Saboolka ciillan ! WQ: Maxamed Marty Shuceyb

0
254

Waa  aabo iyo hooyo farxad ku wada nool, waxa Alle SWT  ku arsaaqay wiil – mar waa u curad oo ubad isagaa ka kow ah, marna waa u guri dambeys oo dabadii ilaa imika ilmo kale may dhalin. Waxa uu jiraa toddoba gu’. Aad ayay u jecel yihiin waalidkii – dhowrid, ka warheyn, la qosol iyo la ciyaar badan oo dhunkasho kalgacayl iyo naxariis waalidnimo.

Waa Qoys middeysan oo is og, isla markaasna aad jaceylka iyo farxada muuqooda ka dheehaneyso. Waxa qoyska u carruur ah waa wiilkan. Farxaddooda dhammaan waa isaga. Waxay dedaal joogto ah ugu jiraan koriinka wiilkooda iyo sidii cidhibta wiilkan u noqon lahayd mid mustaqbal fiican oo guuleysata.

Aabaha wiilkan dhalay waxa uu ku dadaala in uu wiilkiisu helo wax kasta oo uu jecel yahay, waxaase inta badan farxadda wiilka kala dhantaala  duruufaha nololeed ee qoyskani ku nool yahay.

Xaalada qoysku u saamaxi meyso in uu siiyo waxyaalo badan oo caruurta qayrkii ku ciyaaraan ama ku farxaan, haddana ma dadaal yara. Aabaha wiilkani waa muruq maal xalaal cun ah: waxa maalin oo dhan uu ku maqan yahay xoogsi. Waxa uu hayaa shaqo adag oo culeys iyo dhib leh – waa dhib naftiisa iyo oogadiisaba gaadheysa, waa shaqada aynu ugu yeedhno Xamaal.

Waxa aabbahan caado u ah in marka uu wiilkiisu u baahdo dhar uu yareeyo ama uu meeshaba ka saaro in isagu uu doono dhar ama uu soo iibsado, sababtuna tahay si wiilkiisu u helo dhar wanaagsan oo uu inta faciisa uu farxad ku dhex joogo. Waxa aaabahani leeyahay haddii laga tagi waayo waa laba surwaal iyo laba shaadh oo aanay wax kale u dheereyn, waa mar gashi aan isaga u muuqan.

Dhisida iyo ku daddaalka mustaqbalka wiilkan kuma koobna hun iyo hunguri raadis ee waxa wiilku uu waxbarasho u tagaa mid ka mid ah dugsiyada ku yaal magaalada oo inta badan lagu xanto tayada waxbarashada oon wanaagsaneyn. Waa dugsi dawladeed oo u dhaw gurriga qoyskan.

Wiilkan waxa uu inta badan ku riyooda kuna hamiyaa  in uu kasoo soo tooso bangalo qurxoon sida caruurta jaarkiisaa, Waqtiga waxbrashadana gaadiid kaso qaado gurigooda oo uu tago dugsiyada qaaliga ah ee macalimiinta wanaagsani joogto hase ahaatee ma arko xaalad u saamaxaysa in uu helo hamigiisa.

Waxa aabaha wiilkan uu ku baxaa farxad, waxaana uu kuso noqdaa farxad. Waa aabbe wanaagsan oo aan qalbi jab iyo hiifid midna ka muuqan, umana muuqato wax isbedel dhaqaale ah oo noloshiisa ku yimaada. Ma helo taageero, garab istaag, caawin iyo dhiiri galin ehel iyo qaraabo, ha dhawaato ama ha dheerato e. Waxa kaliya ee ag taagan oo markasta, meelkasta iyo xaalad kasta dhiiri galin, dedaal, farxad iyo jacayl la ag joogta waa ooridisa oo  marna aan ka jeesan, misana aad u jecel.

Waxa aabbahani ka baxaa guriga waqtiga geed iyo ruux lakala garto, soo noqodkiisuna waa fiid madoobaadka, maalin waa wax la’aan maalin kalena waa uu soo helaa biilka qoyska. Waa xaalad adag, waa imtixaan eebe oo samirkiisa looga baahan yahay. Aabahani kama quusan, kama rajo dhigin oo faraha dib ugama celin baryada iyo rajada Eebe weyne SWT.

