Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Magacaabay Wasiirka Gashaandhiga, Xilkiina Ka Qaaday Wasiirkii Diinta iyo Awqaafta

0
222

Muqdisho (RAAD NEWS) 26-Nov-2017- Ra’iisul Wasaraaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Isla Degreetado kale oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo awqaafta Dr Iimaan C/laahi Cali, waxaana xilka si kumeel gaar ah u sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga ee lamagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxaa uu hore u ahaa Safiirka Somaliya u fadhiya wadanka Turkuga, waxaana uu xilkan iska casilay bishii October ee Sanadkan.

Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa magacaabista iyo xilkaqaadista uu sameeyay Ra’isul Wasaaruhu u xaqiijiyay warbaahinta, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo la xidhiidha sababta xilka looga qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here