Imisa jeer ayay horey u dhacday in Barcelona labada Madrid ka sareyso 10-dhibcood La Ligaha Spain

0
284

 

Kooxda Barcelona 10-dhibcood oo nadiif ah ayay ka sareysaa labada koox ee magaalada Madrid ka dhisan waa Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Hadaba shabakada Marca ayaa soo daabacday in 7-jeer taariikh ahana horey u dhacday Barcelona 10-dhibcood ka sareyso labada Madrid.

Farqi 10-dhibcood ah waxaa lagu soo qaban karaa 4-guul iyo naadiga ka saareyso in afartaas kulan guuleesanin waana arin aan sahlaneyn.

Mudo 20-sano ah ma aysan dhicin Barcelona inay 10-dhibcood ka sareyso labada Madrid siaa darteed isbadal la yaab leh ayaa xili cayaareedkan 2017/18 dhacay.

Waxaa xusid sanadihii 1929, 1950, 1952, 1981 iyo 1992 in farqi 10-dhibcood ah laga soo kabtay kooxihii laga sareeyana ay guuleesteen sidoo kale intii u dhaxeesay 1929 ilaa 1995 labo dhibcood ayaa guusha la xisaaban jiray.

1928/29 Real Madrid ayaa farqi 12-dhibcood ku qabatay horyaalka Barcelona ayaa ka qaaday ugu dambeyntii sidoo kalena 1949/50 Real horyaalka ayagoo farqi badan ku hayaan ayaa Atletico ka qaaday.

1951/52 Atletico ayaa farqi dheer horyaalka ku heesay balse ugu dambeyntii Barcelona ayaa ka qaaday.

1952/53 Espanyol ayaa dhibco badan hogaanka ku qabatay balse ugu dambeyntii Barcelona ayaa ka qaaday.

Real Sociedad ayaa La Ligaha Spain qaaday 1981 ayagoo kasoo kabteen dhibco 10-ka badan ka sareeyeen Atletico Madrid.

1991/92 Barcelona ayaa si la yaab leh ku qaadeen horyaalka waxayna kasoo kabteen labo marxalad oo kala duwan oo ay dhibco badan ka sareeyeen marna Atletico marna Real Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here