‘Saddex Arrimood oo Somaliland ka dhacay’

0
234

‘Cadceed duhur joogta sacab laguma qarin karo’sidan waxa ka dhigan guusha Dawladnimo iyo dimuquraadiyaddeed ee ay Somaliland gaadhay 26 sannadood kaddib dib ula soo noqoshadii madaxbanaanideeda, waxaanay sida shaaca waaberi uga dhex Iftiintay Bariga Afrika oo ay u noqotay Laambad u shiday Nalka nabad-gelyada iyo dimuquraadiyada. laakiinse nasiib-darro waxa ah Beesha Caalamku iyagoo garowsa xaqiiqada halkan ka jirta way ka cago-jiidayaan inay ku dhawaaqaan ‘Somaliland waa Dawlad ka madaxbanaan Jamhuuriyadii laysku odhan jiray Soomaaliya ee ay xoriyaddeeda kala soo noqotay 1991-kii markii uu bur-buray nidaamkii Milateriga ahaa ee uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.’ Maqnaanshiyaha Aqoonsiga Somaliland, waa xuquuq ka maqan adduunka oo ku maqan kuwa ay ka maqan tahay ee adduunka oo dhan. ina ay go’doon kaga jirto caalamka oo aanay muwaadiniinteedu helin xuquuq qaanuuni ahna, waxay sabab u noqotay inay kumanaan Muruq iyo Maskax dunida ku soo kordhin lahaa si fudud ugu le’daan Baddaha iyo Saxaraha, si ay u helin nolol iyo Sharci dhalasho oo la ictiraafsan yahay. Ciidda, Calanka iyo Shacbiga Somaliland waa dulmanayaan inta ay caalamka ka xidh-xidhan yihiin ee aanay indhaha dunidu mar qudha qaban iyadoo Madaxda dawladaha caalamku ka qayb-galay Wanqasha Aqoonsigeeda, si lamida sidii Koonfurta Suudaan. Muwaadiniinteedu waa dhibaneyaal inta ay Baasboorka Shisheeye helidiisa mahlakooyinka u gelayaan, inta qofka Hargeysa u dhashay loogu abtirinayo Soomaali Muqdisho ee aan dhalasho iyo Sharci caalami ah oo kala soocayaa jirin. Sidaasoo ay tahay Somaliland hore ayey u socotaa, mana muuqdaan astaamo muujinaya inay dib ugu laabto halkii ay ka timi , iyadoo ka noqonaysa meesha ay hadda joogto. inkasta oo duruufaha ka jira mandaqada ku xeerani ku hayaan halis ay la wadaagto dalalka Gobolka oo ay qaarkood uga karti iyo feejignaan dheertahay ka hortaga dhibaatooyinka ku gedaaman mandaqada. Hore ayey geedi u tahay Somaliland oo Sanadka 2017-ka  waxa dhacay arrimo badan oo rejjaddeeda ku dhaweeyey jidka guusha.Waxaanay mar kale u ruqaansatay dhamaystirka Khariidad dalnimo oo koobaysa dhulkii qaannuuniyada u lahayd markii ay xornimada ka qaadatay Maxbiyadii Ingiriiskub1960-kii. taasoo timi kaddib markii todobaadkii hore Magaalada Caynabo lagu soo afjaray xiisaddo ka shidaal-qaadanayey xasarado siyaasaddeed oo tobankii sannadood ee u dambeeyey ka taagnaa Gobolada Bariga, khaasatan Gobolada Sool, deegaamo kamida Gobolka Sanaag iyo Buuhoodle.

Heshiiska Khaatumo iyo Somaliland (Midnimo)

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo hogaamiyaha Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa 20/10/2017, qalinka ku duugay heshiis laba geesood ah oo lagu xalinayo tabashada siyaasaddeed ee gobolada SSC, ka go’doomiyey Somaliland inteeda kale. ‘Taas ayaa ka dhigan Midnimada Somaliland hor leh oo xoojinaysa aragtida caalamka.’

“in la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland oo khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed…”

“In ciidamada hubaysan ee Khaatumo la qarameeyo oo waddanku yeesho ciidan qaran oo suga xuduudihiisa, jirintaankiisa iyo danahiisa.”ayaa lagu yidhi warsaxaafaddeed laga soo saaray Heshiiska labada dhinac.

Heshiiskan oo kamid ah saddex arrimood oo Somaliland ka dhacay sannadkan lagu jiro dabayaaqadiisii, ayaa sidoo kale lagu beyaamiyey “In dawladda Somaliland, ururada samafalka iyo hay’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga samayn lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.”. Tan ayaa ah farriin ka socota Somaliland oo dhan, kuna socota adduunka oo dhan, siiba saaxiibeyaasha sida tooskaa uga taageera horumarka iyo nabad-gelyada.

