Halyeeyga Arsenal Thierry Henry oo qarka u saaran inuu shaqo tababarenimo helo – Ma Arsenal ayuu kusoo laaban doonaa?

0
106

Thierry Henry ayaa lagu soo waramayaa inuu qarka u saaran yahay inuu qabto maamulka xulka qaranka Wales, sida ay warbaahintu sheegeyso.

Chris Coleman ayaa Isbuucii lasoo dhaafay iska casilay xilka tababarenimo ee xulka Wales, wuxuuna hadda qarka u saaran yahay inuu maamule u noqdo kooxda Sunderland.

Majaladda Daily Mirror ayaana haatan sheegaysa in halyeeyga Arsenal Henry uu ku jiro liiska shaqsiyaadka u sharraxan xilka tababarenimo ee xulka Wales.

Thierry Henry wuxuu haatan ka shaqeeyaa hillinka Sky Sports oo uu u yahay khabiir kubadda cagta uga faallooda, sidoo kale waa tababare ku xigeenka xulka qaranka Belgium.

40 sanno jirkaan Faransiiska u dhashay ayaa wuxuu shaqada tababarenimo ee xulka Wales kula tartamayaa Ryan Giggs iyo Craig Bellamy oo labaduba u dhashay dalka Wales.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here