Maxaad kala socotaa Isbadalka Itoobiya iyo saameynta dowlad deegaanka Soomaalida

0
158

Salaasa, 14.08. 2018 (Raadnews)– Tan iyo markii la magaacabay ra’iisal wasaaare Abiy Ahmed oo ah hogaamiye da’yar oo ka soo jeeda Qowmiyada Oromada guud ahaanba dalka Itoobiya iyo Geeska Africa waxaa ka curtay is badallo waaweyn oo siyaasadeed oo si lama filaan ah u dhacayay.

Isbadalladaasi kama uusan baxsan deegaanka Soomaalida Itoobiya oo waxaa saameeysay dabeysha siyaasadeed ee la soctay magacaabistii ra’iisal wasaare Abiye, taasoo keentay in uu  meesha ka baxo madaxweynihii muddada dheer ka ariminayay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo u muuqday shaqsi la jaan-qaadi waayay doonista xukuumadda cusub ee Itoobiya.

Jigjiga waxaa horaantii bishan gudaha u galay oo gabi ahaanba la wareegay ciidamada federaalka Itoobiya, iyaga oo markii danbe qabtay Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda wali ku jira gacanta hay’addaha amniga.

Rabshado ka dhashay isbadalka ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ku dhitay 29 ruux, dad badan ayaa barakacay, waxaa la boobay hantid dadweyne, xarumo iyo guryo ayaa dab la qabad-siiyay, sidoo kala-na waxaa la gubay Kaniisado sida ay sheegeen wax –garadka deegaanka.

Intaa oo dhan waxaa bar bar soctay colaada labada Qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada oo aan xal loo helin, gaar ahaan dhinaca xudduudaha ay wadaagaan labada Qowmiyadood oo ay xiisad ka taagan tahay.

Dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa u muuqata mid ku dadaaleysa in xaalada loogu soo celin lahaa sidii hore lana dajiyo xiisada ka jirta dowlad deegaanka kaddib kulamo magaalada Addis Ababa ay ku yeesheen xubno ka socday golaha dhexe ee xisbiga hogaamiya dowlad deegaanka  iyo saraaakiil ka tirsan dowladda dhexe ee Itoobiya.

Kulamadaas waxaa ka soo dhax-baxay ugu danbeyntii in hogaamiyaha xisbiga Dimuqoraadiga Soomalida Itoobiya loo doorto Axmed Shide oo ah wasiirka Isgaarsiinta Itoobiya si gaar ah-na ugu dhaw ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Dadka ku dhaqan deegaanka Ismaamulka Soomaalida ayaa u arka isbadalka ka curtay Itoobiya mid iyaga si kale saameeyay madaama ay dad badani ku dhinteen, hanti-na ku bur burtay, balse haddana qaar ka mid ah odayaasha iyo wax-garadka deegaanka ayaa qaba in taallaabadan loo baahnaa in mar hore-ba la qaado si loo soo afjaro wax ay ku tilmaameen siyaasada gaamurtay ee madax-weynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar uu ku maamulayay deegaanka

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here