Fariid La Fogeeyey

0
291

Farxiya oo hay’adda u shaqaynaysay, waxa ay u soo bandhigtay laba fursadood; hadba ka ay doorataana waxa uu dhalayay isbeddel nolosha Ugbaad ku yimaadda.

Bal adigu ka sitee: iyada oo diintaadii lagu yidhi ka bax si aad u dhuuni u hesho, ama xubnaha jidhkaaga ha laga muraadsado si aad shaqo u hesho?!

*

Saddex dhardhaar oo dhoobo ah ayey isu keentay. Dundumo adag, aboor badan oo ilkaweyne ahna hoy ah ayey dhardhaarrada si xoog ah uga soo goysay. Ugbaad maalintaa waxa ay ahayd 12 sano jir. Ayaankeedaa ahaaye, waxay isku ahayd adhijir iyo adeegto guri. Adhiga oo iskaba tiro yaraa aan se hawl yarayn, iyo oosha oo ahayd dhul oommane ah ayaa Ugbaad –oo gu’ laba iyo tobnaad ah – ka dhigay birlab nolosha adag goor walba ka soo doogta.

“Macallin lacagtii dugsiga waan keenayaaye ha i eryin!” Ugbaad baa ku cabatay.

“Ka soo bax fasalka, berri subaxna haddii aanad lacagtii dugsiga gacanta ku sidin ha isku soo aadin dugsiga!” Macallinkeedii baa yidhi.

Xaggan iyo xaggeerba waayaha ayaa ka soo dhirbaaxay, nolosheedana dhamac aan damayn ayaa ku oogantay. Ugbaad waxa ay ahayd qof waalidkeeda u dhego nugul. Si gaar ah, hooyadeed waa ay jeclayd, waana ay caawin jirtey hadba intii itaalkeeda ah.

Abaartii Arbacada loo bixiyay kolkii ay dhacday, adhigii yaraa ee qoyskuna raacay, Ugbaad waa ay xammili weyday aayatiinkii soo madoobaa iyo uurxumadii ka muuqatay labadeeda waalid. Ayaantaas ayey goosatay in ay magaalo u dhaadhacdo, iyada oo higsigeeda ugu weyni ahaa sidii ay wax u tari lahayd qoyskeeda.

Xaliimo magaalada ayey uga soo horraysay Ugbaad, goortanna ilbax jaragoys ah ayey isu aragtaa. Amarkan qaado iyo halkan dhaq oo hagaaji kolkii ay ka deyn weyday, Ugbaad baa dharaartii dambe rakaad kulul u dhiibtay Xaliimo, oo dhirbaaxo libaax labada dhaban ku muudsatay. Wax kale kuma ay diline ragga guriga ku qayilaya isu jejebi oo hadba shaah soo hor dhig faraajiintana ka ururi ayey ka xanaaqday.

*

Imtixaankii shaqo ee ay ku guulaysatay – ayaa laga qaaday oo la siiyay  qof aan imtixaanba gelin –asii masuulka waaxdan shaqo qaabbilsan qaraabadiisa ah. Mar kale, imtixaankii deeqda waxbarasho ahaa ee debbedda ay ka heshay, waxa lagu dhaafiyay ka dib kol ay bixin kari weyday lacag laaluush ah oo laga rabay dadkii iyada la midka ahaa. Sidaas ayey mar kale kaga qadday midho dedaalkeedu soo gooyay.

“Dawladnimada baas, ma waxa loo dhisay in aniga la igu dulmiyo, xuquuqdayda aas-aasiga ahna lagu duudsiyo?” Ugbaad baa weyddiisay askari xabsiga u sii jiidayay, ka dib kolkii ay ka cabatay sidii shaqada looga garbiyay.

Dhulkii ay ku barbaartay, waalidkeed iyo warasadeeduna ku dhasheen ayey ciqaabahan nafsiyeed ku barriinsadeen. Ammintaas ayey raadisay jid kale oo ay cidhiidhiga kaga baxdo, waana ta hoy iyo haynba weyddiisatay hay’adda “miinobaadhista” ku magacaaban, asii hawlaha qarsoon dalka ka qabata. Waa hay’addii Farxiya ay u shaqaynaysay, kolkii baahiyaha Ugbaad loo bandhigayna laba daran mid dooro tidhi! Cid kale oo ay u eerato iyo ciirsi kale haddii weyday, waa tii dooratay labada daran middii horraysay. Uurkeeda Allaa ogaaye, waa tii afka ka sheegtay in ay diinteedii ay ku dhalatay – ee Islaamka ka kufriday ee gaalowday! Waa tii dabadeed fogaatay, ee dhacantay, ee dhaqan shisheeye iyo dhul durugsan dhexdooda ku carceertay!

Maxamed M Cabdi “Haykal”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here