Zimbabwe: Madaxweynaha Cusub oo balan qaad u sameeyey Shacabka

0
210

mmerson Mnangagwa oo lagu wado inuu noqdo Madaxweynaha Zimbabwe ayaa xalay khudbadii ugu horeysay usoo jeediyey shacabkiisa kadib markii uu dalka kusoo noqday.

Madaxweyne kuxigeenkii hore Emmerson Mnangagwa ayaa xisbi Xaakimka dalkaasi ee Zanu-PF u doortay hogaamiyahooda cusub, kulan uu xisbigaasi yeeshay Axadii lasoo dhaafay oo xilka looga xayuubiyey Madaxweynaha xilka ka degay ee Robert Mugabe.

Madaxweynaha Cusub oo taageero ka heysta militariga oo iyagu ahaa kuwii badbaadiyey kadib markii Mugabe uu xilka ka xayuubiyey Emmerson Mnangagwa bilowgii bishan, tilaabadaasi oo la sheegay in wadada loogu baneenayey inay xilka qabato xaaska Mugabe ee Grace Mugabe.

Khudbadiisa ugu horeysay oo uu xalay kasoo jeediyey xarunta xisbiga Zanu-PF ayuu Mr. Emmerson Mnangagwa ku sheegay in uu doonayo in mustaqbal cusub u sameeyo dalkaasi Zimbabwe isla markaana uu soo afjaro burburka dhaqaale ee uu wadankaasi ku jiro.

“…Waxaan xooga saari doonaa sidii aan dib ugu soo nooleyn lahaa dhaqaalaha wadankeena iyo sidii loo heli lahaa Shaqo, Shaqo, Shaqo…..” ayuu yiri Emmerson Mnangagwa oo xalay la hadlayey taageerayaashiisa.

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe ayaa lagu wadaa in beri oo Jimce ah xilka loo dhaariyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here