Saamayn Intee La’eg Ayuu Shiinaha Ku Leeyahay Afganbiga Dalka Zimbabwe?

0
160

Safar uu dhawaan dalka Shiinaha ku tagay taliyaha militariga Zimbabwe ayaa ahaa mid iska caadi ah oo lagu xoojinayay xiriirka xagga ciidammada ee labada dal, sidaasi waxaa sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Shiinaha kadib afgambigii Harare ka dhacay.

Taliyaha Jeneraal Constantino Chiwenge ayaa Shiinaha booqday maalmo uun ka hor intii uusan dhicin afgambiga.

Waxaa jiray warar aad la’isula dhexmaray kadib markii Shiinaha uu sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda Zimbabwe, balse uu ka gaabsaday in uu cambaareeyo in xilka laga qaado Mugabe.

Shiinaha ayaa Zimbabwe ku leh maalgashi gaaraya balaayiin doolar oo ah dhanka beeraha iyo dhismaha.

Xiriirka labada dal u dhaxeeya waa mid qoto dheer oo soo biloowday xiligii gobonimo u doodka ee Rhodesia.

Sanadkii 1979-kii, Robert Mugabe ayaa ku guuldaraystay in uu hub ka helo Midoowgii Soviet sidaas darteed waxa uu u leexday dhanka Shiinaha oo uu ka heley hub iyo tabobar intuba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here