Buurta Daalo iyo Maguuraanka Arraweelo

0
286

Taariikhdu waa inoo musbaax, maanka caawima’e
Adoo male gudaayaad yaqiin, marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan, meelba waxa yaal! – Xaaji Aadan Afqallooc AHN.

Daalo waa deegaan kulansaday dareenno isa sidkan, xambaarsanna nayaayiroonyin iyo rejooyin riyaaq gelinaya qalbigaaga, kuna abuuraya farxad, kalgacayl iyo xasillooni, maankaagana ku culaya kuna carinaya hummaagyo iyo himilooyin sarreeya. Booqashadaada Daalo waxaa hubaal ah in ay ishaadu ku nasanayso muuqaallada bilicsan ee ilqabatinka leh; sida ubaxyada jaad-gooniga ah ee bilic iyo midab ahaanba bilan, kaynta cafwan ee koobsatay dhirta isku dhafan ee qaarkood dhumucda iyo dhererka loo dhammeeyey, qaarna kugu dherersanayaan joogga. Halka qaybna tahay curdin cagaaran oo ku naaloonaya carrada san ee nurka iyo saacuna ku weheliyo .
Haddaad u fidiso indhaha buuraha mugga iyo miisaanka ku fadhiya, xambaarsanna kaymo dhir ah oo bilicdooda buuraha lagu dul bilbilay, laguna nashqadeeyey midabbada casuuska, caddaanka, cardiifka, iyo madowga isugu jira, ee kala sarraynta joog iyo farshaxannimada Alle ku unkay, kulaalayana oo dhabarka ku haya xeebaha xadaaraduhu innooga soo unkameen. Hadaad isha hore uga sii laliso layaabka ku duugan buuraha, waxa ishaadu hilaad fog ka beegsanaysaa hirarka badda ee is herdiyaya ee ku beegan magaalo-xeebeedda Maydh, waxana sidoo kale si qumaanti ah ishaadu u qabanaysaa jasiiradda Rabshiga ee hoyga u ah shimbiraha u kala goosha qaaradaha.

Daalo waxay joogga sare dhacdaa 4000 oo fuudh in ka badan oo ay ka sareeysaa badda. Daruuraha waad ka sarraysanaysaa xilli-roobaadka, waxa aad arkaysaa daruuraha heehaabaya ee kaa hooseeya kuna teedsan laagga dheer ee Tabca, daruurahaas oo ku dhibcaya dhulka hoose ee cagaarka xamashku cimidha ku yahay loona yaqaan Casha’.

Daalo waxay dhacdaa duleedka magaalamadaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, bu’da ama badhtamaha dhulka loo yaqaan Dhulka-Udugga. Dhab ahaantiina, uduga kaaga imanaya kayntan isku cufan, dhedada roobka, sayaxa dhulka ka soo baxaya ayaa intuba kugu saaqayaan caraf udgoon oo aad sanka la sii raacaysid. Waa sababta ay u tahay bu’da dhulka Udugga! Haddaad habeen ku caanamaasho barada Daalo, intaan shaacu damin qoraxduna godka cidhifka la gelin, waxa aad arkaysaa shimbiraha kala jaadka ah ee ku soo hoyanaya dhirta dhaadheer ee ay waaberigii qaarkood ka jarmaadeen. Sawaxanka ay samaynayaan ayaad jecalaanaysaa in aad dhegta u raariciso oo aad ku raaxaysanaysaa intaadan ku dheelman barada aad cawayskaaga ku qaadananaysid. Daalo iyo nawaaxigeeda waxa caado ka ah in cawayskii la shito fooxa laga soo gurtay maydiga ama moxorka si loogu carafsado aqallada iyo in nawadka dhedada laga shito.

Joogga sare ee ay dhacdo Daalo awgeed, habeenkii waxaad hiraal fog si waaddix ah ugu arkaysaa xiddigaha kala geddisan (sida marka laxuhu dhacaan), godadka dayaxu galo ee laga hilaadiyo kaltirsigeena ee ku dhisan malluugta iyo cilmifelega ayna ka dhashaan xilliyada gu’ga, dayrta, xagaaga iyo jiilaalka. Hadaad wakhti la qaadato dadyawga ku nool dhulkan jooggiisu sarreeyo, waxa aad dhaadaysaa qaabdhismeedkooda dhuubnaanta xiga, cimrigooda dherer iyo caafimaadka ka muuqda. Haddaad is weydiiso sirta ku duugan, sida cilmibaadhisyo la sameeyey lagu xaqiijiyey, dhulka joogga sare waxa laga helaa ogsajiin hooseysa, hawaduna waa ku khafiif, taas oo sababta in xanuunnada ku dhaca wadnanaha iyo xusuustuba yaraadaan, isla markaana cimriga dadka aaggaas ku nooli dheeraado. Waa dhulka lagu tababaro orodyahannada ku tartama oraddada dheer.

