Bahalo Is Helay!

0
335
Qoraa Khadar Cabdi Cabdilaahi
Qoraa Khadar Cabdi Cabdilaahi

 

 

Adiga oo cirbaxsan ayaad guriga soo gashay. Waad miliqsanaysaa sidii masa-cagalay harraadday. Afka ayaad shanta farood kula jirtaa sidii oo aad iyaga ku cadayanayso. Dadku way kula yaabban yihiin laakiin adigu waad findhicilanaysaa oo kaliya. Saaka tobankii subaxnnimo jabbanihii aad ku bilawday ayaad tobankii habeenimo ka soo kacday. Mirqaan ayaad kax tahay. Kaxba waad dhaaftay oo kaw ayaad ku dhaw dahay. Qaadka kuma badnid laakiin marka aad gacanta u qaaddo iimaanka ayaa kaa taga oo waad ku mamtaa. Maqsinkaagii markii aad gashay ayaad degdeg maryaha isaga bixisay, waayo, kaadi kulul ayaa ku haysay. Wax shiday adigu war uma hayside, waxa aad jalleecday shaashadda Tv-ga oo uu ka dhex muuqdo nin xiiqsan. Qawlalada ayuu ka xunbaynayaa isaga oo leh, “Musuqmaasuq, waxqabad la’aan iyo nidaam xumo ayaa inna rogay.” Adiga oo aan hadlin ayaad niyadda ka tidhi “waa runtii”, ishana waad la sii raacday. ”Caalamka xisaabtan la’aan iyo hantida ummadda oo sidii la doono laga yeelo lagama yaqaano, sidan aynnu nahayna cidi isuma maamusho” ayuu sii raaciyey.

“Wadhwadh!! Waar horta ninkani kumuu ahaa?” Ayaad is wayddiisay. Cabbaar haddii aad ka fikirtay, waxa aad xasuusatay in uu yahay ninkii aad maalintii dhawayd idaacadda codkiisa ka maqlaysay ee qurba-joogta ahaa, hadda se waddanka ayuu joogaa. Caawana majliskii lagu qayilaayey isaga ayuun baa lagu hadal hayey. ‘“Annagu caafimaadka, waxbarashada iyo shaqada ayaannu xoogga saarraynaa, dhallinyaradana shaqooyin ayaannu u abuuraynaa. ” Intaa markii uu yidhi, ayay niyaddu kuu yara qabawday, waayo busaarad ayaad indhaha isku haysatay oo dambaska ayaad ahayd, reerkana haddii aan inanta dibadda ku maqani wax idiin soo tuurin waa hore ayaad shuf beeli lahaydeen oo macaluul u madhan lahaydeen. Suuqu ayaamahan wuu soo xumaaday oo shaxaad ma leh, shaqana waligaaba kumaad salaaxin.

Caydh looga baxdan xaggaannu uga kacnaa ayaad maalin walba tidhaahdaa. Waxa aad haddana maqahsay, isaga oo leh, “Walaallayaal qabyaaladdu waa cudur, halkaa wax ina dhigayna waa iyada, annaguna in aannu wax ka qabanno ayaa naga go’an.” Isaga haybtiisa xanbaad ku haysaye, waxa aad isha la raacday dhawrka nin ee hareeraha ka taagan. Lix ka mid ah ayaad garatay wajiyadooda iyo ciddooda, waxaana kuu soo baxday in ay isaga isku reer yihiin. Ilmaadeeradiina wuu isku xeeray qabyaaladna wuu ka hadlayaa! Tolow ma in aanu waalan nahay ayuu noo haystaa? Ayaad haddana niyada ka tidhi. Yaabkaagii ayaad sii wadatay isna daldalankiisii ayuu sii watay, oo yidhi, “Dawladdu way ku fashilantay in ay dhallinta baddaha ka badbaadiso, sidaa darteed, dhallinyarada waxa aannu u sheegaynaa in ay samraan oo aanay tahriibin”. Su’aal juudaan qabta ayaa marka kugu soo degtay. Adiga oo dhabanka gacanta ku haya, ayey wax kaa hoos yidhaahdeen “Isagu waa kan ka Yurub yimiye sifo noocee ah ayuu ku tagay? ”.

