Ma nooli, manaan dhiman! WQ: Muna Axmed Cumar

0
340

 

Waxa aan isku dayay in aan indhaha kala qaado waanse kari waayay. Awood darrida ii saamixi wayday indho kala qaadkayga marka laga yimaaddo, waxa dhacaysay siigo iyo dabayl taas oo sababtay in xitaa haddii aan indhaha kala qaado aan waxba arki kari waayo. Gacantayda midig oo aan madaxayga uga dhigay ciidda ayaan soo qaaday isla markaana indhaha ku marmaray. Inta aan haddana gacantii jiqilsaday ayaan soo sare fadhiistay. Indhihii ayaan mar labaad marmartay kadibna woxoogay yar kala qaaday. Waxa aan sheed ka arkay wax igu soo socda.

Maan garanayn waxaasi waxa uu yahay maadaama uu iga fogaa. Indhaha ayaan yaryareeyay si aan bal u arko waxaas. Waxaan u holladay in aan kaco saan xasuustay in aan bilaa garbasaar ahay. Hareerahayga ayaan ka eegeegay garbasaartii aan huwanaa markii u danbaysay waan se arki waayay. Waxa aan gashanahay dirac kali ah iyo masar madaxa iigu duuban. Laba kabood oo aan xidhnaa markii aan geedkan ku soo hoos dhacay maanta duhurkiina mid ayaan waayay. Aniga oo sidii qof lugi xanuunayso dhutinaya ayaan geedkii ka hoos dhaqaaqay una dhaqaaqay dhinicii bidhaantu iiga muuqatay.

Waxa aan sii agmaray xeradii xoolaha oo neefkii ugu danbeeyay ee saaka bakhtiyay oo kali ahi dhex yaalo. Qolfoofka xoolaha intoodii kale ayaa iiga muuqda xerada hareeraheeda. Aabbahay dorraad markii uu naga socdaalay saddex ayay ahaayeen neefafka uu xerada kaga tagay. ‘Haddaad wax kale waydaan mid sii qasha oo cuna’, ayuu ahaa hadalkii u danbeeyay ee uu na yidhi aniga iyo hooyo oo afaafka guriga taagan. Tegiddiisu warwar iyo rajaba way nagu haysay. Waxa aanu ka warwarsanayn xaaladda aanu ku suganahay ee uu nagaga tagayo, dhinaca kalena waxaanu ka rajo qabnay in uu wax aanu baad iyo biyo ka dhigano noo keeni doono. Aniga iyo hooyo iyo labadayada ubad ah muddo afar cisho ah waxba afka maanu saarin. Ceelkii ugu danbeeyay ee biyaha laga soo dhaansan jiray toddobaad ka hor ayuu gudhay isaga oo marka horeba masaafo badan aanu u lugayn jirnay. Xoolahayaga oo ku dhawaa kontameeyo siday u kala itaal darnaayeen ayay u kala bakhtiyeen.

Duhurkii maanta ayaan geedkan aan hadda ka hoos kacay ku soo kala dhacay. Ma garanayo meel aan ku socdo balse waxa aan hubaa uun in aan raadinayo wax aan cuno xaafadayadiina u geeyo. ‘Hooyo orod waddada istaag oo cid wax la cuno sida inoo eegeeg’ ayay hooyo igu soo amartay markii aan albaabka ka soo baxayay. Cadceeda oo kululayd iyo haraad ba’an markuu I qabtay ayaan geedkan hadhkiisa miciinsaday. Wax aan soo luudaba wixii ii bidhaamay baan soo gaadhay. Waa gaadhi ay saaran yihiin laba nin. Markii ay I arkeen mid ka mid ah ayaa degdeg u soo degay kadib wax biyo ku jiraan ii dhiibay. Biyihii ayaan si ba’an u qudhqudhiyay. Markaan harraad baxay ayaan intii hadhay soo qaaday isla markaana u soo orday dhinicii aqalkayagu iga xigay.

Marka aan gurigii soo gaadhay ayaan u dhawaaqay hooyo: ‘Hooyo…hooyo…hoooyo’ balse juuq iyo jabaq mid toona waan maqli waayay. Gudaha aqalsoomaaliga dhinaca ka haylhaylmay ayaan degdeg u galay mise ma joogto. Iyada iyo labadayadii carruur ahaa midna ma joogaan. Oohin ayaan miciinsaday!

Dhawr sanno oo aan qaangaadh ahaa waan u soo joogay abaarta sannad kasta ka dhacda deegaankayaga balse tani maaha mid aan waligay hore u arkay. Maanta ma garanayo meel aabbahay iyo hooyaday jiraan. Geeri iyo nolol mid ay ku suganyihiin!

Muna Axmed Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here