Madaxweyne Siilaanyo oo tanaasulay

Somaliland waxa ka dhacaya Doorasho badhtamaha Bisha November, taasoo ay ku tartamayaan saddex Murrashax oo kala hogaaminaya Xisbul-xaakimka iyo laba Xisbi Mucaarid. Xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa jagada Madaxtinimadiisa u tartamaya Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi oo lagu doortay Shirkii Golaha dhexe ee xisbigaas oo magaalada Hargeysa ka dhacay bishii November 2015-ka.

Madaxweynaha hadda talada hayaa, isagoo xaq u lahaa inuu mar labaad isu soo taago xilka Madaxweynenimada waa uu ka tanaasulay inuu ku soo noqdo mar kale kursigaas, taasoo ah arrin dhif iyo naadir ku ah Qaarada Afrika iyo qaaradaha kale ee caalamka qaarkood.

Madaxweyne Siilaanyo, ugama tanaasulin kursiga inuu ku soo noqdo culays Siyaasaddeed oo xisbigiisa iyo goleyaasha kale ee dawladda kaga yimi, cadaadis caalami ah oo la soo dersay iyo xaalad kedis ah oo ku khasabtay inuu xilka ka dego, hase ahaatee isagoo Caafimaad qaba, Miyir iyo Maskaxba-na taam ah, ayuu baneeyey midaanka madaxtinimada xisbigiisa. waxaanu noqday halyeygii labaad ee Afrika u qaaday bilada dimuquraadiyada, taasoo uu hore u sameeyey Madaxweynihii geeriyooday ee Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Madaxweyne Siilaanyo  waa 80 jir xilka Madaxweynenimo U gelbinaya inuu ku wareejiyo, Murrashax ay soddonkii sannadood ee nololshooda u dambeeyey gaadhi wada saarnaayeen. Isagoo rubuc-qarni u halgamayey sidii dib-u-xoreynta Somaliland, 8-sannadood xisbi Mucaarid ah hogaaminayey, ayuu hal teeram oo qudha markuu kursiga ku fadhiyey uu go’aansaday inuu doorasho qabto oo uu ku wareejiyo wareejiyo hogaamiye bedela, halka taa cakiskeeda ay dhigiisa wadamada Afrika (Madaxweyneyaasha), ku dhegsanaadaan kursiga sidii ay dhaxal u heleen, kuwaasoo badankooda Geeri iyo afgambi mooyaane aan si kale kaga degin xukunka. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu siidhi wade, marna daawade ka yahay Doorashada dalka ka qabsoomi doonta saddex todobaad kaddib, taasoo lagu dooran doono Madaxweynaha bedelaya, waana dhacdo ku cusub Mandaqada ay Somaliland ku taallo.

Dood Siyaasaddeed oo xarrago leh

Arrinta saddexaad ee Somaliland ka dhacday sanadkan, lana xidhiidha bisaylka iyo barbaarnimada siyaasaddeed ee ay gaadhay, waxay tahay dood loo qabtay Murrashaxiinta u tartamaysa Madaxweynenimada iyo ku-xigeennimada, taasoo ahayd dhacdo si weyn u soo jiidatay Indhaha Siyaasadda adduunka. Doodda dhex martay Murrashaxiinta u taagan jagada Madaxtinimada iyo madaxweyne ku-xigeenka ee saddexda Xisbi Qaran oo ahayd mid foolka fool ah, si toos ahna loogala socday Shaashadaha Telefishanada iyo Mareegaha Wararka, in ka badan shan boqol oo ruux-na ku sugnaayeen Hudheelka lagu qabtay, ayaa waxa si fiican looga dheehanayey bisayl iyo hufnaan siyaasaddeed oo ay muujiyeen Murrashaxiintu, iyagoo si isku kalsoonaan iyo waji-furnaani ka muuqato  uga dooddey Barmaamujyada siyaasaddeed iyo afkaarta ay Bulshada codka kaga doonayaan. Dhanka kalena, Dooddaas oo sida Shacbigu uga falceliyeen lagu tilmaami karo midho-dhal muujinaya garaadka iyo go’aan-gaadhista Bulshada, waxay shiiqisay musawir kasta oo dhinaca khaldan looga aaminsanaa Somaliland.  ‘dadka reer Somaliland-na waxay qiimeeyaan Murrashaxa madaxweyne iyo ku-xigeen ee ugu doodda wanaagsanaa.’. Sidaas darteed, Somaliland waxay xaq u leedahay in sanad-guurada 30-aad ee madaxbanaaniddeeda loogu wanqalo Ictiraaf Caalami ah oo ay adduunka ka hesho, haddii kale waxay halis u tahay inay noqoto Ukun cuqubo ah oo ku qaraxda Qaarada Afrika, gaar ahaan inta soohdinta iyo soonka la wadaagta ee hagraday. Ugu dambeyn, Doorashada Madaxtinimada ee olollaheedu bilaabmay todobaadkan, waxa la saadaalinayaa inay fure u noqoto albaabka u dambeeya ee uu ku xidhan yahay aqoonsiga Jamhuuriyada Somaliland. sidaas awgeed waa hal-xidhaale horyaalla reer Somaliland qabsoomida Doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhamaata jawi nabad-gelyo.

W/Q: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here