Antonio Conte oo dhaleeceeyey maamulka England Premier League wuxuuna sheegay inay kasoo horjeedaan kooxdiisa Chelsea

0
204

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa wuxuu cabasho ka keenay jadwalka horyaalka England Premier League ee xilli ciyaareedkaan kaasoo uu caddeeyey in uusan gabi ahaanba caawineynin kooxdiisa Blues.

Chelsea ayaa haatan si xiriir ah u adkaatay afarteedii kulan ee ugu dambeeyey horyaalka EPL, iyadoo guulahaan xiriirka ah soo bilowday bishii lasoo dhaafay markaasoo ay 4-2 ku dubatay kooxda Watford ciyaar ka dhacday garoonka Stamford Bridge.

Isbuuca soo aadan Chelsea waxay booqan doontaa garoonka Anfield Road, halkaasoo ay ku wajaheyso kooxda tababare Jurgen Klopp ee Liverpool.

Laakiin Chelsea ayaa waxay Arbacada safar dheer u geleysaa dalka Azerbaijan halkaasoo ay kula soo ciyaari doonto kooxda Qarabag kulan ka tirsan koobka UEFA Champions League. Waxaana xusid mudan in aysan Blues kusoo laaban doonin England illaa saacadaha hore ee subaxnimada Khamiista ah.

Kooxda Conte ayaana wixii intaas ka dambeeya si shaqsi ah u bilaabi doonta isku diyaarinta kulanka Liverpool oo ay Sabtida la ciyaareyso. Sidaan oo kale hore ayey ugu dhacday kooxda tababare Conte oo markaas guuldarro kala kulantay Manchester City xilli ciyaareedkaan.

Tababaraha Talyaaniga ah ayaana weerar ku qaaday maamulka horyaalka England Premier League oo uu sheegay inay tahay inay jadwalkooda wax ka bedelaan, maadaama aysan kooxdiisu difaacan karin horyaalka EPL haddii jadwalkaan adag ay kusii jirto.

Conte wuxuu saxaafadda u sheegay: “Haadda waxaan u maleynayaa inay aad u adag tahay inay kooxi celiso Manchester City. Maxaa yeelay guulo xiriir ah ayey ku jiraan, keliya Everton ayey barbardhac la galeen xilli ciyaareedkaan.

“Kooxdeyda Chelsea wax dhib badan ayey u aheyd inay la ciyaarto Man City laba cisho ka dib kulankii aan u safarnay Atletico Madrid. Waxaan kusoo laabanay England Khamiistii, ka dibna Sabtidii ayaan ciyaarnay. Sidaas darteed ma heysan waqti nagu filan oo aan isugu diyaarino kulankaan muhiimka ah.

“Sidaas oo kale ayaa Isbuucaan nagu dhaceysa. Arbacada waxaan la ciyaareynaa Qarabag, waxaan kusoo laaban doonaa London Khamiista 6am subaxnimo, ka dibna Sabtida waxaan la ciyaareynaa Liverpool”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here