Jeclaan LahaayaaQof Taladan Oo Kale I Siiya Intii Aanan Siyaasiga Noqon Qeybtii 1aad

0
146

Talo uu siyaasi Ruug-caddaa ahi Siiyey nin Dhalinyaro ah oo doonayey in uu siyaasadda ku biiro

Qormadan oo taxane kooban ah waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayay warqad uu siyaasiga, aqoonyahanka iyo saxafiga ruug cadaaga ah ee reer Canada Michael Ignatieff talo dhaxalgal ah ku siiyey nin dhalinyaro ah oo damacsanaa in uu siyaasadda ku biiro, kaas oo ka dalbaday bal hadda in uu talo iyo tusaale ka siiyo siyaasadda uu ku socdo.

Inta aynaan gudo gelin warqadda taladan uu siiyey siyaasigan da’da yar ee waayo-aragnimada soo biday, aynu wax yar ka nidhaahno Michael qudhiisa.

Michael Grant Ignatieff oo dhashay sannadkii 1947kii, waa qoraa, aqoonyahan, siyaasi hore, hal-abuur iyo saxafi u dhashay dalka Kanada. Waxa uu hore u ahaan jiray hoggaamiyaha xisbiga Liberal Party ee dalka Kanada, afartii sano ee u dhexeeyey 2008da illaa 2011kana waxa uu ahaa hoggaamiyaha mucaaradka ee xildhibaannada golaha Baarlamanka. Sidoo kale waa uu shaqooyin sare ka soo qabtay, jaamacadaha caanka ah ee Cambridge, Oxford, Toronto iyo Harvard oo uu illaa hadda joogo.

Ignatieff oo dalka Ingiriiska ku noolaa intii u dhaxaysay 1978kii illaa 2000 waxa uu ahaa saxafi caan ku ah, talefishannada iyo idaacadaha, waxa kale oo uu ka mid ahaa tifaftirayaasha wargeyska Observer ee ka baxa dalka Ingiriiska.

Sannadkii 2006da ayaa Ignatieff loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha baarlamanka ee dalka Kanada, isla sannadkaas ayaa uu u tartamay hoggaanka xisbiga Liberal Party, laakiin jagaadaas waa lagaga adkaaday, markii dambana waxaa loo gartay in uu noqday guddoomiye ku xigeenka xisbiga. Sannadkii 2008da markii la gaadhay xilligii doorashada ayaa guddoomiyihii xisbiga Stephane Dion si uu doorashada uga qayb galo uu xilkii guddoomiyaha xisbiga liberal ka iska casilay, taas oo Ignatieff fursad u siisay in uu noqdo guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga, waxa aanu xilkaas sii hayey illaa 2009ka.

Dhirbaaxadii ugu xumayd ee Ignatieff ka soo gaadhay siyaasaddu waxa ay ahayd fashilaaddii soo gaadhay xisbigiisa ee keentay in uu golaha baarlamanka oo uu awood ku lahaan jiray, doorashadan ka noqdo xisbiga saddexaad, taas oo lagu tilmaamay in ay tahay barta ugu madow ee taariikhdiisa siyaasadda ka muuqata, maadaama oo loo tirinayey in uu qayb ka yahay fashilaaddii soo gaadhay xisbigiisa ee keentay in si aan caadi ahayn logaga tiro bato kuraasta golaha baarlamanka. Aakhirkiina 25kii May 2011 ayaa uu iska casilay xilkii guddoomiyaha xisbiga.

Markii dib u dhacaas siyaasiga ahi dhowr jeer isaga dambeeyey, Ignatieff waxa uu u baydhay dhinaca waxbarashada waxa aanu bare ka noqday jaamacadda Toronto, isaga oo shaqadaa hore wada ayaa uu haddana sannadkii 2013ka waxa uu dib ugu noqday jaamacadda Harvard Kennedy School.

