Shibbanayaasha labanlaabma!

0
501

Hordhac

Ka hor inta aynaan bilaabin qormada koowaad ee qoraalka habboon, intan yar oo aynu marar badan meelo badan ka nidhi ayaan doorbiday in aynu ku bilawno. Waa mararka xarfaha la wayneeyo iyo meesha ku qumman. Saddex jeer oo kaliya ayeynu nidhi waa la weyneeyaa xarafka, mar ‘‘afraad‘‘ ayaa se jira. Kow, kolka u horreysa ee qoraalka la bilaabayo (sida kan aad iminka akhriyeyso). Laba, kolka aad joogsi samayso, tuduca joogsiga ka dambeeya, xarafkiisa u horreya oo la weyneeyo. Saddex, iyo kolka aad magac qorayso (sida; Ilaahay, Diiriye, Canab, Hargaysa, Dahabshiil, Hawiye/Isaaq/Daarood, Daalo). Magacaasi meesha uu doono ha kaga jiro qoraalka; bilawga, dhexda iyo dhammaadka, waa in aad waynaysaa xarafka u horreeya. Waxa qalad foolxun ah, laba siyaabood oo dhallinta iyo dad kale oo badani u qoraan magacyada. “axmed maxamed maxamuud (siilaanyo), xasan sheekh maxamuud, cabdiwali gaas“. Saddexdaa masuulba sidaa haddii magacyadooda loo qoro waa qalad. Waxa kale oo qalad ah in af qalaad, oo aan waxba kaaga gidhiish ahayn, aad la doonato. Ahmed Mahamed Mahmoud (siilaanyo), Hassan Sheik Mahamoud, Abdiwali Gas. Sidee sax ah, kolka aynu indho Soomaaliyeed ku fiirinno? Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiwali Gaas.

Magacyada iyo ereyada innaga soo galay luuqadaha kale, ee aynaan ka maarmayn, ayaa qumman in aynu Soomaaliyeyno oo u qoranno sida afkeennu u qoran yahay. Ma se aha, magacyadii iyo ereyadii aynu innagu hanti u lahayn, ee innoo soomaaliyeysnaa, in aynu jinni ku ridno oo af shisheeye ku qorno, waliba adiga oo Soomaali ah, Soomaalina la hadlaya. Waxba iigama shan iyo toban ah in aan adiga kuu soo qoro Buroa, Hargaisa, Erigavo, Baydawo (Baydhabo), Ogadenia, Rahanwein (Raxanweyn) iyo Chuma Saeed. Cuqdad aniga i haysa yaanan ku la galine, mawduuca ku soo noqo.

Kolka afraad ee soo raacda saddexdaa jeer ee hore waxa weeye, xarfo la soo gaabiyey kolka uu yahay magacu ama ereygu. Kolkan afraad, xarafka u horreeya iyo ka u damyeeya toona lama waynaynayee, dhammaan far waaweyn ayaa lagu qorayaa. SNM (Somali National Movement), UCID (Ururka Daryeelka Iyo Caddaaladda), UDUB (Ururka Dimuquraadiga Umadaha Bahoobay). Labada xisbi ee kale ee Soomaalilaan ka jira, Kulmiye iyo Waddani, magacyadooda uma taagna xarfo la soo gaabiyey, sidaa darteed yaanay isaga kaa qaldamin sababta laba xisbina xarfaha koowaad ee magacyadooda oo qudha loo waayeyneeyey, labada kalena dhammaantood far waaweyn loogu qoray.

Magacyada jufooyinka hoose ee xayawaanka iyo cayayaanku way yaryar yihiin dhammaantood asal ahaan (sida libaax, dacawo, duqsi, baranbaro, diir, caaro, qudhaanjo, mulac, mas). Laakiin saddex jeerba xarafkooda koowaad waa la waynaynayaa. Waa kolka ay qoraalku ku bilaabmaan (Libaax ayaan arkay), kolka joogsi ka horreeyo ( Libaax ayaan arkay. Libaax yar ayuu ahaa), iyo haddii ay noqdaan magac ama magac lagu lammaaneeyo amaba ay noqdaan naanays cid gaar ah oo la isla garanayo yeelato, (Axmed-Duqsi, Cabdi-Waraabe, Siilaanyo, Shariif-Sakiin). Sida oo kale, xilalka dadku qabtaan waa la mid (wasiir, madaxweyne, xildhibaan, agaasime) haddii aanay qoraalka ku bilaabmin, ama aan joogsi ka horrayn ama aan magac ku lammaanayn. Waxa aad intaa ka dabagaysaa, oo la qaanuun ah, cir, dhul, buur, bad, xisbi, dugsi/iskuul, daruur iwm

