu Magacooda Ku Shaqaysanayo Maayar Cabdishakuur Cidin, In Shacabka Masaakiinta Ah Ee Dhulkaas Leh In Sida Ugu Dhakhsaha Badan Gacantooda Loogu Celiyo , Maayar Cidin Iyo Cida Fidnadan Wadana Waajibkooda Sharci Loo Mariyo.

FG: Warbaahinta Raad News Dhamaan Xaqiiqiiyinka Kor Ku Xusan Waxay Ka Heshay Dad Xogogaal Ah, Anagoo La Xidhiidhnay Dhamaan Dhinacyada Cabanaya

Raad News
Berbera,Somaliland

Email: Raadnews1@gmail.com
Tell: 063-4410355

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here