Barlamaanka Puntland Oo Sheegay Inaanay Somaliland Doorasho Ka Qabil Karin Deegaanada Sool Iyo Sanaag Daawo Sababta!

0
523

(Raad News) 07-November-2017Barlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa cod aqbaliyad ah ku ansixiyay go’aan ay ka qaateen waxa ay ugu yeedheen farogalinta iyo xadgudubka ay somaliland ku hayso gobolada Sool, sanaag iyo cayn, iyo qorshaha  ay ku damacsan tahay inay keento sanduuqyada Codbixinta ee doorashada madaxtinimada Somaliland ee dhici doonta 13ka bishan november 2017.

Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo ku dhawaaqay Go’aanka barlamaanka, waxaa uu sheegay in kalfadhiga 40aad ee barlamaanku ay soo xaadireen 36 mudane, dhammaantooda ay u codeeyeen go’aanka barlamaanka.waxaanu ugu baaqay xukuumadda Puntland inay waajibkeeda gudato oo ay ka hortagto in degaanadaasi 13ka November ay ka dhacdo doorashada madaxtooyada Somaliland

Go’aanka Barlamaanku soo Saaray wuxuu u dhignaa sidatan:-

In xukuumadu si deg deg ah uga howlgasho sidii looga hortagi lahaa, loogana difaaci lahaa doorasho ku sheega.

In  wax doorasho ku sheeg ah ayan ka dhici karin gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, lana sugo amniga xuduudahaas

In xukuumadu gudato waajibaadka dasuuriga ah ee difaacida dalka, kana hortegto faragalinta qaawan ee Somaliland sida uu qabo qodobadka 7aad dastuurka Puntland.

In Xukuumadu soo saarto baaq ku aadan faragalinta Somaliland, ugana digto Beesha caalamka inay ku garab siiyaan.

Ollolaha doorashada madaxtoyada Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ka socdaan degaamadda ay Somaliland ka taliso oo ay ku jirto xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood. codbixinta doorashadda oo la asteeyay inay qabsoonto 13 bishan November waxaa la filayaa inay ka dhacdo qaybo badan oo ka mid ah goboladda Sool, Sanaag iyo cayn.

Raad News
Garoowe Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here