Halyeeyga Man Utd Phil Neville oo ka digay halista kasoo socota iskaashiga weerarka Eden Hazard iyo Alvaro Morata

0
229

 

Daaficii hore ee Manchester United Phil Neville ayaa wuxuu ammaanay iskaashiga dhanka weerarka Chelsea ee u dhexeeya Eden Hazard iyo Alvaro Morata, wuxuuna sheegay inay taasi ka caawineyso Blues inay goolal badan dhaliso xilli ciyaareedkaan.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkaan si liidatay ku bilaabatay difaacashadeeda horyaalka England Premier League, laakiin hadda hurdada ayey kasoo kacday waxayna badisay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey, oo ay ku jiraan guulo ay ka gaartay Manchester United iyo West Brom.

Kulankii Sabtidii ka dhacay Hawthorns, Hazard ayaa laba gool dhaliyey, halka Alvaro Morata uu dhaliyey goolkiisii 8aad ee horyaalka EPL ee xilli ciyaareedkaan iyadoo Chelsea ay 4-0 uga adkaatay West Brom.

Tababare Antonio Conte ayaa booska u bedelay Hazard oo haatan inta badan dhanka weerarka caawiya. Neville ayaana aaminsan inay taasi keeneyso in la joojin waayo iskaashiga dhanka weerarka ee Eden Hazard iyo Alvaro Morata.

Isagoo la hadlayey BBC’s Match of the Day wuxuu yiri: “Haa, Chelsea waa ay bedelatay hab ciyaareedka. Hazard wuxuu hadda ka ciyaaraa dhanka weerarka inta badanna wuxuu caawiyaa Morata.

“Habka ay Morata iyo Hazard iskula shaqeynayaan waan la dhacay, sidii uu Morata kubadda ciribta ah ugu dhiibay Hazard iyo sidii uu xiddiga reer Belgium u dhaliyey ayaana cajiib aheyd. Morata waa shaqsi jecel inuu la shaqeeyo asxaabtiisa weerarka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here