Kooxda Bayern Munich oo doonaysa inay la wareegto Weeraryahanada ugu saameynta badan kooxda Arsenal

0
61

(RAAD NEWS )-Sabti, November 04, 2017 Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Waddanka Jarmalka ayaa lagu soo waramayaa inay doonayso inay la soo wareegto mid ka mid ah saddex weeraryahan oo ka tirsan Arsenal marka dib loo furo suuqa kala iibsiga xiddigaha bisha January ee sanadka 2018.

Wargeyska BILD ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa sheegay in Bayern Munich ay doonayso inay la soo wareego horraanta 2018 mid ka mid ah saddexda weeraryahan ee Arsenal oo ah haatan diiradda ku haysa kuwaasoo kala ah Alexis Sanchez, Alexandre Lacazette iyo Danny Welbeck.

Sanchez ayaa soo jiitay xiisaha kooxo dhowr ah, iyadoo  heshiiskiisa Gunners uu ka hadhsan yahay wax ka yar sanad, laakiin Manchester City ayaa u muuqata inay tahay kooxdii ugu macquulsanayd oo uu tagi lahaa.

Warbixintu waxa ay intaa ku daraysaa in Lacazette ayaa xiddiga xiga oo ay Bayern doonayso, laakiin xiddiga reer France ayaa kaliya u dhaqaaqay Emirates Stadium xagaagii la soo dhaafay, tababare Arsene Wenger ayaa diidi doona dalab kasta oo lagu doonayo saxeexiisa.
Taas ayaa laga yaabaa inay keento dalabka Welbeck, kaasoo sabababo dhaawac dartood u saftay 76 kulan kooxda ka dhisan Waqooyiga London tan iyo September sanadkii 2014.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here