Daalo ma aha goob koobsatay bey’ad qurxoon oo qudha, balse waa deegaan xarun u ahaan jirtay hawaynaydii caanka ahayd ee Arraweelo iyo boqortooyadeedi idlaatay. Dabcan haddaad gabadh tahay, waa goob qab-sare iyo hanweyni kugu abuuraysa, ku dhiirigelinaysa kuguna dhalinaysa sida daa’uuska in aad u tallaabsato intaad ku dhex gooshayso boqortooyadii gabbalsatay ee Arraweelo. Sida caadada u ah dumarkana waxa adna kugu dhalan doonta inaad ubaxyo iyo caleemo qoyan si qiiro ku jirto ugu daadiso maguuraanka Arraweelo. In aad dareen ahaan kacsanaato waa wax la filan karo, maankaagana ay ku hirdamaan isdiiddooyinka wakhtiga, waayaha is beddelay iyo sida cabqariyaddii garaadka sare iyo garashada casrigeedi ugu xukumi jirtay ina rag ay iminka maguuraankeedii u noqotay goob raggu dhagax ku arjimo markuu ag marayoba. Laga yaabee inay kugu soo dhacdo in ay goobtani mudnayd in laga dhiso qasri iyo madxaf lagu ciseeyo Arraweelo oo deegaantan udugga iyo qurxda leh weheshata.

Walow la sheego Arraweelo in ay lahayd garaad sare, isla jeerkaana ay masalooyin kakan ku jirrabi jirtay ragga ku xeearan oo halka ka furfuri kari waayaanna ay dhufaani jirtay, waxaa jiray oday xeelad kasta oo ay Arraweelo la timaaddo furi jiray, taas oo weji-gabax ku ahayd Arraweelo. Dabcan marka raggu soo booqdaan Daalo, waxa ay is weydiiyaan tolow Odaybiiqayna armuu kayntan ku dhuuman jiray. Dabcan waa xujo noo xidhan!

Si kasta oo ay tagtada togani saamayn taban ugu yeelato timaaddada, waxaa qiraal lagu yahay in Arraweelo summad u ahayd garashada sare, hal-adayga, han-weynida iyo geesinnimada taas oo hableheennu ku astaysan yihiin. Dabcan ku dar is-adkaynta u dheer oo ay ku baadisoocaan taladii Arraweeelo.

Daalo, marka laga yimaado taariikhda faca wayn iyo muuqaalka deegaan ee indha-sarcaadka leh, ishuna u bogto ku ilwaadsigeeda, waxa kale oo Alle ku mannaystay nimcooyin kala jaad ah. Waana goob qalbiyada dadka badankooda ku xardhan, mid arkay iyo midaan aragba. Ka aan arkinna ku naaloodo inuu mar uun ka soo bogto. Waxa inta badan lagu xusaa suugaanta iyada oo loogu halqabsanayo qiimaha iyo quruxda ay leedahay, laguna muujinayo dareennada jacayl ee lammaanayaasha isu jeellan iyo kuwa is jantayba. Waa goob qalbigu kuugu degayo oo aad ku xasilaysid.

Mahad oo dhan Alle ha u sugnaato, waa deegaan aad samayskiisa iyo xikmadda ku duugan aad ku cibro qaadanayso.

Daalo waa qalin-ma-koobaan. Qalbiga jantay iyo maanta ka u hiloobay baa garan kara! Aan idinku sooro gabaygii Ceerigaabo (1968) ee Alle naxariistii janno ha ka waraabiye Xaaji Aadan Axmed Xasan (X. Aadan Afqallooc) ku tilmaamayey quruxda Daalo. Dabcan gabaygan ayaa quruxdaas oo dhan koobay.

