Nayroobi Kenya, caasimaddii duurjoogta

0
190

Cimilada naxriista ku dheehan tahay, udugga dhirta ku hareereysan waddooyinka. Muuqaalsamida farshaxanka gacan-ku-sameyska ah iyo noolaha koobsaday maroodiga, geriga, libaaxa iyo yixaaska, markiiba waxaad dareemeysaa dhaqanka xooggan ee ku hareersan nolosha Afrika.

Degganaanshaha, ixtiraamka aan ku koobneyn intaa keliya oo ay u dheer tahay soodhaweyn diirran, ayey u-adeegayaasha bulshadu kugu soo dhaweynayaan.

Nayroobi waa magaalamadaxda waddanka Kiiniya ee ku yaalla Bariga Afrika. Kiiniya waxa ay deris la tahay Soomaaliya, Itoobiya, Yugaandha iyo Tansaaniya. Magaca Nayroobi waxa uu micnahiisu yahay “biyo qabow.” Waa magac isir ku leh qabiil dega koonfurta dalka ee lagu magaacabo Masaay. Waxaa kale oo loogu magac daray webiga Nairobi. Sidoo kale magaaladala waxa la yidhaa magaalada cagaaran, taasi oo macnaheedu tahay in ay magaalada ku badan yihiin geedaha iyo dhirta noocyadeeda kala duwan. Waxa tixgelin gaar ah la siiya dhirta oo aad loo dhawraa.

Dhanka dhaqaalaha waxa aad markiiba aad ula cajabeysaa dhismayaasha sida casriga ah u dhisan iyo waddooyinka qalabeysan. Taasi waxa ay caddeyn u tahay firfirconaanta magaalada iyo u-furfurnaasha maalgashiga caalamiga ah in uu u horseeday in ay Nayroobi noqoto magaalo si degdeg ah u kobocda dhanka dhaqaalaha.

Dalka waxaa afka kowaad u ah Sawaaxiliga, waxaa ku soo xiga afka qalaad ee Ingriisiga, hase ahaate magaalamadaxda waxaa aad ugu baahey isticmaalka afka Ingiriisiga; qoomiyadaha kala duwan ee meesha deggan awgeed.

Magaalada Nayroobi marka laga tago horumarka ay gaadhey, waxa ay leedahay hadimooyin ay kala mid tahay magaalooyinka caan baxay ee qaaradda Afrika. Hadimooyinkaa waxaa ka mid ah in magaalada aynan soo dhaweynin qoysaska heerkooda nololeed uu ka hooseeyo heerka caadiga ah “Below average living standard”. Isla markaanna Nayroobi gobollada dalka ku hareeraysan waxay ka horreysaa boqol tallaabo, taasina waxay ku tuseysa u-dheelitirnaanta dawladdu in uu aad u hooseeyo.

Dhaqaalaha kobcay waxa sal u ah in dawladda Kiiniya ay xakameeyeen qulqulka lacagaha qalaad. Suuqyada dalka waxaa mamnuuc ka ah in aad lacagaha qalaad wax ku iibsatid, taas ayaa keentay in lacagta dalku ay u dhabar adeegdo lacagaha qalaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here