Meeshu waa magaalo oo oo kama maqna dhaqamadii lagu yaqaanay dad magaalo; maciishadu kor usii socod mooye hoos usoo noqod maleh, waxa ugu daran waa dhuxusha uu qoyskani wixii maalinkaa lasoo helo ku bisleyn lahaa. Waxaase ka daran waa gaas oo hoygii madaw ma noqon karo. Lammaanahan mugdiga gurigu waxba uma arkaan, waxaase iftiinka lala doonayaa waa wiilkooda si casharadii maalintaas uu soo qaatey uu habeenkii ugu muraajaceeyo uguna daalacdo iftiinka cas een badneyn ee faynuuska kasoo ifaaya.

Ma jirto dawlad xoogan oo shaqo abuur u sameysa dadka intaa aan shaqeyn ku darso oo waxaaba loogu yeedha qalcada ay ka dagan yihiin magaalada “Xaafada Danyarta”. Waa magaalo lagu wada nool yahay taajir iyo faqiirba, intaba waxa hunka iyo hungurigooda gacanta ku heysa ganacsato magacyo kala duwan leh,: alaabo iyo cuntooyin kala duwana soo waarida oo kolba qiimaha cirka ku shareerta. Guri danyar maxaad ka filli? Roob ma celiyo oo habeenkaa waa u taagni iyo biyo celis , dhaxan celis iyo dugsi toona ma leh, ma badna inta huwasho ah ee guriga taalaa dhaxanse in ay ka celiso hasoo hadal qaadin!

Magaaladu iskama war heyso, waa wada war moog waxaana loo kala baxey danyar iyo danweyn aan laba socon in cid iyaga ka hooseysa inay jirto. Waxa ka jira magaalada loolan iyo legdan siyaasadeed ha ugu darnaato dawlada ka talisa dalka. Waxa shantii sannaba hal mar la qabtaa wax doorasho lagu sheego oo shacbiga botorinta, qooqa iyo qaylada lala dul maro laguna dhiiri galiyo in ey codeeyaan. Waxa hadba soo booqda nin madax loogu sheego oo xisbi hebel buu ka socdaa ah, waxa ku lamaan dad dhadhamo raac ah oo isaguun hadalkiisa mooye midkale dhag u dhigin.

Duruufaha adag ee ku xeeran qoyskan iyo xaaladaha ka jira magaalada waa kuwo saameyn ku yeeshay shaqadiisi waxaase aabahan go’aankiisu yahay in aan dhag iyo deymo toona u dhigin ee uu hadba xoogiisa meesha uu kaso helaayo ku jarmaado.Kolba waa nooc, hadba waa ceyn, mar dhib mar kalena waa dharag, mar waa farax iyo badhaadhe mar kalena waa murugo iyo madaw, mar waa caafimaad marna waa cudur, mar waa amakaag iyo yaab mar kalena waa degenaan, waa nolol oo inta la nool yahay kolba waa cayn.

qosyku waxa uu ku seexdey si nabdoon, Waa habeen badh, waxa si lama filaan ah in wiilkii yaraa xanuun ugu soo boodo. Hooyo iyo aabe oohintisu ha u badnaato, lamaanahii haab haabte hadba waxii gacmahooga ku jirey, hadba dhinac u rog, mar qaad marna dhabta saar, mar aamusii marna la ooy, ileen waa hooyo, hooyo waa hooyo ma adkeysan karto ma calool adeygi karto, aabe ma joogo wuxuu raadinaya goob caafimaad, oo xaguu ka heli wa habeen badh dad iyo duunyaba aanay sanqadhayn.

Silic, murugo, soo jeed iyo daaal ayuu waagu ugu baryay waxaa loo wada yaacay dhinaca cusbitaalka, kharash iyo daaawo gad midna mahayaan oo waa maalin qad iyo maalin qaad.Goobtu wa cusbitaal dawladeed, ma jiro adeeg caafimaad oo xoogan, mana jiro adeeg lacag la’aan ahi, haddiba talaabo la qaado waa dawo heblaayo soo iibi ama irbad heblaayo u doona halagu muddee.

