Haddii uu siyaasigeennu sidaa u sii damac xumaado, wacyiga ummadduna kobci waayo oo habaaska ka kici waayo, waxa iman doonta dharaar aan dheerayn, in dawladnimadeennan ula boocda ku tukubaysaa afka goosan doonto. Haddeed ba kun eddeb daro oo deelqaaf ku ahi waa buux, oo gondaheeda waa ay kambadhuudhaane.

Annigoon se si Cilmi ah u darsahayn durada jaan ee tayadii Iyo tamartii ba ka idlaysay dhaqankii dawladnimo,afartan hab-dawladeed ee dunida casriga ahi tajriibaysay, kee baa dawladnimadeenna galaafan doona, haddii aan loo xilqabin lagana digtoonaan.

Xukun Mujaahid ‘Timocracy’:

Kolka ay dawladnimada kuraasteeda ku laaxaystaan niman muqlaysan, oo umadda ugu abaal sheegta hiil iyo naf hur in ay beri u galeen, nidaamka sidan ah waxa loo yaqaana Xukun Mujaahid ‘ Timocracy’. Nidaamka noocan ahi wuu soo maray Soomaliland, maa uu sii negaan, waxa se dhab ah in uu Soomaliland Af-weynta goyn lahaa oo aanay Laba sano jir dhaafteen. Haddii uu se nidaamkani soo laabto waxa ay u badan tahay in eelka eelkii oogmo, oo hanaqa lays gooyo, oo Soomaliland iyo dawladnimadeeda ba wadar loo duugo.

Xukunka hantiilayaasha” Plutocracy”:

Marka ay dawladnimadu gacanta tujaarta iyo ganacsatada naaxnaaxsan gasho, waxa iman doona dagaal ba’an oo dhex mari doona kuwa wax haysta iyo kuwa badan ee qaada-ma-dhergaha ah, sababta oo ah kuwa ladani in ay xoolaystan oo hanti badan kaydsadaan, ayaa ay raacdadeeda geed gaaban iyo geed dheer ba u fuuli doonaan, oo warshadaha iyo khayraadka dabiiciga ah ayaa ay boobi doonaan, oo daba-qado bulsheed ( Social Classes) ayaa iman doona. Markaas ayaa ay gadoodi doonaan maxaysatadu.

Keli-taliye ‘ Tyranny’:

Calooshood u shaqaystayaal aan cidi in ay ka jiidho xukunka iyo madaxtooyada kolka ay dawladnimadu u dhaxdo. Soomalidu jaadka kan dawladeed way soo martay, oo waa sababta dawladii dhexe ee Soomaliyeed dalluunta iyo dalawga uga shalwatay ee ila iminkadaa godka madaw ugu jirto. Dil, xadhig iyo musaafirin ba way iman doonaan.Xorriyad iyo caddaalad na waa laga dhaarin doonaa ummadda. Kolkaas ayaa sidii loo dagaal galay siddeetamaadkii, ee duurka loo miciinsaday laysku bi’i doona, oo qarni ama haaf qarni geeddiga dib loo lallabi doonaa. Ama Kacaan ha lagu sheego ama tawrad ee waxa dhab ah in uu cudur sida kansarka dilaa ah ku noqon doono dawladnimada.

Dimuqraadiyadda “Democracy”:

Waa ta ugu roon nidaamyada maamul ee bani-aadanku tajriibeeyay Ilaa cahdigii Giriigga laangaabka noqday ilbaxnimada aadanaha calanka u siday. Innana waa ta aynu qaadanay ee weli socod baradka ku nahay. Ceebta se ugu weyn ee dawladnimada noocan ahi leedahay waa aynu guddoonsanay, oo waa buunbuuninta xorriyadda iyo baqe la’aanta dadka iyo milgaha dawladeed oo ay ka xooggan yihiin kana abaabulan yihiin qabiilada, gobolaysiga iyo bulshada rayidka ahi. Marka se Dastuurka iyo qaynuunka la afduubto ee hoggaanka dawladnimadu mid fulinta iyo adeecidda sharciga u jajaban noqon waayo, ayaa dadkuna fawdo galaan oo xorriyadii iyo cadaaladduba gummoobaan, oo aakhirka wax kastaba nahdu ka tagtaa oo ay dawladnimaduna fadhiid noqotaa, ugu dambayntiina lays eedaa.

Waa gedda saak dawladnimadeenu u aragga xun tahay. Way iman doonaan xukuumado dimoqraadi ahi, waa se laysku eeddi doonaa, oo hoggaan kas xun baa iman doona, dadkana qiyamka iyo qiimiga hadda sakaraadka ah, ee ay had ba bakhti afuufayaan bes ayuu u dhiman doona, oo qax iyo qaxar baa xeryo qaxoonti loo geli doona. Waa haddii hoggaanka ummaddu sida saaka uu sii ahaado, oo dawladnimadu hoggaankii garashada hagaagsan ku jirrabi lahaa quustaa laga jooggo. Maan sheeggin haddii ay soo baxaan hoggaan u xilqabaa. Had ba hoggaankeedu sida uu u jirrabo uun bay ku dambaysaa.

Afartaa nidaam ee Dawladeed, laba Ka mid ah waa aynu soo tajriibaynay, kuwii ugu basarka xumaana waa ay noqdeen. Bilawgii waynagii qabaa’ilka isu dilnay markii SNM xukunka gacanta ku haysay. Waa tii hebelada mujaahidiinta ahi isu bu’een, ee la tookhay, ee reeraha isu abaabuleen, ee qoriga iyo is-qalashadu doorka noqdeen. Waa tii Mujaahidkii talada dalka ku magacwnaa mujaahidiintii kale ku gacan-saydheen, ee aakhirkii Boorame lays la tegay.

Dimoqraadiyadda iyo doorashooyinkeedana waa tan u dambaysa ee aynu walaaqanayno, ee sharcigii, dantii guud iyo dawladnimadiiba qiimigeedii ku kufsanay ee hoggaankii siyaasadu innagaga saaqiday, ee hoggaankii dhaqankuna u xooloobay.

Mar kale Afartaa nidaam, Soomaliland waa ay ka talin doonaan, oo Inta ina soo martay ee aynu ka samata baxnay marar kalena way iman doonaan. Waxa se is weydiintu tahay kee ba ina galaafan doona haddii aynaan u xilqabin, isuna diyaarin ka hortageeda iyo karantiimaynteeda.

Ugu dambayn tii saw kii Abwaan Cabdiraxmaan Abees gabaygii Qaan ku lahaa:

“Qawska furan qaanuunka jabay, qiil la daba jooga
Qoolka maran qiyaanada maldahan, qalin daraalaynta
Quusisiyo badheedh kii hir-gala, qaab kasta u boobka
Sii qadhiidho qaadoo ha dhigin, qayb danbana sheego
Qab iyo kibirka anigaa ku idhi, maamul la qafaasho
Guul diidku qalqaalaha xumaha, kama qatoobaane
Qundul nacasa arin loo igmaday, way qaribantaaye
Hoggaan qumani muu soo xusheen, booli quutaha’e
Qab-qablaha waxaa loo dirtaa, ceeb ha qariyeen”

Adduun-caaryaale!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here