Maxaa Khaldan? WQ: Nada Yuusuf Cumar

0
214

Fadlan walaal haddii ay farriintani ku qanciso, ila faafi, adna fuli.

Ma jiro qoys aanay taaban abaartu, hanoqoto ehelkaaga dhadhaw ama ehelkaaga fog, waxa hubaal ah in ay si uun kuu taabatay, muruq, maal iyo maskax intii aad awooddaba waad la wadaagtay. Haddii aad lacag haysay waxa suro gal ah in aad wax uun ka bixisay, haddii aad muruq haysayna in aad xooggaga ugu soo ururisay qaadhan, haddii kalena maskaxdaada ayaad fikrado ku curisay aad ugu adeegto dadka abaarahu saameeyeen, amaba waad la murugootay walaalahaaga abaaraysan.

Waxa marag ma doon ah in abaartan Allaha inna abuuray uu keenay oo uu innaga innagu imtixaamaayo, sababta abaartana innaga ayaa leh oo taa shaki kuma jiro. Dharaar walba waxa aynnu ka fikiraynaa dhaqaale xaggee ka doonna, xaggee cunno ka keenna iyo sidee walaalaheen u badbaadinnaa. Waxa aan tukanaynaa roob-doon, iyada oo meelkasta laga tukaday, intaaba innaga oo wadna abaartu waa sideedii iyada oo waliba marwalba ka sii daraysa oo aan ka soo rayn lahayn ,sidaa awgeeg, Haddaba soo in aynnu is waydiinno maaha, maxaa khaldan?, sababta abaarta keentay waa maxay?, xaggee wax ka khaldan yihiin, kadibna aan is waydiinno maxaa xal ah?

Ugu horrayn aniga ayaa s’uaashan is waydiiyay, waxana ii muuqatay in waxa innaga khaldan ay yihiin.

1. Waxa aynnu caasinay Alle, oo waxa ay nnu kufrinay nimcooyinkii uu inna siiyay, tusaale ahaan, Reer badiyiha marka uu Alle roob ushubo xoolo siiyo ee uu barwaaqo ka dhigo, waxa ay odhanayaan “hay’adda aya noo qodday barkad, hayadda ayaa na siisay xoolaha iyo ha’ayda.” Marka ay xoolaha siidaynayaan subxii waxa ay odhanayaa xeradood ba’day oo looma baahdooyin, marka ay soo xaraynayaanna waa Xaradood ba’day”

2. Waxa magaalooyinkeenna ka socda daanwalba danbiyada Alle laga galaayo kuwo yar yar iyo kuwo waawaynba, waxa aynnu xalaashannay wixii uu Alle xarrimay, waxa aynnu ka fogaannay wixii uu inna yidhi sameeya. Sinada, Kufsiga, Dilka Musuqmaasuqa, Tuuganimada, Ribada, iyo danbiyo kale oo umado innaga horreeyay lagu halaagay waxa ay noqdeen kuwo xaggeena ka fudud maanta.

3. Waxa innagu batay calool kusidka, waxa innagu yaraaday cafiska iyo isa saamaxa, qofba qof ayuu ku maqan yahay, qofba qof ayuu shirqool u dhigayaa, qofba qof ayuu xumaantiisa faafinayaa.

4. Dulmi, dhulgariir, buuq iyo dhakafaar badan oo ka jira qoysaskii muslimka ahaa ee la rabay in ay Alle caabudan oo ay salaatulaylka iyo ducada badiyaan kol haddii ay noloshoodi dhammays noqotay.

5. Aaminaddii iyo kalsoonidi ayaa luntay, muslimiinta waxa lagu yaqaanay aminad iyo daacad, haddana dadkii musllimka ahaa ayaa kala shakisan, qof walilba qofka kale uu ka baqayaa, kalsooni iyo aaminadna kuma ag qabo.

Xalka muxuu yahay?
Xalku waxa uu iila muuqda.

1. In aan Alle u noqonno oo toobad kenno, walaalkayga soomaliga ah ee qoralkan akhrinaayoow, walaal Alle u toobad keen waxa laga yaaba in danbi aad adiga gashay walaalaha lagu halaagaayo.

2. In aan ku mahadnaqno nimcooyinka Alle inna siiyay, “Haddii aad mahadnaqdaan waan idin siyaadin, haddii aad kufridaanna cadaabkayga waa daran yahay” Surah Ibrahim.

3. In la is cafiyo, qofwaloowba qofka aad caloosha ku hayso ama hakaa khaldanado ama aad khaldanaatide cafi, xasuusnoow xadiiskii Rasuulka SCW Saxabi ayaa saddex maalmood soo galay masjidka kadibna rasuulku maalin walba waxa uu lahaa waxa soo galaaya nin ehelu janno ah, ugu danbayn markii ladaba galay waxa la ogaaday nin kaasi waxa uu jannada ku galay in ay tahay niyad wanaag, waxa uu yidhi “ma seexdo aniga oo qof caloosha ku haya mana soo tooso.”

4. In aan faraha kala baxno danbiyada aan ku jirno, ee aan hore usoo sheegay ee ah kuwa keenaya abaaraha, omoska iyo halaaga, gaajada iyo saxariirka dadkeena haysta.

5. Ugu danbayn in aan Alle barinno, si niyad ahna in aan Alle u waydiisanno in uu inna caawiyo oo uu innaga saaro dhibaatada iyo diihaalka inna haysta.

Guntii iyo gabagabadii waxa aan naftayda iyo nafihiinnaba leeyahay aan maskaxada ku haynno oo macne wayn ha innala yeesho hadalka Alle “Ilaahay qoomna ma badalo ilaa ay iyagu ay nafahooda badalaan” Surah Yunis

Haddii aynaan xumaanta faraha kala bixin Allena si saxa u caabudin waxa inna haysta wax kadaran ayaa inna soo abbari. Walaal

Allaa waynoo waaxida
Isaga wakiil ah oo dunida maamula
Isaga wixi aan ka barinaba
Innoo waayahaynoo
Wax walba haye ahe
Aloow naga saar walbahaarka
Abaaraha iyo walalwkan dusheenna saaran

Nada Yuusuf Cumar
Umuayuub2011@homtail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here