Duruuf dhaqaale, ehel aan wax kuu tarin oon kuba ogayn meeshad ku nooshahay, marka intaasi isugu kaa darsamaan waa dhibaato aan la qiyaasi karin. Aabahani ma rajo dhigin kamana quusan naxariista eebe wayne SWT. Ma joogo, ma nasto mana is dhigto ee wuxuu ku dhaqmaa xaglo laaban xoolo kuuma yimaadaan, cusbitaalka waxa wiilkii yaraa maalin iyo habeen oo dhan ku heysaa hooyadii, isaguna wuxuu kordhiyay shaqadii iyo dedaalkii hase yeeshe wali waxba gacmaha kuma hayo.

Xaaladiisa oo cakiran, oo waali la moodo, laguna xanto ninkii ina hebel maalmahan wuu isla hadlaa ayuu habeenkii kusoo guureeyaa cusbitaalka. Qolka ama qaybta uu wiilku yaalo waxa uu kusoo jeedaa albaabka laga galo qolka, wuxuu soo istaagey isagoo jahawareersan oon is ogayn waxa afkiisa kaso baxaya, wuxuu arkayaa oo u muuqda xaaskiisii iyo wiilkii yaraa oo ay heegan ugu jirto oo marna taabaneyso marna dhunkaneysaa, mar eegeysa mar kale ka jeesaneysa, isagu isma oga wuxuu u heystaa in uu albaabkii dhaafay, ma dhaafin ee tiirka albaabka ayuu heystaa oo ku qallafay sida uu u fiirinaayay xaaskiisa iyo wiilkiisa xaalada ay ku sugan yihiin.

Duruufahu kala adag,kala xun kalana dhib iyo culeys badan waxaa soo korodhay xaalad ka culus tii kale oo tii hore u noqoto mid wax kama soo qaad ah. Waa arroor hore, aabahii waa u shaqo tagey markii waagu dilaacey. Muddo marka uu sii maqnaa aabihii waxaa qolkii soo galay dhakhaatiir tii maalmaha la socotey xaalada wiilka yar. Iswaraysi iyo bariidin kadib, waxay u sheegeen hooyadda wiilkan in loo baahan yahay wiilka yar aabahii si deg deg ahna ugu yeedho.

Soo dhacida telefoonka gacanta wuu ka naxaa, markasta oo uu so dhaco waxa u sawiranta war xun iyo waxbaa wiilkagi kusoo kordhey. Waa barqo goor cadceedu ad u kulushahay, wuxuu riixaya raashin iyo bagaash kale, waxa daba socota gabadhii lahayd alaabta uu sido oo kolba hadal kaso daba tuureysa, ma oga mana maqlaayo telefanka dhacaya, mudoo kadib ku nax codka iyo yeedhmada telefanka intaanu qaban waxa uu ka naxay magaca telefanka ku qoran oo ah magaca xaaskiisa, markiiba waxa u sawirantay xaalad adag waayo ooridiisu maaso wacdo, waxay inta badan ka ilaalisa in uu welwelo oo uu niyad jab iyo murugo ku shaqeeyo, waxa u caado ah marka arrin muhiim jiro maahaane markale masoo wacdo.

Salaan kadib, dhakhaatiirtii baa kuu baahan waliba si degdega ah, naxdin iyo u qaadan waa ah ayaa qabsaday, ma eegin alaabtuu sidey, ma eegin gabadhii daba socotey, ma eegin hantidiisi ma eegin meesha uu joogo iyo masaafada uu u jiro dhakhtarku, hadana muddo nususaac ka yar buu ku yimi.

Doon doon dheer kadib wuxu helay dhakhaatiirtii, salaan kadib waxay u sheegeen in uu is dejiyo, deganaan halkey usoo martaa, maqalka dhakhtarkiiba kuu yeedhay ayuu saskiisi wali ku jiraa, waxay u sheegeen dhakhaatiirtii in xaalada wiilkiisa aan wadanka waxba lagaga qaban karin.