Waa hagaag. Shibbanayaasha ama xarfaha labanlaabma ayeynu iminka hoos u yara eegi. Wayddiinta koowaad ee aynu is wayddiin karnaa waxa ay tahay, maxaynu isugu luraynaa ee faa’iido ah ee ku jira in shibbanayaasha labanlaabma aynu dhawrno? Wax badan ayeynu sheegi karnaa, laakiin si kooban oo aad ila fahmi karto aan u dhigo. Kelmadaha isku dhawaqa ah, laakiin kala qorista ah, ayey inoo kala soocaan ama afdhihidda iyo afdhigaalka ayey inoo kala saaraan.

Laba tusaale oo degdeg ah aan ku siiyo. Ereyga “Salaan“ waa salaanta la isku salaamo. Waxa kale oo isna jira ‘‘Sallaan‘‘ oo ah shay la fuulo marka meel sare shaqo laga qabanayo (sida guriga oo daahyo lagu xidhayo ama laydhka oo laga hagaajinayo). Waa tahay. Qof aan kula joogin ayaad doonaysaa in aad qoraal ugu sheegto salaan laguu soo faray. “Hooyo ayaan salaan kaaga sidaa“ iyo “Hooyo ayaan sallaan kaaga sidaa“ iyamaa saxsan? Dabcan sallaan gacmaha kuma siddide, salaan ayaad siddaa oo ay hooyo ku soo fartay.

Tusaalaha labaad, shibbanayaasha labanlaabmaa, waxa ay marar badan kala saaraan wadarta iyo waaxidka (cashar iyo casharro), kol kalena waxa ay kala saaraan wax nool iyo wax aan noolayn. Tusaale; dhalinta goolasha Hargaysa waxa u haysta Faysal iyo dhallinta Hargaysa waxa ka mid ah Nimco. Tiro ma leh macaashka iyo faa’iidada ku jirta shibbanaha laban laabma, laakiin halkaas ayeynu jawaabta kaga bixi.

Goorma ayuu labanlaabmaa shibbanuhu? Shibbanayaasha oo dhami miyey wada labanlaabmaan? Maxaa se lagu gartaa kolka uu labanlaabmayo? Horta shaqal iyo shibbane waynu kala naqaan, sax? Shaqal waa ‘‘Aa, Ee, Ii, Oo, Uu‘‘. Waa iyaga oo waaweyn iyo iyaga oo yaryar oo hoosta iskaga jira. Shibbanuhuna waa xarfaha soo hadhay oo dhan laga bilaabo B illaa Y. Allaahu mustacaan, intaa halkaa iigu hayi.

1) Goorma ayuu labanlaabmaa shibbanuhu? Saddex jeer ayuun buu labanlaabmaa shabbinuhu. Maxaan idhi? Saddex jeer ayey labanlaabmaan xarfuhu ama shibbanayaashu. Kow, mar uu iskii ereyga ama magaca ugu jiro (sida carrab, Carraale). Laba, mar uu ereygu wadar noqdo oo ay tiradu is beddesho (sida casharro, doofaarro). Saddex, iyo marka ereyga qodob raaco (Articale) (sida dawlad oo noqota dawladda). Mid kasta tusaalayaal waxoogay ah oo aynu ku caddaynayno ayeynu ka soo qaadan doonaa, laakiin marka hore intan aan sheegay ila fahan.
2) Shibbanayaasha oo dhami miyey wada labanlaabmaan? Maya, toddoba qudha ayaa labanlaabma, kuwaas oo aan mar kasta labanlaamin ee xaalado gaar ah ku labanlaabma. Maxay yihiin toddobadaasi? Waa B, D, R, G, L, M iyo N. Waxa jira xarfo/shibbanayaal kale oo la yidhaa way laba dhacayaan oo hadda uun doodoodu bilaw tahay. Innaga se kuwaasi iminka innama khuseeyaan. Waayo, toddobadan oo hore la isugu waafaqsanaa, ayeynu fahankoodii yaa Rasuulullaahi ka taagan nahay, kolkaa kuwaa kale ha inoo dambeeyaan. Waar miyaanay sidaa ahayn dee? Waan yaryaraynayaa qormooyinka, saa haddii hadalku bato fahankaa lumayee.

