Maxaa ka jira inay is dagaashan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos? Marcelo ayaa ka jawaabay

0
339

Daafaca dambeedka bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu mugdi uga jiro wararka sheegaya inuu dagaal dhexmaray xiddiga Los Blancos Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos.

Wararka kasoo baxaya dalka Spain ee sheegaya inay dagaashan yihiin Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos ayaa soo xoogeystay Isbuucyadii ugu dambeeyey – labadaan xiddig ayaana isku khilaafay qaabkii ay kooxdu u wajahay suuqa kala iibsiga xagaagii lasoo dhaafay.

Labadaan xiddig ayaa ku kala aragti duwanaaday tallaabadii ay kooxdu ku dirtay xiddigaha Pepe, Fabio Coentrao iyo James Rodriguez. Sidoo kale Ronaldo wuxuu ka carooday hadalkii kasoo yeeray Ramos ee uu iskula deyayey inuu Neymar JR kula qalqaaliyo imaanshiyaha kooxda ka dhisan Santiago Bernabeu.

Laakiin Marcelo wuxuu sheegay in uusan hubin haddii uu khilaag ka dhexeeyo kabtanka Real Madrid iyo gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxdaan: “Waxba kama ogi wararka sheegaya in uusan Cristiano kooxda ku faraxsaneyn.

“Sidoo kale waxba kama ogi wararka sheegaya inay is khilaafsan yihiin Ramos. Anigu keliya waxaan doonayaa inaan ciyaaro kubadda cagta”.

Real Madrid ayaa 10 dhibcood ka dambeysa hogaamiyeyaasha horyaalka La Liga ee Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here