Madaxweynaha dawlad Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Danjiraha dalka China ee Soomaliya Mr. Qin Jian ayaa shalay si wada jira shir jaraa’iid ugu qabtay Qasriga madaxtooyada Garoowe.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay Danjiraha ka wadahadleen arrimo ay ka mid ahaayeen horumarinta mashaariicda dowladda China ay kawaddo Puntland, samaynta xiriir dhaw oo ay yeeshaan Puntland iyo dalka Shiinaha, horumarka ay Puntland  ka samaysay kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaannadeeda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo danjiraha dalka China ee Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii ay shirkaddaha laga leeyahay dalkaasi u maalgashan lahayeen Puntland maadaama ay tahay dhul nabadda, horumar iyo xasilooniba ka jirto

Safiirka China ee Soomaaliya Mr. Qin Jian ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalkii isaga iyo Madaxweynaha Puntland uu kusoo dhammaaday guul, waxaana uu hoosta ka xariiqay in Puntlaand ay ka jiraan nabad iyo horumar, isla markaana waxaa uu safiirku shacabka dalka China ku dhiirigeliyey inay maalgashtaan Puntland, yimaadaan oo wada shaqayn dhow layeeshaan shacabka Puntland.

Mr Qin Jian ayaa tilmaamay in Puntland ay horumartay, islamarkaana muhiim u ah Soomaaliya, samaysayna horumar, kala danbayn, dhaqaale wanaagsan, sidoo kalena hirgashatay kaabayaal dhaqaale oo horumariyey dhulkooda, waxaana uu timaamay in dhulka Puntland yahay mid qurux-badan, khayraad dabiiciya ku duugan yahay, islamarkaana waxaa uu ku dhiirigeyey shirkaddaha waaweyn ee Shiinaha inay maalgashtaan Puntland sida ay shirkadda CCECC u maalgelinayso garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo dhismaha waddada Garoowe-Eyl.

Danjiraha dalka China ee Soomaaliya ayaa waxa uu isagoo kahadlaya sida ugu fudud ee loo samayn karo xiriir ah oo ka dhexeeya Puntland iyo dalka China loo baahan yahay in la sameeyo wufuud labada dhinac ah oo isu waydaarta , si loo hirgeliyo is dhexgal iyo is-fahan ku salaysan wanaajinta xiriirka labada dhinac.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in wada hadalkii isaga iyo danjiraha dalka China uu kusoo dhammaday guul, islamarkaana uu sidoo kale guul-kusoo idlaaday safarkoodii ay ku joogeen Puntland, isagoona Madaxweynuhu danjiraha guddoonsiiyey haddiyad ka koobnayd hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here