Jose Mourinho Oo Weerar Ku Qaaday Henrikh Mkhitaryan- Maxeyse Tahay Sababta Looga Saaray Safka Koowaad Ee Man Utd?

0
357

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa ku dhaleeceeyay Henrikh Mkhitaryan qaab ciyaareedkii foosha xumaa ee uu soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay kooxda.

Mkhitaryan, oo kaga soo biiray Manchester United dhanka kooxda Dortmund bishii July sannadkii 2016-kii, ayaa laga saaray kooxda koowaad ee United labadii kulan ee ugu dambeyay.

28 jirkaan ayaa kusoo laaban doona kooxda Manchester United kulanka sabtida manta ah ay ku wajahayaan horyaalka Premier League kooxda Brighton.

Mourinho ayaa sheegay in qaab ciyaareedka Mkhitaryan uu ahaa mid hoos u dhac uu ku yimid maalmihii lasoo dhaafay.

Mkhitaryan ayaa ku soo bilowday 10 kulan oo ka mid ah 11kii kulan ee ugu horeysay Premier League, iyadoo kaliya bedel lagu keenay kulankii Chelsea ee 5tii November.

“Ma aanan ku faraxsaneyn qaab ciyaareedkiisii ugu dambeeyey,” ayuu yiri Mourinho oo ka hadlayay xaalada ciyaaryahanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here