Inanta guriga idiinka shaqaysaa waa inan wanaagsan oo marka aad soo gasho guriga cunto iyo wax bay kuula soo carartaa, laakiin caawa shaah ayey kuu keentay, adna waad qaldhabaysay oo waabad isaga baahnayd. Markii ay ku tidhi “hoo qabso” adiga oo muraayadda ku maqan oo aan xaggeeda eegin, ayaad ka qabatay, wax kale oo ay ku sii tidhina maad maqlayn. Sidii aad u sii wadday afka ayaad koobkii saartay. Waxa koobka ku jira maad hubin, haddana Illaahaybaa iska kaa ilaashanaayey oo maad cantuugine fiiq ayaad ka siisay, dabadeed faruuryaha ayaa ku muudhmuudhay.
“Tufoo! Ax ax! Naa waa maxay waxan aad noo dhiibtay?”
“Dee waa shaah, sow tii aannu kuu sheegnay maaha ma dhagahaad la’day’’ ayey ku tidhi, shan farood oo kuwii qumanyada aad mooddo, oo macnahoodu yahay hana cunina sidaas ayey kuu soo fiiqday.
Intoo aad indhaha sidaa ugu gubtay, sidii oo aad ku tooganayso, ayaad iskaga jeesatay oo aad indhaha ku celisay shaashaddii. Waa ninkii oo leh “Midnimada iyo wax wada qabsiga ayaannu annagu xoogga saarraynaa oo aannu ka shaqaynaynaa”. Oo kuwan uu caayayo ee dhaleecaynayo iyagu miyaanay dadka la midaynaayo ka mid ahayn? Muxuuse ugu biirin waayey oo wax qabadka uu sheegayo oo ula kaashan waayey? “Anigu nin siyaasadda ku cusub ayaan ahay, been in aad igu barataana ma doonaayo, waxqabad dhab ah ayaan idiin ballan qaaddayaa,” ayuu hadalkiisii ku soo gebagebeeyey. Ilayn qof nool oo soo jeeda ayaa tahaye, afkaaga waxaa ka soo boodday “Beentan iyo siyaasaddan uu sheegayaa maxay kala yihiin horta? Xiniinyaha Alla ku qabay, afmiishaar uray dheh,” inta aad tidhi, ayaad iskaga kacday meeshii oo aad iska aadday suuliga, ilayn kaadi kulul baa ku haysaye.

Markii xumaddii ku haysay inteedii badnayd ku soo dhaaftay, ayaad adiguna suuliga dhaaftay. Intii dambe oo dhan xamaamka waad iska dhex fadhiday uune ruuxdaadu ku lamay joogin. Adigu ma siyaasi baa tahay horta? Maya. Ma kursi baad doonaysaa? Dee maya. Ma dan baad ka leedahay tani haddii ay caawa olosho? Horta caawa haddii ay xaggaa ka soo qiiqdo oo la isku dhufto adiga ma wax baa kaa dhex yaalla? Abadan! Bal iminka may caddaabaha jiidho, daarina kaagama dhisna tukaanna kaaga ma furnee. Illaahaw bal maa saacaddaa la isku rogmado. Raggan sharraxan mid qudhi miyuu wax kuu yahay; aabbo, walaal iyo wax kale toona? Meesha waad aragtaa waxa ka socda, nin kastaaba wuxuu doono ayuu sheegayaa, lacag waalli ahina way maraysaa. Doqoniimadaada, malaha maalin kasta af qalallan ayaad magaalada kala soo noqon, qayrkaana hilib iyo caano iyo qaadka dhaadheer ayey sidaa isula dhici? Maxaad haysaa waataase caawa, xabbad sigaarana magaalada kalamaad soo hoyane?

