Faahfaahin ku saabsan qandaraaska cusub ee uu Leo Messi u saxiixay Barca, mushaarkiisa & Wax walba oo aad u baahan tahay

0
151

Lionel Messi ayaa qandaraas cusub oo afar sanno ah u saxiixay kooxdiisa Barcelona wuxuuna haatan lasii joogi doonaa illaa xagaaga 2021ka.

Barcelona ayaa qandaraaskaan cusub waxay Messi mushaar ahaan ugu siin doontaa 500 kun oo ginni Isbuucii.

Barcelona ayaa maanta oo Sabti ah ku dhawaaqday inuu Messi qandaraas cusub kooxda qalinka ugu duugay, iyadoo lasoo dhigay baraha bulshada sawir uu Messi qandaraaskaas qalinka ku duugayo isagoo garab fadhiya madaxweyne Josep Maria Bartomeu.

Qandaraaska cusub ee Messi sidoo kale waxaa lagu daray qodob dhigaya in lagu burburin karo 700 milyan oo euros, oo u dhiganta 626 milyan oo ginni, taasoo ka dhigan in aysan jirin kooxo badan oo ku dhiiran kara inay iibsadaan ku guuleystaha shanta jeer ee abaalmarinta Ballon d’Or.

Marka laga tago inuu Messi Isbuucii 500 kun oo ginni ku qaadan doono qandaraaskaan cusub ee uu saxiixay, La Pulga ayaa sidoo kale heli doona 80 milyan oo ginni oo ah lacag abaalmarin ahaan loo siin doono maadaama uu ogolaaday inuu afar sanno oo kale sii joogo Barca.

Messi ayaa 602 kulan u ciyaaray Barcelona, wuxuuna u dhaliyey 523 gool, sidoo kale 30 koob ayuu kooxdaan kula guuleystay, isagoo 17 sanno guud ahaan ku qarash gareeyey kooxdaan oo isagoo 13 sanno jir ah uu kaga soo biiray Newell’s Old Boys oo ka dhisan dlaka Argentine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here