Xidiga Lionel Messi oo kulankiisii 600-aad caawa u safanaya kooxdiisa Barcelona – Imise saddexleey ayuu u dhaliyey kooxdiisa?

0
137

 

RAAD NEWS )-Sabti, November 04, 2017 Weeraryahan Lionel Messi ayaa caawa lagu wadaa inuu safto kulankiisii 600-aad ee waayihiisa kooxda Barcelona, kulanka ay la leeyihiin Sevilla ee ka tirsan La Ligaha Spain.

Kabtanka Argentina ayaa kooxda Barcelona la jooga muddo dheer, isagoo xiran maaliyadda naadiga Balaugrana ee heerkeeda sare xilli ciyaareedkiisii 14-aad.

Waxa uu Messi hantay bilado shaqsi ah iyo mid wadareed oo uu intaba hantay isagoo ku sugan Barca, waxaana xiddigan lugta bidix ku xamaasha loo tix geliyaa inuu yahay mid ka mid ah kuwa jiilkiisa ugu fiican.

Messi biladaha uu qaaday waxaa ka mid ah inuu ku guuleystay shan goor abaal-marinta xiddigaha ugu fiican Adduunka ee Ballon d’Or oo ay bixiso majaladda France Football Magazine.

Waxa uu Lionel Messi kooxda Barcelona u saftay 599 kulan, isagoo la gaaray 542 guulood, waxaana uu mudadaas kooxdiisa u dhaliyey 522 gool, iyadoo ay goolashaas ku jiraan 33 saddexleey.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here