Adiga oo sidaa isu la maqan ayay wax lugta kaa fuuleen. Hush hush! Juud! Nacdali ku kortay waa baranbaro. Markaas ayaad ogaatay in aad suuliga dhex hawaarto. Tolow miyaad ku raagtay? Aar mooyee meesha iskaga bax yaan lagugu dardarine. Awalba Allakood ayaad iska ahayd, salaadda iyo cibaadaddana iskumaydaan wanaagsanayne, histijo aad faraha caaradood iyo in yar oo biyo ah cawrada ku saydhay kaddib, waad isaga soo booday meeshii qudhmuunayd. Casha yar oo qabawday oo aan kaa deggayn markii aad liqliqday, ayaad furaashka isku tuurtay. Sidii aad u galgalanaysay ayaa laguugu daakiray, dabadeedna cadceeda oo aanad markii hore dan ka gali jirin, laakiin saaka aad raagsatay, ayaa falaadheheedii kaaga muuqdeen faalamaydhka maqsinkii foosha xumaa ee aad sida caleenta u dhex taallay. Inantii jaariyadda ahayd, oo daaradda fiiqaysa, into aad dhankaa ka dhaaftay, ayaad bullaacadda korkeeda wejiga biyo ku soo saydhay, dabadeed shaadh iyo surwaal aan jacdad badan lahayn daf isku siisay. Awal hore waad iska soo toosi jirtay, iyada oo aan meel gaari kuu cayinayna waad iska foofi jirtay oo suuqa iska soo gali jirtay, saaka laakiin meel baad weerar ku tahay. Waa meeshii aad xalay oo dhan ka seexan wayday. Si fiican ayaad uga soo fikirtay halkaad ka billaabayso, sidii aad hawsha u galayso iyo waxa aad odhanaysaba. Qofka kaa soo hor baxaa wejigaaga qaaddiradu dishootay ayuu ka arkayaa farxadda, firfircoonida iyo kalsoonida kugu jirta. Dhiirranaan iyo indho-adayg ayaad wax walba ku galaysaa oo kuu farsamo ah.

Badhtamaha suuqa ayaad isqotomisay, markaas baad bidix iyo midig eegtay oo aad hore iyo gadaalba jalleecada ku baadhay. Waxa aad raadinaysaa meel lagu urursan yahay ama dhaqdhaqaaq olole ka socdo. Inta indhahaagu sheedaalinta iyo baadigoobka ku jiraan ka badan ayay dhagahaagu raadinayaan meel maykarafoon ka baxayo. Tolow saaka miyaan waxbaba jirin mise adigaa soo kallahay? Cadceeddii ayaa sii kululaatay adna indhaha ayaad haydhhaydh ku yeelatay oo aad kolba hadh raadsatay. Waad diiqadootay oo aad gubatay dhidid badanina waa kaa horayaa. Inkaari kugu dhacday qaaddirada iyo cadceedda baasi isu darranaa. Waxba ma leh laakiin, maanta oo qudha waxba u noqonmayside adkayso dantaad leedahay baa ka wayne. Mar dhaw marka aad laba laamood oo jabbane ah afka galiso danba way kaaga duuli qaaddiraduye. “Jabbanaha arooryaad naftuu raalligaliyaa,” intaas oo run iyo been wax laga sameeyey aanad hubin baad maskaxdaada ku soo dhacday, dabadeed waad u riyaaqday.

Waxa aad sidii xuunsho wadkeed galay kolba dhan u dawaaftaba, waxa aad heshay meel barxad ah oo hawli ka socoto oo loo diyaarinaayo in uu mar dhaw nin ka khudbadeeyo. Waa intii aad doonaysaye bariido galaangal iyo dani ka muuqato kaddib, barbarka ayaad hawshii kaga qabatay: Ubaxan halkaa sudh; mayee ka daa halkaa calankaasi kuma wanaagsanee halkaa kale dhig oo; maykarafoonkii ma rakibnee maxaa dhacay? Keen bal rakibnee; intaa gaabanee sigaarka ah ii dhiib oo; waaryaa adigu maxaad la taagan tahay kaalay oo halkan biyaha ku rushee; sidee baad leedahay sawirka wuu qalloocaye toosi dee. Shuba bahasha, waa adigaa isku laba rogay sidii oo aad ka shaqaynayso arooskii saaxiibkaagii kugu dheeraa.

Afar gaadhi oo muraayaduhu u dallacan yihiin ayaa barqadii kululayd soo istaagay goobtii. Boodh iyo habaas ayay sidaa idiin liqsiiyeen. Dadka qaar ayaa dhibsanaya, adiga laakiin boodhba kuuma muuqdo. Waxa aad dhibsanayso ayaan saaka jirinba. Rag muraayado madmadaw xidhan ayaa ka soo degay oo si wacan u labbisan. Mid ka mid ah ayaa ubax iyo sharraaxado lagu boobay oo qoorta loo sudhay. Nacalba! Waa ninkii xalay oo dhan madaxaaga ka guuxayey ee maskaxda kaa qabsaday. Xalay markii uu Tv-ga ka hadlaayey malaha toban jeer ayaad habaar iyo higgaad isugu dartay, laakiin saaka waa madax madaxi dhashay oo gob ah. Waa ninka dalku u baahan yahay ee rafaadka iyo silica ka saari lahaa ummaddan rafaadsan. Waa siyaasi da yar oo daacad ah, dalkiisana jecel. Ma marka hore ayuu sidaa ahaa mise markii aad dantaada ka dhex aragtay? Mooyi.

