Ayaandaranaa dadkaygu!

0
286

Marka aan idhi “Ayaandaranaa dadkaygu,” dadkayga aan ka hadlayaa (iyada oo soomaali oo dhami dadkayga wada tahay), waa dadkayga reer Soomaaliland ee muwaadinnimada Soomaaliland si hoose isu gu kaaya xidhay. Ayaandarrada aan ka hadlayo ee dadkayga haysataa na, waa tu nololeed, dhisme dal, dawladnimo, hoggaamin iyo doorasho habboon oo kursiga qofkiisa loo doorto. Sidaas baa aan u idhi: AYAANDARANAA DADKAYGA!

Marka muwaadin la lee yahay, sida qeexidda buugga Qaamuuska Oxford ee cilmibulsheedka  (Oxford Dictionary of sociology) unuggiisa ku saabsan muwaadinnimadu (Citizenship) uu odhanayo, muwaadinnimadu waxa ay tilmaamaysaa xuquuqda iyo waajibaadka qof xubin ka ah qaran dawlad ah ama magaalo. Haddii si kale loo dhiga na, muwaadinnimadu waa xubin-ka-noqoshada iyo u-dhalashada rasmiga ah ee qaran dawlad (sida Soomaaliland oo kale).

Waxa qeexidda ku jira laba erey oo laba macne kala sita, waa “xuquuq iyo waajibaad”, xuquuqdu, waxa aan odhan karaa, waa midda qofku dalka uu xubin ka yahay ku lee yahay (xuquuqda muwaadinka), waajibaadku na, waa qofku dalka uu u dhashay ee xuquuqda ku lee yahay, waajibaadka dalkiisu ku lee yahay. Eeg, qofku na xuquuq buu ku lee yahay dalkiisa, dalkiisu na waajibaad baa jira ka saaran qofka oo ay tahay in muwaaddinku guto.

Xuquuqda muwaadinku dalkiisa ku lee yahay, iyada oo ay badan tahay oo noloshii oo dhan aynnu ku tilmaami karno, hadda na, caddaalad, nolol, caafimaad, waxbarasho, difaac iyo daryeel baa aynnu ka xusi karnaa. Hadda ba, waajibaadka qofka ka saaran dalkiisu maxay noqon karaan, haddii qofku waxaas oo xuquuq ah uu dalkiisa ku lee yahay? In qofku dalkiisa jeclaadaa waa waajib, in uu ilaashaa waa waajib, waajibka u gu weyn ee aan u aamminsan ahay in uu waajibka waajibyada yahay waa in muwaadinku dalkiisa cidda uu u doorayo in ay hoggaamisaa noqoto qof muwaadin ah, garanaya xuquuqdiisa muwaaddinnimo og na muwaadin kastaa in uu lee yahay xuquuqda uu (ka muwaadin ahaan) lee yahay tu la mid ah, ka soo bixi kara sidii qof waliba xuquuqdiisa muwaadinnimo u heli lahaa, qofkaasi oo ah qof gudan jiray, gudanaya na, waajibka dalkiisu ku lee yahay ee ay u gu horrayso in uu daacad u yahay, dhawrayo sharciga, ilaalinaya na muwaadinnimada muwaaddiniinta, aanu ahayn mid xadi kara ama soo xaday, yahay na mid dantiisa shakhsiga ah ay kala weyn tahay ta dalkiisu, aan kala soocayn oo aan kala qoqobayn dadka dalkiisa ee dalnimadu midaysay. Hadda ba muwaadin, muwaaddin wal oo Soomaaliland ahi xuquuqda qayrkii dalalkooda ka helaan ma helaa? Si uu xuquuqdaa u helo, muwaadinka Soomaaliland waajibka qarankiisa ma gutaa isagu?

Dadkaygu waxa ay haystaan fursad aan dadkooda kale ee soomaaliyeed haysan, waa fursadda codaynta ee qof wal oo muwaadin ah xaq u siinaysa in uu fartiisa ku doorto qofka dalkiisa hoggaaminaya. Waa hannaan dimuquraadi ah ka u gu sarreeya, baa aan odhan karaa. Hadda na, dadkaygu fursaddaa kuma gutaan waajibka qaranku ku lee yahay si ay xuquuqdooda muwaaddinnimo u helaan, waa na sababta dadkaygu 30 sannadood ku dhawaad u hadhsanayaan qarannimo aanay manfac ku qabin. Ayaandaranaa dadkaygu!

Dalkayga waxa codeeya qof xaq u leh in uu codeeyo, kaasi oo ay ahayd in uu doorto qof xuquuqdii muwaadinnimo ee uu qarankiisa ku lahaa uu ka heli karo, laakiin waxa qofkaasi doortaa qof aannu xuquuqdiisii muwaadinnimo ka helayn haddii uu dalkiisa hoggaamiyo e, isaga tiisa u gu imanaya. Ayaandaranaa dadkaygu!

Dalkayga waxa codeeya qof miskiin ah oo quuta dhididkiisa xalaasha ah, kaasi oo ay ahayd in uu qof xalaalmiirad ah doorto oo mustaqbal u samayn kara, laakiin waa uu doortaa nin dalkiisa musuqmaasuqay, xoolihii loo gu samayn lahaa  (muwaaddinka) xuquuqdiisa muwaadinno na boobay oo caruurtiisa ku korsada, isna ku raaxaysta. Ayaandaranaa dadkaygu!

Dalkayga waxa codeeya dhalinyaro, aqoonyahan, culimo iyo indheergarad, intu ba waxa ay codkooda u gu ridaan inta hadba xilalka qaranka ku soo fashilanta, xoolaha ummadda boobta ee hore loo soo arkay waxtar la’aantooda. Ayaandaranaa dadkaygu!

Dalkayga dadkiisa waxa qarannimadooda oo hagaagta, dawladnimadooda oo shaqaysa iyo xuquuqdooda muwaadinnimo oo ay u helaan sida ay tahay kala weyn doorashada qof ay isku qabiil yihiin oo xukunka fuula, dabadeed “annaga oo reer hebel ah baa dalka ka talinaya”, ay isu gu faanaan. Qabiilka ayaa dadkayga qarannimada kala weyn. Ayaandaranaa dadkaygu!

Dadkaygu waa dad dhoohan, waa dantood-magartayaal illawshiiyaha ummasha leh oo ku aan dan u ahayn, kii xaday ee boobay iyo ku kasta oo kala qoqoba oo kala qaybiya mar iyo marar badan ba ku maamuusa xilalka qaran, durbaan qabiil oo loo tumay awgii. Isku soo wada xooriyoo dadkaygu kolba kooda u gu liita baa ay u doortaan xilalka qaran. Waa sababta aan dalkay Soomaaliland u jecel ahay, laakiin aan u karaahiyaysto dadkiisa. Dadkaygu waa dad ayaandaran, illaa inta ay baraarugayaan oo xaaladda jirta iska doorinayaanna waa ay ayaandarnaan doonaan. Ayaandaranaa dadkayg!

Cabdiqani Cabdillaahi Aadan
Email: abdiqaniaden010@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here