Adoo mala gudaayaad yaqiin marar ku gaadhaaye
Makaankaaga waa inaad taqaan meelba waxa yaalle
Dalkan wax ugu mudan Ceerigaab uguna muq dheere
Waa maakhir-koostii la degey mar aan la koobayne
Jamhuuriyaddu meel shaabahdiyo ma leh mataalkeede
Madxafkii dadkii hore dhigiyo madhaxi baa yaale
Maanlahiyo taalloyinkaad aqallo moodaysid
Meelihii kinsiga lagu qarshey maangaddood tahaye
Muuqooda qaar baa ahraam lagu maleeeyaaye
Arraweelo meeshay degtiyo mulugga Ceel-wayte
Iyo waxa manaasiir ku jira moodkii la halleeyey.
Madigaan qusuurtay dhisteen waa macruuf weliye
Maquure iyo godqoraan ninkii marayba yaabaye
Maageere waataa daryale maagga la arkaaye
Nimankii mar dhexe talinjireye maylinka afaystay
Magaadle iyo reer miisanleey midhadh ka joogaane
Maydh laba kun oo sano ka badan maray samaysnayde
Iyadaa magaalo u ahayd maakhir oo idil e
Muftaaxii karaamada kuwii midigta loo saaray
Muftigii isxaaq baa degiyo mudankii daaroode
Maqbarka Ciise Ceeleeye waa kaa masaarka lehe
Sheek Samirre marinkii Dibgax buu meel u leeyahe
Madoobiyo Garruuraa lahaa madaxa Ceel –dheere
Jiidali Maqaamki Subeer baa u moosin ahe
Dhammaan meeshaney degi jireen magaca Soomaale
Waxna waa madheen qaarna waa kii muhaajiraye
In yaroo markii soo hadhay baa haatan maamula e
Mandartiyo kamaalkaad Lubnaan ugu malaysaaye
Manaakh iyo hawoba waxay ka tahay Mawsilta Ciraaqe
Kolkaad madaxa surudeed tagtiyo meesha ugu taagan
Badda waxa maraayoo dhanbaa kuu muraayadahe
Sayid Maxamed meeshuu dhisaan maabku doorasamine
Madfaca laga ridaa wuxu socdaa kuman masaafoode
Melaterigu meeluu degoo muhima weeyaane
Muntasah Marso iyo Daalo waa lagu murqaamaaye
Mayay baa ka da’ a goortay tahay milayga jiilaale
Daruurtoo mijaha soo rogtiyo wadayda mayl gaadha
Sida mawjaddiyo doonyahay marar is jiidhaane
Dhirtaa qaarba midab leeyihiyo man iyo awraaqe
Mawareed in lagu daadiyaad midabka moodaaye
Min aroos sidaad soo gashiyo mawlidkii Nebiga (cs)
Miski baa ka ura kaymihiyo malafka geedaha’ e
Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaado
Oo midabka kala gooniyoo cadad malyuun gaadha
Mawdiyo siyaaxaad ardiyo macallin moodaaye
Qoolley ku madadaalisiyo muurradaa badane
Goortuu gobyahan waa murdiye gooni miranaayo
Oo uu gumburi sawd macaan meel fog kala yeedho
Oo marisku kuu soo warramo meesha waxa jooga
Ood raha maddixiisa iyo maqasho daa’uuska
Oo gorod muyuusigga tumuu galow ku maaweesho
Adigiyo naftaada murmaan doonin meel kale’e
Intay mudunka kale dheertaheye Maalik ku abuuray
Oo wada manaafiic dawo ah baa markhaatiya’e
Dayib mudhay mataanaha dhosoqa marinta guudkooda
Maqaariga abeesada deliyo wegerka moohaaya
Maraaraale dhamiskiyo Shinnuur midabka yaaquud leh
Manka ubax dibowgay shinnidu miida ku abuurto
Muddaahda iyo guubalida iyo mooligu xiiska
Minyeelahiyo geed-gaalka iyo shayga midhihiisa
Moxorkoo luubaan laga gurtiyo mayddigiyo fooxa
Dhirta milixda wada yeelatee maalku ku hagaago
Mudo haddii la dhigo soorta aan midabku doorsoomin
Intaas oo manfac ah baa jirta oo waa la moog yahaye
Madaar iyo marsiyo laydh maliyo Baan macaamilo’e
Miishaarta qorigaa halkii meel la dhigay taalla
Waxay muhandisyadu soo direen riiggay madhiyaane
Waa miilo cagafay ilkuhu maqan yihiin qaare
Haddaad maanta noo timidse waa mahad Ilaahaye
Maansha Allee wax u dhammee way madowdahaye
Wa bilaahi tawfiiq.
Cabdinaasir Axmed Xaaji Aadan Afqallooc

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here