Qatar oo Soomaaliya ay ka fulineysa maashaariic ku kacaya lacag dhan $ 200 oo million

0
311

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday mashaariic hormarineed oo ku kacaya lacag dhan $ 200 oo million oo dollar.

Waxaa uu sheegay wasiirka in mashaariicdan dhamaantood yihiin kuwo hormarineed oo isugu jira, Shaqo Abuur, Dib u Dhis iyo Kobcinta Shaqaalaha dalka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in mashaariicdan qeyb ka noqon doonaan Dhismaha jidadka, Xarumaha dowladda, Waxbarashada iyo Shaqo loo Abuuro Shalinyarada Soomaliyeed.

Dowlada Soomaaliya ayaa ugaga mahadcelisay dowlada Qadar kaalmada horumarineed ee ay ugu deeqday dalka Soomaaliya iyo weliba mashaariicda horumarineed ee ay dowlada Qadar ka fulinayso wadanka Soomaaliya.

Wafdiga oo uu horkacayay Madaxa Hay’ada Horumarinta Qadar Khalifa Jassim Al Kuwari, ayaa sidoo kale la kulmay ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre

Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Sanduuqa Horumarinta Qadar Mr. Khalifa Jassim Al kuwari oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here