Ignatieff oo buugaag door ah iyo qoraallo tiro badan leh, qoraalkiisan aynu taxanahan ku soo qaadanaynaa waa warqad talo iyo tilmaam ah oo uu u qoray nin dhalinyaro xisbigiisa Liberal Party ka tirsan ah oo doonayey in uu u ban baxo siyaasadda. Balse waayo-aragnimo soo biday oo inta aanu hawlaha siyaasadda lugaha la wada gelin ka doonaya in uu talo iyo tusmayn waayeel siiyo. Warqaddani waxa ay soo baxday 22kii Noofambar 2015ka, wargeyskan Geeska Afrikana  waxa uu ka soo xigtay barta internet ka ee www.newrepublic.com oo uu qoraagu ku baahiyo qoraalladiisa, waxa aanay u dhignayd sidan:

Saaxiib,

Waxaa dareenkayga aad u soo jiitay, in aad talo iga soo weydiisay ku biirista siyaasadda. Qof kasta oo taariikhdiisa siyaasaddu ay fool xun tahay, doqonniimada iyo maangaabnimaduna ku badan tahay, muddada uu siyaasadda ku jirayna aad u kooban tahay sidayda oo kale, aad ayaa uu ugu farxayaa marka uu ogaado in ay jirto cid uun u aragta in fikirkiisu uu u qalmo in la dhegeysto.

Waxa keliya ee aan ku andacoon karaa waa in aragtidaydu ay waafaqsan tahay waxa uu qoraagii Maraykan ee Scott Fitzgerald ugu yeedhay, “Awoodda guul darrada”

Intaa kadib qoraagu waxa uu bilaabay taladiisa, “Ugu horreynba, waa in aad ogaataa sababta aad u doonayso in aad siyaasi noqoto. Waxa aad la yaabi doontaa marka aad ogaato in dadka siyaasadda ku biiraya badankoodu aanay jawaab daacad ah kaa siin karin, sababta dhabta ah ee ku riixday in ay siyaasi noqdaan”

Sababaha quruxda badan ee qof kasta oo siyaasadda galaa uu ku afgobaadsado in ay ku kallifeen siyaasaddu waa: In uu rabo inuu sumcad fiican yeesho, magacna helo iyo in uu siyaasadda ka dhigto fursad uu wax kaga qaban karo arrimaga muhiimka ah ee dadkiisa noloshooda wanaajinaya.

Adigu waa in aad noqotaa ruux leh himilo, haddii la doono mararka qaarkood lagu qoslo (Lala yaabo) oo aan ahayn uun taas caadada noqotay ee aan soo xusay. Waa in aad noqotaa ruux ku qanacsan in uu doonayo wax ka duwan sheekada xarragada ah ee la isku weydaarsado miisaska casuumadaha la isugu yimaaddo. Waa in aad yeelataa han iyo dareen ah in ay jirto hawl u baahan in wax laga qabto, adiguna aad tahay qofkii ku habboonaa in uu waxaas qabto.

Siyaasadda hibo iyo hanba waan u lahaa, laakiin waxa iga maqani waxa uu ahaa, in aanan u bislayn loollanka iyo dagaalka siyaasiga ah;

Weerarrada iyo dhalleecaynta siyaasiga ah ee la igu soo qaado, ayaa aan u qaatay in ay yihiin kuwo shakhsi ah oo aniga toos igu socda. Laakiin taasi qalad weyn bay ahayd, waayo, marnaba weerar shakhsi ah ma’ay ahayn. Keliya dabeecadda shaqadan (Siyaasadda) ayaa sida ah. weligeedna sidaas ayaa ay soo ahayd.  La Soco

Waxaa laga yaabaa in dagaalka siyaasadda ee aad gelayso aad isugu diyaarisay sida in aad tahay qof shaqaale ah, oo dhacdooyinka soo maraya dhinac ka daawanaya balse aan ku dhex jirin, waa sidii aan aniguba moodi jiray markii aan Labaatanaadka da’dayda ku jiray. Laakiin i rumayso oo, marka aad giraanta dhexdeeda (Siyaasadda) istaagto, waxa aad markaba la kulmaysaa amakaag iyo wax aanad filayn. Isla marka aad madaxa gelisaba waxaa maskaxdaadu garanaysaa in labada jid ee keliya ee kuu furani ay yihiin dagaalan ama duul (Baxso) La soco…

Turjumaddii: Kamaal A. Alli

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here