Baaskiilkii Jacaylka WQ: Ismacil Cabdi Ubax

0
390

Waa sheeko dhab ah oo la soo turjumay. Waa nin, gabadh uu jeclaa darteed, baaskiil kaga tegay Hindiya, kuna tegay dalka Sweden. Akhris wacan.

35 sanno kahor, Pradyumna Kumar waxa uu fadhiyey suuqa Mahanandia ee New Delhi, isaga oo gacanta ku sawiraya dalxiisayaasha. Maalin maalmaha ka mid ah ayay gabadh timo cadi soo hor fadhiisatay, markiiba waa la saaqay. Ma hargab ayaa ku dhacay? Wax baa hor yaacay.

Maalintii labaad ayay soo noqotay, sidii oo kale ayuu dhulku la dhaqaaqay. PK oo ah sida isaga loogu yeedho, habeennimadii ayuu baryey Ilaahiisa aqoonta ee Ganesha, waxaanu weydiistay in uu gabadhii u soo celiyo berri; waayo waxa uu aaminsanaa in ay xaaskiisa noqon doonto.

Markii uu PK ahaa fasalka shanaad, ayuu nin faaliye ahi u eegay caleen, waxana loo sheegay in marka uu weynaado uu guursan doono gabadh aan ahayn qabiilkiisa. Gabadh aan ka iman tuuladiisa, gabadh aan waddankaba u dhalan. Gabadh muusiga tunta, leh kayn dhan oo dhalatay xilliga dibiga. “Su’aal ma ku weydiin karaa?” ayuu PK weydiiyey gabadhii maalintii saddexaad, iyadoo hor fadhida si uu u sawiro wejigeeda, sawir ay hooyadeed hadyad ahaan ugu diri lahayd. Haa ayay tidhi. “Ma xilliga dibiga ayaad dhalatay?” ayuu weydiiyey. Haa ayay tidhi.
⁃ Gariir ayaan bilaabay, ayuu yidhi PK.
“Muusiga ma tuntaa?” ayaan weydiiyey ayuu yidhi. Haa ayay tidhi, biyaanada ayaan tumaa. “Kayn ma leedahay?” ayuu weydiiyey. “Haa, aabbahay ayaa dhul weyn leh” ayay ku tidhi. Markaas ayaan cirka eegay. “Qaddarka ayaa sidan ah, sammada ayaa kulankeenna laga qoray” ayaan ku idhi. Kolley wax waalan ayay ii haysatay. Waan sii watey. “Xaaskayga ayaad noqonaysaa” ayaan ku idhi. Way aamustay, way naxday. “Oo dabeedna imika maxaan sameeyaa?” ayay i weydiisay. “Inna mari, tuuladaydii ayaan ku geynayaa” ayaan ku idhi.

Gabadhii asxaabteedii way ka tagtay, waxaanay gashay safar tareen oo saddex maalmood ku qaatay in ay ku gaadhaan tuulada PK oo ku taalla Gacanka Bengali. Boosteejadii saddexaad markii ay dhaafeen ayuu PK xasuustay in aanu magaceedaba weydiin. Waxa ay u sheegtay in la yidhaa Lotta.
⁃ Inantayda ayaa i weydiisay sida aan u raacay nin aanan aqoon u lahayn, ayay tidhi Lotta. Balse waxa uu ahaa dareen cajiib ah oo culus. Waxa uu ahaa kulan ruuxi ah.
Nolosheedu aad ayay uga duwanayd nolosha PK. Lotta waxa ay ka mid tahay dadka dabaqadda sare ee Sweden. Aabbeheed waxa uu leeyahay dhul aad u ballaadhan, waana hantiile weyn. Lotta markii ay yarayd waxa ay ku riyoon jirtay in ay guursato wiil maroodi-aqoon ah oo reer Hindiya ah. Balse riyooyinkeedu wax yar ayay ka bilicsamaayeen xaqiiqada PK.

PK waxa uu ku koray kayn ku taala bariga Hindiya, waxaanu la koray maroodi iyo daanyeerba. Laakiin nolosha nasiib ku ma uu lahayn. Waxa uu yahay qabiillada la takooro, kuwa aan la salaamin. Marka uu is yidhaa carruurta kale la ciyaar, dhagax ayay ku tuuri jireen. Haddii uu si la ma filaan ah u taabtana, webiga inta ay dhankiisa u cararaan ayay iska maydhi jireen meeshii uu ka taabtay. Hooyadii ayaa ku sasabi jirtay in dhagaxaanta lagu tuurayaa ay maalin uun noqon doonaan ubaxyo.

