Natiijada doorashada Somaliland oo maanta lagu dhawaaqayo

0
325

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta la filayaa in ay ku

dhawaaqaan natiijada doorashadii madaxtinimo ee dhacday 13-kii bishan novembar.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in aysan aqbali doonin wixii sharci daro ah xili ay cabashooyin ka muujiyeen qaabkii doorashada u dhacday.

Horey guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in uu wadashaqayntii kala laabtay guddiga doorashada ka hor intii uusan dib ka sheegin in ay soo celiyeen wada shaqayntii kadib markii la dhagaystay cabashooyinkii ay doorashada ka qabeen.

 

Natiijada doorashada ayaa daahday, waxayna qaadatay muddo 7 maalmood ah in lagu dhawaaqo.

Waxii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco www.raadnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here