Dawladnimadu waa talaabo kasta oo la qaadaa inay ku jaan go’naato xeerarka la dhigtay ee dastuurku u laandheeraysan yahay. Macnuhu waa hanaanka maamul iyo hab-abaabulka siyaasadeed oo la la falgeliyo qaynuun. Sharciga ayaana ah faruuryo-xidhka dawladnimada iyo cida hoggaanka u haysaba.

Sida aynu ka wada warqabno, dalku waxa uu ku jiraa xaalad kala-guur ah ( Lame duck situation), oo maanta waxaynu leenahay laba madaxweyne oo midna Madaxweynaha sii socda yahay (outgoing president), ka kalena Madaxweynaha la doortay (President-elect). Muddadaasi waa bil sida ku cad Qodobka 83aad ee Dastuurka. Soddonka maalmood ee kala-guurka ah, madaxweynaha xafiiska jooga Iyo Madaxweynaha la doortay hawlo waaweyn oo aad mihiim u ah ayaa u yaalla, oo ay tahay inay si habsami iyo isfahan le u gutaan.

Dadku daymo Iyo qiimi lacageed uun bay la soo boodaan ee hawlihii Madaxweynaha hore shanta gu’ soo waday Iyo hawlaha Madaxweynaha la doortay shanta sanadood ee soo socda ku hawlgeli lahaa ee u sii ambaqaadi lahaa ayaa la naaqiishayaa oo hanaankii loo la kala wareegi lahaa layska warsanayaa oo laga wada shaqaynayaa.

Haddaba, sideebay u wada shaqaynayaan labadaas madaxweyne muddadaas bisha ah? Waa maxay shakhsiyada qaanuuniga ah ee Madaxweynaha la doortay ? Siday ula kala wareegayaan? Iyo hanaan nooce ah bay muddadaas bisha ah waajibaadyada saaran u lafa gurayaan oo isaga saxaltirayaan?

Rubuc qarni Soomaliland jirtay, dawladnimadeenu weli weydiimahaas jawaabo rasmi ah uma hayso. Haa, uma ay helin, sababta oo ah ma jiro Xeerka kala-guurka Madaxtooyada (Presidential Transitions Act).

Kol haddii aanu xeerkaasi jirin, in nin ba meel u la cararo, oo fawdo Iyo is fahan-waa dhaco muddadaas bisha ah waa wax dabiici ah. In madaxweynaha la doortay na wax badan isa siiyo oo kardhadaana wax la yaab le maaha. Fawdada iyo is-maandhaafka u sahlan ee aynu arki karnaana waa magacaabista guddidii Muuse Biixi dorraad magacaabay Iyo Siilaanyo laftiisu guddiyo laba ahaa oo u keligii magacaabay kolkii uu Daahir Rayaale talada kala wareegaayay.

Waxa garashada hagaagsani ina faraysaa, in waayo kasta oo nololeed Iyo marxalad kasta oo la waajiho wax laga barto, si si sahal ah nolosha loogu helo xal horusocod le. Sidaa darteed, waa in Muuse Biixiga la doortay iyo Golaha wakiiladuba wax ka bartaan waayaha bishani leedahay, si midkood golaha wakiilada u keeno mashruuca sharci ee Xeerka kala-guurka Madaxtooyada ( Draft Law of Presidential Transitions Act).

Ugu dambayntii, haddii is-fahan Siilaanyo Iyo Biixi kula kala wareegaan, waxa iman doonta laba madaxweyne oo isqoonsan doona ama se dhib weyn ka muta hanaanka ay ula kala wareegayaan talada, sidii ku dhacday Herbert Hoover iyo Franklin Delano Roosevelt, oo ahaa laba madaxweyne oo talada Maraykan isaga dambeeyay. Sidaa darteed si looga gaashaanto qumbuliyadaas oo qaraxeedu sahayan karo dawladnimadeenan curdinka ah, waa in shanta sano ee soo socda gudahooda xeerkaas lagu sameeyaa.

W/Q. Maxamed Cali-ruush

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here