Huda Waan Ka Baqayaa ! WQ: Ismaaciil Cabdi Ubax

0
415

Qorshuhu waxa uu ahaa in aanan ku raagin Addis Abeba. Tii Alle ayaanan xisaabtaba ku darsan. Deegaan ayaan noqday. Soomaalidii Booli ay hoyga u ahayd ayaan ka mid noqday. Subixii ayaan guriga ka soo baxaa, cagtu jid ay baratay ayaan soo mariyaa. Makhaayaddii Burcaan Ka Imid iyo tii kale ee Waa Yeelkadaa ayaan u dhaxayn jirey. Sidaas ayaan ahaa illaa ay cadceeddu dhanka galbeed ka soo jeedsanayso. Markaas ayaan xiisad Ingiriisi ah iyo mid Xisaab ah tegi jirey. Halkaas ayaan kula kulmay Huda.

Dhererka ugu quruxda badan ee haweenka bal qiyaas. Haa, kaas ayay lahayd. Weji aanan gabadh hore ku arag ayaa u gaar ahaa. Waxaad moodaysay in ay ka soo adeegatay Suuqa Quruxda. Sidii aan filayey, si ka fudud ayaannu isku barannay. Aqoon kale ma jirto, keli ah mid ardaynimo. Maalin kasta, marka aan soo galo fasalka, indhaha ayaan ku baadhi jirey. Marka aan arko ayuu naqas iga soo boodi jirey, deedna agteeda fadhiisan jirey. Maalinta aan waayo ayaan dadka weydiin jirey. Kolley waxay is lahaayeen waxay doonaan. Maan danaynayn. Sidaas oo kale, marka aan ka soo horreeyo, agtayda ayay soo fadhiisan jirtay. Kaftankeedii, alla yaa Allaah, kaftankeedii. Dabeecad iyo muuqaal is leh ayay wadatay. Cagaha ayay dhulka iiga qaadday. Marka ay xiisaddu dhammaato, waan la soo lugayn jirey. Luuqii labada makhaayadood u dhexeeyey ayaan la soo mari jirey, anigoo korkayga laga arko sidaan u faraxsanahay. Show rag badan ayaa Huda korka ka eegta. Laba ka mid ah ayaa si gaar ah ii la socda. Waxaas waan ka indho la’ ahay. Maalin dambe ayaan ogaaday in sababta ay labadan nin ii la colloobeen ay tahay in aan la socdo gabadh ay dusha ka qabaan. Waa yeelkadood, Huda anaa haysta. Xaafadda dhanna waa laga og yahay. Hal dhib ayaa se jirta, Huda waan ka baqayaa. Hadda baqdin caadi ah. Wadnuhuun baa i dhacaya marka aan hor joogsado, waxna u ma sheegi karo. Dhowr jeer ayaan is idhi dareenkaaga u gudbi, wallay ka tahay. Markaa aan arko ayuun baan hashkadaynayaa.

Maalintii jacaylka adduunka, sannadkii 2008-dii. Waa habeenkii iigu horreysay ee aan pizza cuno. In aan meel geynayo ayaannu ku heshiinnay. Way i soo wacday. Waxa ay ii sheegtay in aan soo xidho surwaal iyo koodh jiinis ah. Iyada ayaa xaggaa lebbiska ii qaabbilsan. Haye, ayaan ku idhi. Waan iska idhi, waayo maba lihi dharkaas. Bal haddaba, saacado gudahood ku keen dharkii la ii diray. Miyaan soo xadaa? Nin dhallinyar ah oo aan shaqayn ayaan ahay, jeebkaygu waa iska nacas. Waxa aan go’aansaday in aan dharka aan haysto uun xidho. Taas waan xalliyey, sidaan is leeyahay, mid baa se dhiman. Kharashkii aan caawa meesha ku geyn lahaaba ma hayo. Hal riyaal ma hayo. Allahayow faramadhnaantu jacayl u daranaa! Nin aannu saaxiib nahay oo dukaan haysta ayaan u tegay. Waan u sheegay. Wax kale ayaan ka filayey.

“Wallaahi! Waar ma Hudaad kaxaynaysaa caawa? Hoo, hoo, anaa ku amaahinayee hoo.”

130 Bir ayuu ii soo dhiibay. Aniga oo jeebadda ku ilaalinaya ayaan la kulmay Huda. Markiiba way i weydiisay. In aan soo illoobay ayaan u sheegay. Ma lihi dharkaas, ayaan ku odhan kari waayey. Waxaan se fahmay sababta ay sidaas ii lahayd. Aroos qof tegaya sidiisii ayay u soo lebbisatay. Quruxda Eebbe marka loo geeyo ta aadame, waa isasaar. Nin jeebadda kharash ku haya ayaan ahay illeyne, tagsi ayaan degdeg u saaray. Inta uu baabuurku socdo, kolba waannu is eegaynaa, deedna qoslaynaa. Waxba is ma nidhaahno, haddana ma kala aamusnin. Joogsiga baabuurka ayaannu ku war helnay. Waa suuqa Biyaasa. Si xarrago leh ayaannu xagga sare ugu hagaagnay, fadhiisannay. Cuntadaba show waraaqo ayaa laga eegayaa. Isha ayaan sidaa u mariyey qiimaha. Iimaanku idin ka soo dhac! Wuxu qaalisanaa. Xabbad pizza ah oo weyn ayay ishaydu ku dhacday, 80 Bir ayaa ku hor qoran. Tii ayaan ku qanciyey.