Goor habeen ah ayay PK iyo Lotta soo galeen tuulada Orissa.
⁃ Markii aan imid PK tuuladiisa, gurigaygii in aan imid ayaan dareemayey, ayay tidhi Lotta.
“Aabo, gabadhii aan guursan lahaa ayaan soo helay” ayuu ku qayliyey markii ay soo gaadheen gurigii waalidkiisa. Aabbihii ayaa yidhi: “Ma waxay dhalatay xilliga dibiga?”
“Haa aabo” ayuu yidhi PK.
Odaygii ayay la kulantay. In yar kaddibna saari ayaa loo xidhay, foodda horena dhibic cas ayaa loogu nabay. Taas oo ka dhigan in la guursaday. Tuuladii ayay ku noqdeen nin iyo naagtii. Dadkuna way u ciyaareen, iyaga oo afuufaya qolof alaalaxay, durbaanna u tumaya. Saddex usbuuc oo dhadhan leh kaddib, Lotta waxa ay u soo dhooftay magaaladeedii Borås.
⁃ Rejo la’aan ayaa igu dhacday, Lotta ayaan mar kasta ka fikirayey.
⁃ Way xanuun badnayd. Waxaan ku talo jirey in aan degdeg u laabto, ayay tidhi Lotta.
Waraaqo ayay is weydaarsan jireen. Markii uu PK dhammeeyey dugsigii farshaxankana, waxa uu iibiyey wax kasta oo uu lahaa, waxaana uu iibsaday baaskiil.
⁃ Waxaan aqaanay in ay qorraxdu galbeed ka dhacdo, markaa dhankaas ayaan u soo dhaqaajiyey. Ma garanayn masaafada ay ii jirto, waxba ka ma aqoon juqraafiga.
Saddex usbuuc kaddib, mar uu marayey buuraha Afgaanistaan, ayuu taayirkii kowaad ka banjaray. Dalxiise reer Biljim ah ayaa khariirad u kala furay, fartana ugu fiiqay meesha uu u socdo. Waan naxay, intii aan moodayey way ka fogeyd. Waxa aan moodayey in ay Lotta deggan tahay Swizerland. Salka ayaa aad ii xanuunayey markaa, xitaa suuliga ku ma fadhiisan karayn. Waxa aan is lahaa uun Lotta gaadh, haddii kale iska dhimo. Awoodda jacaylka ayaa i jiidanaysay. Mararka qaarkood aad ayaan u daalayey, aniga oo ku dhowaa in aan suuxo.

Waxa uu baaskiil ku maray buuraha Hindiya, saxareyaasha kala duwan ee Iran iyo xeebta dheer ee Badda Madow. Jidka intii uu ku waxa uu soo sawiray wejiyada boqollaal dad ah. Yurub ayuu soo dhex jiidhay isaga oo bannaannada seexanaya. Shan bilood kaddib, salaad hore, 28-kii May 1977, markii uu soo galay magaalada Gothenberg ee dalka Sweden, waxa uu u ekaa wax qalaad. Cagihiisa ayaa dirqi ku siday. Isaga oo musqul isticmaalaya, ayaa waxa uu markii u horreysay arkay oday xidhan timo iyo ilko macmal ah oo iska bixinaya. Qaylo ayuu ku dhuftay. Waxa uu is yidhi Sweden waa xarunta sixirka.
⁃ Markii aan helay Lotta, farxad ayaan dhiman gaadhay. Waannu isku dul oynay.


Waa farxad ku cusbayd isaga. Waayo waxa uu ku noolaa magaalada malaayiinka qof joogaan ee New Delhi oo uu wax ka dhigan jirey. Mar kasta oo ay lacagtu ka kala go’dana, bannaanka ayuu kuraasida ku seexan jirey. Dhowr jeer ayuu ku daalay nolosha, waxaanu isku dayey in uu isku dilo webiga barakaysan ee Gagnes. Laba jeer ayuu ku guuldarraystay. Mar saddexaadkii ayuu jiifsaday jidka tareenka. Isaga oo ducadiisii u dambeysay akhriyaya, ayuu askari ilaalo ahi u sheegay in ay wadeyaashii tareennadu shaqo-joojin sameeyeen maanta, maalin kalena uu soo noqdo. Balse wakhtiga ayaa u hiiliyey PK. Waxa uu sawiray gabadhii caanka ahayd ee Valentina Teresjkova. Waxa soo raadisay ra’iisal wasaaraha Indira Gandhi, saddex jeerna waxa ay ku casuuntay qasrigeeda. Waxa ay markii dambe ka siisay suuqa New Delhi waab yar oo uu dadka ku sawiro wejiyadooda. Waxa aanu helay dhaqaale uu kiro iskaga bixiyo, cuntana uu ku iibsado. Markaas ayay ahayd markii uu la kulmay Lotta oo 20 jir ah. Iyada iyo saddex asxaabteeda ah oo Sweden ka soo kaxaysatay gaadhi ay Hindiya ku yimaaddeen. Safar qaatay 22 maalmood.

Maanta waxa ay isu dhaleen laba carruur ah – Emelia oo 25 jir ah iyo Karl oo 22 jir ah. Qoysku waxa uu deggan yahay kaynta Sweden dhexdeeda. Waxa aanay u nool yihiin sidiii ay dhul-badhaha agtiisa deggan yihiin. Waxa ay kacaan qorraxdu inta aanay soo bixin kahor. Waxay tukadaan iyaga oo samaynaya yoga. Qolka yar ee quraaradda ka samaysan dhexdiisa waxa ay ka beereen muus, xawaash iyo cambelaf. Lotta waxa ay tahay macallimad muusiga dhigta. Isaguna waa macallin sawir-gacmeedka dhiga. Waxa ay ka shaqeeyaan xuquuqda dadka la takooro ee Hindiya. Waxa kale oo ay wadaan barnaamijyo biyaha lagu gaadhsiinayo dadka u baahan ee Hindiya. Agab dugsi oo carruurta la siiyana way geeyeen. Dhowr ceelna waxa ay ka qodeen Orissa.

Mar kasta oo uu PK ku laabto tuuladiisii, waxa loo qaabilaa sidii nin halyey ah oo kale. Dadku ubaxyo ayay kala hor yimaaddaan, xitaa kuwii dhagaxa ku tuuri jirey.
⁃ Waa wixii ay hooyaday ii sheegi jirtay, ayuu yidhi.

Ismaaciil C Ubax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here