Naxdin maaha waa wax naxdin ka wayn, murugo maaha waa murugo oo dhan, mugdi maaha waa silic adoo taagan lagu mariyay ciil weynaa.Waxay u sheegeen dhakhaatiirtu in uu si degdeg ah u geeyo wadanka dibadiisa, mase oga xaalada qoyska, ma oga xaalada aabaha.Aabahani waxa uu kordhiyay cibaadadii SWT, wuxuu kordhiyay salaadii, iyo ducadii wuxuu ku daray soon.

Waxa kasoo wareegay hal toddobaad walina ma hayo wax arrin ah adduuna hadlkiisaba daa, hase ahaate kama quusan alle SWT. Waa Khamiis habeen jumce soo galaayo, waxa uu salaadi cashaa’i ku tukadey masjid ku yaala suuqa, ma oga salaada aqiimkeedu socda, meesha uu joogaa waa masjidka dhexdiisa, salaadi waa la galay, qur’aankii ba socda wali ma oga isaga waa u duco, maanta waxay u ahayd soon, afur wanagsan ma helin wax aan biyo ahayn.

Waxaa masjidka soo galay nin dheer, xoogan oo gadh weyn leh, waxaa ka muuqata heyb Alle SWT siiyay, kama muuqdo adduun iyo xoolo kale. Waxaa uu arkey ninkan meesha fadhiya ee foorara salaadiina lagu jiro, waxa uu u dhaqaaqay xagiisa, dhaqaaqa waxa la socda suul dhabaale, iyo cod hoose oo odhanaya “addeerow salaada kacoo gal waa sidee, maxaat la maqan tahay’’ waxaad moodaa in magli dhinaca lagaga dhuftey sida uu u boodey, dhinacna isagoon eegin ayuu orod  ku galay jamaacadii. Waxa ninkii la yaabey mushkilada weyn ee ninkan heysata, isagu wali salaadi ma galin wuxuu wali eegayaa ninkii, wuxuu is weydiinaya ninka hurdo kumuu jirin, manuu soo jeedin waxa dhibaya tolow waa maxay…!!!???

Salaadii laga bax, duco iyo khudbad is xasuusin ah oo aan dheerayn kadib, ninkii ma kacin wuxuu kolna yara qooraansanayaa aabahii dhibaateysnaa, mudo kadib markii masjidkii firaqqoobey ninkina aanu wali tagin ayuu u tagey aabahii, salaan kadib wuxuu isku dayay in uu waraysto waxa ku dhacey ninkan ee xaaladan galiyay, aabahani hadal ma karo, afkana ma qabsan karo, markuu uu hadlaba ilmo ayaa indhaha soo buuxsameeysa, haddana inta hareeraha eego marna kor yara eego ayuu hadalkii sii wadayaa, haddana sidii si leeg, sheekadiisa waxa ka xun darxumada iyo daalka  ooagadiisa ka muuqda, ninkii warka guraayay isma oga, wuu la murugoodey.

Markii aabahii u waramay ninkii, warsi dhinac walba leh, ayuu ninkii ku ka dalbaday in ay is raacaan, wiilkiina soo wada eegaan, waxa custibaalkii loogu tagay xaaskii iyo wiilkii oo isku dul gam ay, cidna kalena aanay la joogin, maanta cunto waxa uu keenay bukaanka jaarka la ah wiilkan yar.

Ninkii waa uu u adkeysan waayay xaalada qoyka, wuxuu uga damqaday si aad moodo in uu qoyskiisi yahay, waa is celin waayay, deg inta uu uga baxay qokii ayuu u yeedhay aabahii waxaana uu sheegaay in berri barqada uu ugu yimaado meel heblaayo, Ninkani waaa maal qabeen, adduun iyo aakhiraba ku dadaala waxay isku gole yihiin tiroo maal qabeeno ah oo faciisa ah oo cibaado badan dadkuna aanay dadka ka  dhex aqoon in ay yahiin hantiiley adduunyo ku dhan tahay.

Waxa uu si degdega ugu tagay nimankii ay golle wadaagta ahaayeen, isagoo leh bushaaro…bshaaaro…. La yaab !! waxa la yaab noqotay wajiga ninka waxa ka muuqata xaalad adag haddana bushaaro ayuu sheegaya.