Codkiina haddii aad ugu deeqdaan tuugta dalka boobka iyo dhaca maalin walba ku haysa ayuu idiinka hiilinayaa. Wuxuu shubay hadalladiisii farshaxnimada iyo tolmoonaantu ka buuxday, adiguna sacabka ayaad darandoorri ugu garaacday illaa faraha iyo baabocooyinku ku casaadeen. Malaha dadka adaa ugu sacab iyo qaylo badnaa uguna waalli casaa. Carrabkaaga ayaan mashxaradda ku wacnayne, waad se kaga danani lahayd iyadana. Calanka xisbiga ayaad kor u haysaa oo la daba taagan tahay musharraxa boqollaalka qof u khudbadaynaya, waliba kamaradda laga duubayo ayaad isu dhigaysaa si aad isu muujiso. Istus foqol istus baad ahayd goorahanba. Boqol shaqo oo aan midna cidi kuu diran ayaad isku waddaa oo kala waddaa. Xataa nabad gelyada meesha waad ka shaqaynaysaa iyo in aan buuq iyo dagaal ka dhicin. Maxaa kaa galay, wixii kaa soo hor baxaba qabo.

Khudbaddii iyo hadalkii markii uu dhammaaday, gaadhi dusha ka bannaan, oo iska rogato ah, ayaad sida dhagaxa isugu tuurtay, laakiin bas kale oo halkaa taagnaa ayaa lagaaga yeedhay dabadeed kooxda saaran oo dhan ayaa adiga iyo nin kale la idin ku yidhi hoggaamiya. Mijin jabbane ah iyo midhadh sigaar ah markii laguu dhiibay, waa adigaa sida faraska u duulay magaalladdana dhankaaga kaga qaylisiiyey ee ruxay. Qiirada iyo xamaasadda kaa muuqata waxaa la mooddaa in aad jihaad fiisabiilillaahi ku jirto. Oo ma jihaad bay ka dhacdaa doorashadu?

Toddoba casho oo xidhiidh ah ayaa quruskaagu meel saarnaa oo aad hawshana wadday, xaafaddiinana ka soo kallihi jirtay sidii nin shaqo tagaya. Runtii waxa la odhan karaa shaqo ayaad heshay. Adigu ma sharraxnid, ninka sharraxana waxba isuma tihidin ee mijinta ayaa meesha kula gashay oo xiiqa kuugu wacan. Ninka loo ololaynaayo qaar badan oo tolkiisa iyo qabanqaabiyaasha hawsha ka mid ah ayaad si fudud isku barateen oo ka helay firfircoonidaada iyo shaqo badnaantaada. Aakhirkii xaafiis laga furay xaafadihiina ayaa laguu dhiibay. Garan uu ku sawiran yahay musharraxa xisbigu ayaad xidhataa, calanka xisbigana sidii marxuum qaranka ka baxay ayaad dusha iska saartaa. Dadka kugu la qayila xafiiska kursiga, miiska iyo cawdu dhex taallo, ee isugu kaa sheegay in ay yihiin taageerayaasha xisbigiina, ayaad sida taxaliisha ugu qulaamisaa isbeddelka iyo waxqabadka xisbigiinu qaban doono ee adiga lagu soo cabsiiyey.

Intaas oo qudha maahee, xisbiyada kalee ee aad iska soo horjeeddaanna sida aad ceebtooda uga sheekeynaysaan ayaad aakhiro ugu tuurtaan oo aad digada kaga dhigtaan. Baga! Sow isma haysaan? Xisbiigana ayaa lambar wan ah musharrixiina ayaana ugu cadcad, laakiin qolyaha kale waa beenaalayaan aan siyaasadda waxba ka garanayn. Sidaas ayaad ku digridaan oo ku xadraysaan qaadkuna idiinku dhadhamaa.

Qaadka maalin kasta lagu siiyo waxaa marar kuu raaca qarash yar oo fara guudkooda ah. Oo tolow waayo? Maxaa wax hagaagsan laguugu dhiibi waayey? Oo sallaan kursiga lagu fuulayo ayaa tahaye ma sallaan adduun iyo xoolo la siiyo ayaad aragtay? Marduuf jaad ah, kooka-koole iyo biyo mooya saxo ah oo aanad markii hore hayn ayaad maalin kasta heshaaye ku ekaw waad hadal badan tahaye, iimaanka lagaa qaadye.

