Xukumada Somaliland Iyo Shirkada Dp World Oo Kala Saxeexday Heshiis Labaad Oo Ku Saabsan Suuqa Xorta

0
213
Wasiirka Arimaha Dibada JSL & Gudoomiyaha DP World
Wasiirka Arimaha Dibada JSL & Gudoomiyaha DP World

(Raad News) 07-November-2017- Jamhuuriyada Somaliland iyo shirkadda Imaraadka carabta ee DP World ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo la xidhiidha Soonka Ganacsiga xorta ah (Free Zone)  oo laga samayn doono magaaladda Berbera

Heshiiskani ayaa dowlada imaaraadka carabta waxaa u saxeexay gudoomiyaha shirkada Dp World Md Axmed Bin Sulaymaan iyo wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire,

Waxaanu dhigayaa in Shirkadda DP World ay wajiga hore ka qaybqaadan doonto  dhismaha dhul dhan 4 Kiilo-mitir oo isku wareeg ah, kaasi oo ka mid ah dhul dhan 12km oo isku wareeg ah oo dowladda Somaliland ku wareejinayso shirkadda. Soonkan waxaa uu lamid noqon doono loona eekaysiinayaa Suuqa xorta ah ee  ku yaala dekeda Jabal Cali ee Imaaraadka.

” Soonka Xorta ee Ganacsiga ee aanu ka  samayanyo dekeda Berbera, wuxuu ka dhigi doona xarunta ugu weyn ganacsiga Geeska Afrika,  wuxuu soo jiidan maalgalin caalami ah, wuxuu dhiirigalina doona ganacsiga, waxaa kaloo uu abuuri doonaa shaqooyin ay helaan dadka degaanku” sidaas waxaa ku tiraabay Guddoomiyaha shirkadda DP World

Bishii sagaalaad ee sanadkii 2016-kii ayaa shirkada Dp World ku dhawaaqday in ay dekeda Berbera ee Somaliland ku maalgashan doonto 442 Milyan oo Dollarka Maraykanka ah,kadib markii ay shirkadu ku guulaysatay heshiis la wareegis shaqo ah oo u ogolaanaya in ay dekeda Berbera ka shaqaysiiso muddo 30 Sano ah.

Heshiiska cusub ayaa imaanaya ,iyadoo Somaliland looga dareerayo 13 bishan doorashada madaxtinimada oo ay ku tartamayaan saddex Xisbi, Waxaa kaloo heshiiskan ku soo beegmay iyadoo madaxweynaha Somaliland  uu xilka ka degayo.

Raad News
Hargeisa Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here