Bilkheyr xaaji, maxaa inoo soo kordhey waxa uu si deg deg ah ugu jawaabay ninkii aakhiro wax sii dhiganayoow inta subaxa kaaga hadhay iga ogoloow arinkan kuu sheego. Aakhiro in wax la dhigto cidna ma diideyso, waase loo kala dheerayn og yahay, dhamaan waa ay wada aqbaleen. Wuxuu uga waramay xaaladii uu caawa soo arkey, iyo arinka uu kaga yimi ninkaas.

Dhamaan way wada is taageen, nin kasta wax buu isku qoray, waxaase ninkii xaalada soo arkey laga dhaqaajin waayay oo uu diidey in lala qaybsado daawada ilmaha yar iyo kharashkeeda, dhoofintiisa iyo soo celintiisa intaba isaga madaxa saartey.

Nimankii kale waxay u arkeen in uu isagu kheyrkiiba wada qaatey, waxay se ku fikireen meel kale, waxay ballan qaadeen kaabida qoyska iyo dejinta hanti uu qoysku yeesho iyo shaqaalaynsiinta aabaha wiilkan. Sidii bey noqetey iyo waa inoo berri haddi eebe idmo. Aabahii ma kalahin maalmo, mana shaqo tagin, sababtoo ah wax hanti ah wuxuu kalahaa kaaryoon, kiina faro kuma hayo, wiilkiisa ayuu habeenki ag fadhiya.

Waxaa gaadhey balantii, aabbahani se niyada kama jecla in uu ka tago wiilkiisa oo xaaladan ku jira. Hase ahaatee, cagajiid iyo hiif bu ku tagey goobtii ballanku ahaa. Layaabka, waxaaba kaso horeeyay ninkii xalay ay kulmeen oo gaadhi hortiisa taagan! Salaan kadib soo raac gaadhigan, waxaaba gaadhiga saaran koox kale oo ilaa afar ah!

Waxa looga waramay arrinkii ay soo gaadheen xalay, waxaana loogu bushaareeyay in wiilkiisa uu xaaji hebel qaadi doono isna uu raaci doono; niman kalena ay hanti magaalada idiinka sameynayaan, shaqana lagaa siiyey bakhaarada xaajigan kugu xiga. Farxad maaha, waa ay ka weyn tahay farxad! Cirka intaa uu eegay ayuu Eebow waa mahadda ku cel celiyey, haddana dhinaca ayuu eegay kolba nin ayuu dhunkadey – maa eegi karo ilmo daraadeed, ma hadli karo oo farxad baa aamusiisey, meel uu joogo wuu garan waayay.

Maalmo kadib, waxa wiilkii loo qaaday wadanka India.Muddo bil ah kadib waxa soo noqdey wiilkii oo caafimaad qaba iyo aabahii iyo ninkii kale ee arinta kharashkeeda qabay. Waxa uu kusoo noqdey ooridiisi oo guri fiican gashay, mood iyo noolba aanu ka maqneen,; markii loo kala tagey isaga iyo qoyskii, waraysi dheer iyo mahadnaq eebe ayaa habeenkii o dhan lagu jirey, maalintaa uu yimi aabahu maalinteeda waxa la sugaya shaqadii la siiyay.

Qoyskii badhaadhe, bash bash iyo iyo barwaaqo ayuu Alle SWT Ku dambeysiiyey.

Ugu dambayntii, wuxuu kula dardaarmay wiilkiisi hees uu lahaa (AHUN) Cismaan Askari isagoo erayada qaar ku bedelay kuwii shaqo maalmeedkiisa ahaa

Ducaysane wiilkayow

Anoo da’ yar baan ku dhalay

Dabeed waxan galay xamaal

Anigoon weli taajiriniyo

Xoogsi baan kugu soo korshee

Damane yaan lagugu xaman

Dulqaad weligaa lahaw

Adiyo inta kula facaaba

Waxaan dun uga dhigayaa

Waxaan danta guud ahayn

Duceysane kuguma ogi

Qalinkii Mohamed Shucayb Ahmed (Marty Mohamed)

FG: sheekadani waa mid mala awaala oo aan isku dayay inaan abuuro waxana igu dhaliyey dareenka iyo xaladaha ay la kulmaan danyartu markay ku jiraan marxaladaha cafimaad darro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here