Waa madal nalku u gaabsan yahay, aniga iyo boqoraddii Huda oo caawa la moodo in ay jannada ka soo xagaa baxday. Wax hal mitir ka yar ayaan u jiraa, hortayda ayay soo fadhidaa. Miiska ay cuntadu saaran tahay ayaa noo dhexeeya, kaasina ii ma muuqdo. Waa markii aan khalkhali jirey. Markii aan kolba dhan eegi jirey. Wax aan ku idhaa oo dareenkayga dhabta ah ka turjumaya markii aan awoodi waayey, ayaan xiisaddii Ingiriisida dib ugu noqday. Habka weedha loo dhiso ayaan muddo u sharxayey, dhaandhaan. Waan arkayey in ay wax kale sugayso. Qof sabir leh ayay ahayd, Hudi qof naxariis leh ayay ahayd. Way i sugtay. Markii dambe ayay igu soo tuurtay.

“Haye, caawa maxaad war haysaa? Maxaad ii sheegi lahayd?”

Kun wax. Kun wax ayaan kuu sheegi lahaa. In aan kaa baqo marka aan ku arko ayaan kuu sheegi lahaa. In aan qof kale noqdo marka aad iga ag dhow dahay, ayaan kuu sheegi lahaa. Wax kasta oo aad tidhaahdaba in aan kugu raaco, ayaan kuu sheegi lahaa. Naftayda waad iiga dhow dahay, adiga ayay iga kaa jeceshahay. Indhahaygu wax aan adiga ahayn ma rabaan in ay arkaan. Intaas iyo in aan adiga uun kaa fikiro ayaan kuu sheegi lahaa. Waan kuu sheegi lahaa, laakiin ma awoodo. Ma hadli karo marka aan ku arko.

Weli jawaab ayay iga sugaysaa. Jawaab aanan odhan doonin ayay dhowraysaa. Qof weyn oo ku soo eegaya, sideed ugu odhan kartaa “waan ku jecelahay?” Xisaab iyo aljabra ayaan u bilaabay. Wax kale ma odhan karo. Indhaheeda marka aan eego ayuu laydh igu dhegayaa, deedna ka foorarsanayaa, haddana waan ku noqonayaa. Garabkeeda bidix ayay shalmaddu hoos uga dhacday. Indhaha ayaa markiiba xaggaa u yaacay. Sawir aan illaa maanta madaxa ku hayo ayay ka qaadeen. Caweys aanan jeclayn in uu dhammaado ayaannu badhtanka kaga jirnay. Daruuraha ayaan dhex dawaafayey. Qasab ayay noqotay in la hoydo. Qasab ayay noqotay in aanan waxba u sheegin. Go’aan ayaan qaatay. In aan waco marka aan guriga tago, telefoonkana aan uga sheego. Kaadh ayaan iibsaday, waan wacay. Telefoonkeediiba way xidhay.

Dhowr cisho ayaan waayey. Hudi way cadhootay. Wixii ay sugaysay ayay iga weyday. Waan ku nacasoobay. Sidaydii ayaan yara waashay markii aan araggeeda waayey. Maalintii ayaa dhowr maalmood i la noqotay. Dhowrkii maalmoodna waxa ku dhex jirtay maalin la i iga la soo hadlay Jigjiga. Waa hooyo, abtiyo ayaa xanuunsanaya. Waa in aan degdeg u baxo. Maan arag Huda, sidaas ayaan ku baxay. Sannad ayaan maqnaa.

Xaafaddii Booli oo ay wax badan iska beddeleen ayaan kula soo noqday dareenkaygii oo sidiisii ah. Go’aan ayaan ku gaadhay in aan Huda soo helo, marka aan arkana aan u sheego wax kasta oo i haya. Luuqyadii aan ku aqaannay ayaan meeraystay. Waan waayey. Gabadhii dheerba waan daba ordaa, mid kale ayay igu noqotaa. Kii dukaanka ayaan weydiiyey. In aanu beryahaaba arag ayuu ii sheegay. Mid baa igu yidhi Sweden ayay tagtay. Niyadjab ayaan maqaaxi la fadhiistay. Koob shaah ah ayaan jiidayey markii ay ishaydu ku dhacday dhowr haween ah oo wadaaddo ah. Niqaam may xidhnayn markaas. Midda u sokeysa ee i soo eegaysa, waa lafteedii. Xubnaha ayaa i bakhtiyey, waan nuuxsan waayey. Iyada oo weli i eegaysa ayay i dhaaftay. Waan kacay, sii eegay. Way joogsatay, dumarkiina ka hadhay. Way igu soo noqotay. Wax badan ayaa iska beddelay, balse ma saxayo. Quruxdeedii waa sidii uun, balse qof aan garanayo u ma eka. Si fiican ayay ii bariidisay, si kalgacayl ka muuqdo, taxaddirkuna ku badan yahay, ayaannu u wada hadalnay. Aniga oo aan waxba fahmin ayaannu kala dhaqaaqnay. Wax baa si ah. Iyada ma weydiin karo, laakiin qofka iiga jawaabaya waan garanayaa. Liibaan oo aannu isku fasal ahayn ayaan raadiyey, waan helay, waanu ii sheegay.

Markii aan tegayba, Hudi way joojisay in ay timaaddo fasalkii. In yar ka dib waxa ay bilowday madarasad ay Quraanka ka dhigan jirtay. Halkaas ayay si joogto ah u tegi jirtay, illaa ay si rasmi ah u degtay. Macallinkeedii ayaa guursaday. Xanuun kululaa! Huda nin kale ayaa qaba, anna Booli dhexdeeda ayuu dhulku igu la wareegay.

W/Q: Ismaaciil C Ubax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here