Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Libya Oo Lagu Eedeeyay Inay Ka Danbeeyeen Dhimashada Dad Muhaajiriin Ah

0
45

(Raad News) 07-November-2017, Salaasa- Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Liibiya ayaa lagu eedeeyay in ay rabshado kula keceen dadka muhaajiriin ah, kuwaasi oo shan ka mid ah ay dhinteen xilli hawlgal samatabixin ah laga waday badda Mediterranean.

Hay’adda Sea Watch ee dalka Jarmalka ayaa sheegtay in mid ka mid ah Maraakiibtooda ay u suurtagashay in uu badbaadiyo ku dhawaad 60 qof oo saarnaa doon sii quuseysay.

Waxaa ay intaa raacisay in ciidamada ilaalada xeebaha dalkaasi Liibiya ee halkaasi joogay ay garaaceen dadkii saarnaa doontaasi, arrintaa oo ay ka dhalatay argagax iyo Muhaajiriinta qaar ay badda ku daataan.

Hay’adda ayaa sheegtay in muhaajiriintaasi aysan dhiman lahayn, haddii ciidamada ay xaaladda dejin lahaayeen oo aysan rabshaddaasi ku kici lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here