3) Waxa aynu ka soo jawaabnay laba su’aalood oo ahaa goorma ayuu shibbanuhu labanlaabmaa? Iyo, shibbanayaasha oo dhami miyey labanlaabmaan? Waxa aynu ka jawaabaynaa, wayddiinta saddexaad, oo ah, sidee lagu gartaa kolka uu labanlaabmo shibbanuhu? Halkan ayey u dhimataye si fiican ii dhugo. Horta ugu horreyntaba, waa in shibbanaha ereyga ama magaca ku jiraa ka mid yahay toddobadadii aynu soo sheegnay (b, d, r, g, l, m, n). Midhkaa ma iga haysaa? Kolka xigta, ee labaad, waa in uu shaqal ka horreeyaa shaqalna ka dambeeyaa. Maxaan ku idhi? Waa in shaqal ka horreeyaa shaqalna ka dambeeyaa. Oo shaqalladu kuwee ayey ahaayeen? Waa a, e, i, o, u. Bal hadda eeg ereygan iyo magacan; waa Habboon iyo raalli noqo. Magaca Habboon, b-da labanlaaban waxa ka horreeya `A` waxaana ka dambeeya laba `O‘. Sow labadaasiba shaqallo ma aha? Ereyga xiga, ee “raalli“, r-da waxa ka horreeya “A“ waxaana ka dambeeya “I“.

Kolka u dambaysa, ee saddexaad, dhawaqa ayaa lagu kala saaraa – calashaan in aad kor ugu dhawaaqdo ereyga. Haddaba, kolka dhawaqa la yidhaahdo, ha is kallifin oo dhuunta ha is xanuujin. Umma baahnid in aad qasab ku soo saarto in xarafku labanlaabmayo iyo in kale. Sow toddoba xaraf ma ahayn shibbanayaasha labanlaabmaa? Sidan ayaa dhawaqooda kuu sahlaysa in aad fahanto. B iyo M, kolka ay labanlaabmayaan, dibnahaaga ayaa isku dhegayaa, dhakab! Shanta soo hadhay ee kala ah N, G, D, R, L, kolka ay labanlaabmayaan, carrabkaagu waxa uu ku dhegayaa dhenxaraggaaga. Dhenxaraggu waxa weeya qaybta sare ee afka, ee ay ku yaallaan ilkaha sare iyo cirridka sare.

Tusaalayaashii caadiga ahaa way inoo soo socdaane, waxa aad kalidaa ku dhawaaqdaa, adiga oo aan is kallifayn, wax shiddo ahna carrabka ku samaynayn, toddobadan erey ee ay ku jiraan toddobada shibbane ee labanlaabma.

– Sabbaaxad
– Guddoomiye
– Carruur
– Xaggee?
– Leelleel
– Dhammaantiin
– Naannaab

Bal hadda toddobadan kalena sidii oo kale, ee caadiga ahayd, ee nafiska ahayd, ugu dhawaaq, waxa ku jira is la toddobadii shibbane oo aan labanlaambayn markan.