Maalinta aad ololaha u leedihiin magaaladda oo dhan baa idiin kacda. Dumar, carruur iyo jirri oo dhan baa idin daba uugaanta. Doorashada in aad idinku ku guulaysanaysaan shaki idinkama saarna, waayo ummadduba idinka ayey idiin raxlaynaysaa. Marba marka ka dambaysa xamaasadda iyo ololuhu way sii kululaanayaan. Adiga yididiilo badan ayaa ku soo gashay iyo huguri dheeraad ah. In xil laguu dhiibi doono ama ugu yaraan shaqo fiican lagu siin doono ayaad iska aammintay. Habeen kasta mirqaanku wuxuu kuugu baxaa marka aad maskaxda ka sawirato adiga oo xafiis qurux badan dhex fadhiya. Mooyi sida aad ku aammintay iyo waxa aad ku aammintay.

Sidaa idinka oo u wada ayaa maalintii doorashada la gaadhay oo codbixintii loo dareeray. Adigu, codkaaga daaye, xataa codka xaafaddiina iyo asxaabtaada oo dhan haddii aad gacanta ku hayso waad ugu shubi lahayd musharraxaaga, iyaguna way kuu ballan qaaddeen in aanay meel kale la mari doonin. Codka ayaa la idiinku guray; dalam, dalam, dalam! Idinka oo tiro fiican haysta, goobahana inta badan hogfaaminaya, ayaa haddana markii ay fiidkii gaadhay baayacaad iyo cod iibsasho iyo sadbursi bilawdeen. Sidaa waxa aad u samaynaysaan qolyaha kaleba in ay samaynayaan ayaad iska fahamsan tihiin. Waxan aad samaynaysaana cid xaaraan ku sheegi kartaa ma jirto waayo siyaasadda ayaaba caynkaas ah.

Markii lagu dhawaaqay wixii natiijada loo yaqaanay, hambalyo, farxad, damaashaad iyo guul ayaad isugu wada hambalyeyseen. Si yar oo fudud ayuu musharraxii u noqday madax qaran oo araggiisii iyo helistiisii mar kastaba fududayd iminka ma jirta oo baryaahaba indhaha maad saarin. Askar iyo bala ka jinni aan barigii hore la soccon ayaa iminka sidaa u harreera yaacaya. Ballantiisii ahayd in uu ugu yaraan agaasime kaa dhigi doonana dirrida ayaad u dhacday oo wallay kaa tahay. Wax walba waxaa kaaga daran, afkii baa kaa waynaaday oo qaadka kiiloo iyo wixii ka sarreeya mooyee wax ka yari kuma soo celinayaan. Jabbanaha aroortii oo qudha ayaad marduuf liqi jirtay intii ololuhu socday. Sidan maad ahaan jirine laakiin hadda waad waallatay oo waxaa lagaa dhigay haamaan heegga goostay.

Adiga oo aan waxba ku noolayn ayaad meel fadhiisatay markii koowaad, muddo bilo ah, si aad wax isu wayddiiso. Horta adiga iyo ninkan iyo ciidankii barbar yaacayey maxaad heshiis ku ahaydeen? Markii aad cododka iibsanayseen ma musuqmaasuq baa waddeen mise wax kale ayay ahayd? Adigu waddaniyadii iyo waxqabadkii aad shubaysay xaggeed ka keentay? Sow tii aad habeenkii suuliga ka dhex lahady bal maa iminka la isku rogmado? Goormaad waddaniga dhabta ah noqotay? Sow adigii xayraanka ahaa aan qardhaca hayn aan waxba ka naxayn? Sidaadaba, markii aad soo galaysay is-eryadkan iyo damdamtan, sow tii aad qaad doonka uun ahayd muxuu ahaa xilka lagu ballanqaaday ee aad u booyaysaa? Isagu sow kii lahaa in been la igu barto dooni maayo, goormuu is beddelay? Bahal ayuu ahaa adna bahal kale ayaad ahayd, dabadeed bahal oo is helaybaa ahaydeen.

F.G sannadkii 2014 ayey soo baxday oo sheekadan la daabacay.
 
Khadar Cabdi Cabdillaahi
khadarcc98@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here