– Sabaax
– Guduud (midabka cas)
– Caruus
– Laalays
– Dhamas
– Naanays

Xarafka Y, waxa uu leeyahay arrin isaga u gaar ah. Sow afka qalaad kuma maqashid “Special case“? Y-du waxa ay leedahay special case u gaar ah. Sida ay 18 Mey ugu heesayso, ayuun bay hal mar Xamar ka degi oo midnimo iyo Soomaaliweyn iska noqonaysaa. Sida siyaasiyiinta Soomaalida qaarkood, ayey iska tahay dhuuni raac hadba calan soo huwada. Maxaan ujeedaa? Y-du, iyada oo asal ahaan shibbane ah, ayey marka ay doonto noqotaa shaqal. Maadaama oo ay Y-du marka ay doonto qaadato nidaamka Soomaaliweyn, oo ay shaqal isu rogto, ereyga iyada ku sii xiga, haddii shaqal kale ka sii dambeeyo, ereygaasi wuu labanlaabmayaa. Laakiin waa mar mar iyo dhif, ma aha wax joogto ah. Sababta awgeed, ayey sax tahay in la qoro “wayddiin iyo “sheyddaan“ halkii laga qori lahaa “waydiin“ iyo “sheydaan“.

Bal aynu yara hubinno in aynu wada soconno iyo in kale. Waxa aad keentaa, erey ama magac, uu ku jiro toddobadaa xaraf mid ka mid ah oo labanlaaban (haddii aad doonto dhawr ereyba keen). Xagga hoose ee faallada ku soo qor, dhammaanteenna arday ayeynu nahaye, ku dhiirro, khalad ba ha noqdee.

Xagga hore ayeynu ku soo sheegnay in saddex jeer oo qudha shibbanuhu labanlaambo. Waxa ay kala ahaayeen, mar uu iskii ereyga ugu jiro, mar ay tiradu isu beddesho wadar iyo marka uu ereyga qadob raaco. Waa laga yaabaa in aad marar kale soo hesho, haddii aad maskaxda ka shaqaysiiso. Hadda halkan waxa aynu tusaale kooban ka soo qaadan doonnaa kolka shibbana labanlaabmayaa iskii ereyga ugu jiro iyo kolka wadartu is beddesho. Arrinta qododka dib ayeynu u dhigaynaa, waayo sharrax yar ayey u baahan tahay.

  1. B) Ereyada uu iskood ugu jiro xaraf labanlaaban

Shibbane
Higgaad
Farriin
Sarreen iyo sarreeye
Waddani iyo muwaaddin
Dhammaan
Faallo
Dhiirran iyo dhiirigalin
Sharraxaad
Musharrax
Iska warran/warrama?
Durriyad
Dabbaabbad
Carruur iyo cirroole
Bullaacad
Saddex, toddoba iyo siddeed
Afarrey
Cunno iyo cabbitaan ma haysaa?
Lammaane
Shabeel rabbaayad ah
Dorraad
Xarrago
Xabbaadh (geela marka la qaado)
Xabbad
Qarriban/kharriban
Dillaal iyo mallaal
Qaddar
Jirrab (imtixaamd ama tijaabin)
Kalli (kalidda jidhka ku jirta)
Dheddig
Qorrax iyo xiddig ama xiddigo
Maxaa ka lillaahi ah?

  1. T) Wadar

Cashar = Casharro
Doofaar = Doofaarro
Dhafoor = Dhafoorrada
Safar = Safarro
Dameer (L) = Dameerro (L = lab)
Waxar (L) = Waxarro
Afmiishaar = Afmiishaarro
Wadaad = Wadaaddo
Marin = Marinno
Shaqal = Shaqallo
Qoraal = Qoraallo
Muuqaal = Muuqaallo
Dagaal = Dagaallo
Wakiil = Wakiillo
Wasiir = Wasiirro

Qaybtan, oo ah kolka ereyga uu qodobku raacayo, waxa aan jeclaystay in aan meel inooga soo garooco. Macallin Maxamed Baashe Xaaji Xasan, oo si wacan u sharraxay una soo koobay, ayaan sideeda uga soo minguuriyey maqaalkiisii ”Dhiillo Culus: dhayalsiga shibbanayaasha labanlaabma”.

”Meelaha kale ee had iyo gooraale lagu khaldamaa waa marka uu qodob raacayo ereyada qaarkood, gaar ahaan marka ereyadaasi ku dhammaadaan shibbaneyaasha “d” ama “g” ee ay raacayaan qodobbada “da” ama “ga”.

Qodobbada Afsoomaaligu waa toddoba:

a, ta, da, sha, ga, ka iyo ha.

Qodobbadu magacyada ayay raacaan oo tilmaan garasheed siiyaan.

Tusaaleyaal:

Qodobka “a”
Loox = looxa
Libaax = libaaxa
Geel = geela
Qodobka “ta”
Tib = tibta
Dhallin = dhallinta
Ib = ibta
Qodobka “da”
Nabad = nabadda
Colaad = colaadda
Lo’ = lo’da
Qodobka “sha”
Il = isha
Ul = usha
Dhiil = dhiisha
Qodobka “ga”
Doog = doogga
Taag = taagga
Guri = guriga
Qodobka “ka”
Kalluun = kalluunka
Bannaan = bannaanka
Dhul = dhulka
Qodobka “ha”
Caano = caanaha
Cune = cunaha
Waxaro = waxaraha

Sida qodobbadu ka marag-kacayaan magac kasta oo Afsoomaali ah haddii uu ku dhammaado shibbaneyaasha “d” ama “g” marka uu qodobku raacayo waxa khasab ah in labanlaab yimaaddo.

Tusaaleyaal “da”:

Wasaaradda, dawladda, xukuumadda, Jamhuuriyadda, siyaasadda, waddaniyadda, dimoqraaddiyadda, daacaadda, madbacadda, qaafiyadda, daaqadda, daasadda, nadaafadda, warqadda, doodda, nabadda, colaadda, niyadda, durriyadda, qabyaaladda, diyaaradda, majarafadda, laambadda, badda, dalladda, maddiibadda, malqacadda, xawaaladda, maaliyadda, shirkadda iwm

Tusaaleyaal “ga”

Bogga, doogga, diigga, dhiigga, taagga, tuugga, togga, aagga, udugga, unugga, adeegga, edegga, buugga, dheegga, dhuugga, duugga, laagga, mugga, maragga, ruugga, ragga iwm.”

Bogga, doogga, diigga, dhiigga, taagga, tuugga, togga, aagga, udugga, unugga, adeegga, edegga, buugga, dheegga, dhuugga, duugga, laagga, mugga, maragga, ruugga, ragga iwm.”

Qaybtan aynu ku soo afmeeri doonnaa waa tusaalayaal uun ka mid ah ereyo dhawr ah oo laga yaabo in aan dadka qaar ka fikirin in shibbanayaal labanlaabmaa ku jiraan ama ku jiri karaan.

– Magacyada Ilaahay ee xarfaha laban laabmaa ku jiraan
Alle ama Allaah,
Rabbi
Qaaddir (Cabdiqaaddir oo kale)
Jibbaar (Cabdijabbaar oo kale)
Qudduus
Eebbe
Guulle
Mukabbir
Dhaarta; Wallaahi, Billaahi, Tallaahi
“Salliga” -na (ka Nebiga, CSW) raaci, illayn meel uu ku hadhaa ma jirtee.

– Magacyada dadka
Siddiiq, Habboon, Cuddoon, Carraale, Rabbiile, Allaale, Cabdalle
Cabdillaahi, Cirro, Gabboose, Muxiyaddiin, Nuuraddiin, Siyaad Barre, Sugulle, Saddaam, Gaarriye, Caddaani, Furre, Hurre Walanwal, Xannaan, Salaan Carrabey

– Xubnaha jidhkaaga ee ay ku jiraan xarfaha labanlaabma
Xirribaha
Suunniyaha
Xabbadka (shafka)
Ciddiyaha
Suxullada
Cirrid
Bogga

– Dadka aad wax isu tihiin ee ay ku jiraan xarfaha labanlaabma
Seeddi
Soddog
Soddoh
Eeddo
Aabbo
– Xayawaanka iyo cayaanka ay magacyadooda ay ku jiraan shibbanaha laba-dhaca
Qorrato
Jirriqaa
Dalandoolli
Doolli (jiir)

– Ku dar ereyo laga yaabo in aad maalin walba maqasho
Nasiibdarro
Ayaandarro
Gardarro
Xaqdarro
Sharci-darro
Nidaamdarro
Aqoondarro

– Qaar ka mid ah qabiilada ay ku jiraan xarfaha labanlaabmaa
Fiqishinni
Carrabbala
Muuse Carre
Marreexaan
Jibriil Abbokor
Iiddoor
Cabbane Cabdalle

Khadar Cabdi Cabdillaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here